Masjidka Ramadaan ee Boosaaso oo lagu qabtay muxaadarooyin lagu wacyigelinayo Bulshada.[Dhagayso]

June 14, 2013 - Written by Editor

Majidka-Rowda-0162-150x150Boosaaso:-Waxaa Masjidka Ramadaan ee magaalada Boosaaso oo lagu qabtay muxaadarooyin lagu wacyigelinayo Bulshada iyadoo muxaadaraadkaan ay si tixane ah u socdeen mudo seddex habeen ah kuwaasi oo lagu wacyi gelinayo bulshada gaar ahaan xiliga xagaaga.  Waxaana muxaadarooyinkan ka qeyb galaya culumaa’udiin iyo ducaad ay ka mid yihiin Sh.Cali dheere, Sheekh Dr Maxamed Samanter iyo Sh.Cabdulqaadir Maxamed waxaana muxaadaradii ugu horeysay soo jeediyay Sheekh.Cali Dheer iyadoona cinwaanka muxaadarada uu ahaa Macaasida Iyo Raadaddka xun xun ay bulshada ku dhex leedahay waxa uuna Sheekha Cali uu soo bandhigay xawaadith waaqici ah oo ka hadlaysay mawduucan qiimaha badan.

Sidoo kale intii ay socotay muxaadarada ayaa waxa uu sheekha soo hadal qaaaday dhacdooyin waaqici ah oo ka dhaca magaalada Bossaaso kuwaasi oo ay ka mid yihiin magaalada oo ay kusoo badanayaan Daawashada Aflaam gaar ahaan xiliyada salaadaha isagoo tusaalooyin u soo qaatay sida ay ucamiranyihiin goobaha aflaamta lagu daawado xiliyada salaadaha la aadayo gaar ahaan salaadaha maqribka iyo cishaha.

Dadweyne aad u farabadan ayaa u soo dhagaysi tegay muxaadarada iyagoona ay ka faa’ideysteen dulucda iyo nuxurkii ay xambaar saneeyd muxaadarada. Waxaa kale oo jirta Muxaadaro kale oo uu jeediyey Dr Maxamed Samenter waxaa uu ka hadlay Waqtiga iyo Ahmiyada usiisay Islaamka.

Hoos ka Dhagayso muxaadaradii Macaasida Iyo Raadaddka xun xun ay Bulshada Ku dhexleedahay Sh Cali Dheere

[audio:http://k002.kiwi6.com/hotlink/h52un1gz3a/1-macaasida_iyo_raadadka_xun_xun_ay_bulshada_ku_dhexleedahay_.mp3] Halkaan ka dhagayso

Hoos ka Dhagayso Furitaankii Dawradii Khatimkaa Tafsiirka Quraanka Sh Cabdiraxmaan Bukhaari

[audio:http://k002.kiwi6.com/hotlink/ih1wv7hu3w/furitaankiidawradakhatimkatafsiirka_sh.bukhari.mp3] Halkaan ka dhagayso

 Hoos ka Dhagayso muxaadaradii uu jeediyey Sh Cali Dheere ka ee ka baxay Masjid Ramaadaan ee Boosaaso

[audio:http://k002.kiwi6.com/hotlink/zxxyc9tz6b/1-icjaaz_lcilmiyifil_quraansh.cali_dheere.mp3] Halkaan ka dhagayso

Hoos ka Dhagayso muxaadaradii Macaalimu Dacwa Ilaalaah Sh C/qaadir Maxamed Maxamuud

[audio:http://k002.kiwi6.com/hotlink/5403hvv6ar/3-macaalimudacwailalaahsheikh_cabduqadir_maxamed_maxamuud.mp3] Halkaan ka dhagayso

Hoos ka Dhagayso muxaadaradii Fadliga Quraanka Sh Cabdiraxmaan Bukhaari

[audio: http://k002.kiwi6.com/hotlink/jhi1ekzryb/5-al_quraan_fadluhu_waadabu_sheikh_cabdiraxman_bukhari.mp3] Halkaan ka dhagayso

Hoos ka Dhagayso muxaadaradii Masaalixil Ummah Sh Maxamuud Cismaan Maxamed

[audio: http://k002.kiwi6.com/hotlink/j86z9b362z/2-masaalixilummahustaad_maxamuud_cismaan_maxamed.mp3] Halkaan ka dhagayso

Hoos ka Dhagayso muxaadaradii macaalimu dacwa ilalaah Sh Mawliid Axmed Mataan

[audio: http://k002.kiwi6.com/hotlink/i12fghquyl/4-macaalimu_dacwa_ilalaahsheikh_mawliid_axmed_mataan.mp3] Halkaan ka dhagayso

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2013
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online