Nadwadii 10-aad oo Qardho lagu soo gabagabeeyey iyo Bayaan laga soo saaray (Masawiro)

June 20, 2013 - Written by Editor

1Qardho:-Waxaa magaalada Qardho lagu soo gabagabeeyey Nadwadii 10-aad ee ka dhacday  Masjidka Jaamaca Cumar Binkhadaad ee magaalada Qardho,waxaana sanadkaan Nadwada halku dhig looga dhigay:(HAGAAJINTA BULSHADA WAA MASUULIYAD INA WADA SAARAN)canaawiinta muxaadaraadka nadwada lagu soo qaatayna waxa ay kala ahaayeen:

1- xumaanta qabyaalada
2-xaaraantinimada dilka
3-ahmiyada ay leedahay faafinta diinta
4-Raadka xun ee macaasida.

Nadwadaan ayaa waxa ay socotay afar habeen, iyadoo  culumada ay ku qaadaa dhigeen canaawiintaas, ayna  ugu jawaabeen si waafi ah Su’aalo kalanduwan  oo ay waydiiyeen bulshadii dhagaysanaysay

Sanadkaan Nadwada  waxa ka qeyb galay  Culumada kala ah:

1-Sheekh: Cabdiraxman Bukhari.
2-Prof: Sheekh Cabdirashiid Siciid Ducaale.
3-Sheekh: Xasan Maxamed Muuse Shiikh (Xasan Bookh)
4-Sheekh: Maxamed Axmed Faarax.

Ugu danbeyntii xiritaanka Nadwadaan ayaa waxaa laga soo saaray  Bayaanka Gunaanadka Nadwada 10 aad ee ka Dhacday Magaalada
Qardho,waxaana Bayaankaan akhriyey Shiikh Axmed Cawale Gare,waxaa  sidoo kale soo dhaweeyey Nadwadaan Maamulka Degmada,Nabadoonada oo  codsaday in sanadkiiba labo mar la qabto maadaam si weyn loogu  faa’iidey.

Waxaa loo duceeyey Sh C/qaadir Nuur Faarax iyo Dr.Sh Axmed  Xaaji C/raxman oo ka mid ahaa Culumadii bilowday nadwadaan oo ay Al-Shabaab ku dileen deegaanada Puntland.

no images were found

Hoos ka akhriso Bayaanka Gunaanadka Nadwada 10 aad ee ka Dhacday  Magaalada Qardho.

Bayaanka Gunaanadka Nadwada 10 aad ee ka Dhacday Magaalada Qardho 20/06/2013

Ilaah baa mahad leh, nabadgelyo iyo Naxariis Nabigeennii Muxammad ahaa  korkiisa ha ahaato , Waxaan halkan uga mahad celinaynaa intii ka qayb  qaatay inay Qabsoonto Nadwadani oo ah Nadwadii 10aad  ee lagu qabto  magaalada Qardho.

Intaas ka dib waxaan Ummadda ugu baaqaynaa arimaha soo socda:-

1-Waxaan ummada ugu baaqaynaa qabsashada Kitaabka iyo Sunnada Nabiga  (scw) iyo faafinta iyo difaaca manhajka saxda ah, Haddii Ummadu qabsato Labadaas Asal waxaa muuqanaya in Ummadaasi Hagaagto ayna  yeelato Wanaag adduun iyo mid Aakhiro.
2-Waxaan ku baaqaynaa in cilmiga laga qaato culimmada ehelka u ah,  sida illaahay qur’aankiisa ku sheegay,  oo aan loo hanqal taagin qof kasta oo dadka wax ugu yeeraya lagana fogaado in Shiikh laga dhigto,  cajlad, Risaalo yar, Internet Iwm.
3- Waxaan Umadda ugu baaqaynaa inay ka fogaadaan Macaasida uu hogaanka  u yahay gogol dhaafku una horseedaysa Ummada dhaqanka xun ee diinteenu  reebtay.
4. Waxaan ugu baaqynaynaa ummadda in laga fogaado dulmiga uu ugu  horeeyo Dilka qofka Muslimka oo lagu daadinayo Sharci darada.
5. Waxaan Ummada uga digaynaa Adeegsiga Qabyaalada taasoo sababtay in  dad badani naftooda ku waayaan Aano Qabiil iyagoo waxba geysan ama  deegaankooda ka qaxaan.
6. Waxaan ummadda ugu baaqaynaa inay ka qaybtaan Islaaxinta Mujtamaca  si ummaddu ay u yeelato musqabal wanaagsan oo diimeed una hirgeliso  Dastuurka Alle.
7. Waxaan ummada uga digaynaa xadgudubyada ay ka  mid yihiin,  Seeraysiga Dhulka Daaqa, Xirida Wadooyinka Caamka,  Shidida Duxusha , Dhibaatayna Shacabka Masaakiinta Iwm.
8.Waxaan Ummada ugu Baaqaynaa in layska Kaashado Hagaajin Tiirarka  Amniga si Ummadu u hesho Amaan iyo Deganaansho.
9.Waxaan ugu Baaqaynaa Acyaanta Muhiimka ah ee Ummadda Sida Maamulka,  Isimada, Nabadoonada ,Aqoonyahanka , Waxgaradka, Culimada Iwm inay  Qaataan dowrkooda ku aadan ladagaalanka Fasaadka iyo Islaaxinta  Ummada.
10. Waxaan Maamulka hadda jira ugu baaqaynaa inuu Soomaali weyn oo  kala maqan muddo dhan 23 Sanno u fidiyo gogol heshiis uuna baadi goobo  sidii ay ku soo noqon lahayd Soomaalinimadii iyo Walaalnimadii  Shacabka Soomaaliyeed.

Gabagabo:
Gabagabadii waxaan Ilaahay ka baryaynaa in uu diinta inaku sugo,  ummadda Soomaaliyeedna ka dulqaado dhibaatooyinka muddada dheer ku
habsaday, uuna waafajiyo danahooda adduun iyo aakhiro. Allow  amiin…Waxaan Kale oo aan ilaahay uga baryeynaa Inuu Hoygooda ka dhigo Janatul Firdowsa Culimadii Ajilada ahayd ee Dhiigooda lagu daadshay  xaq darada iyagoo u taagan Tilmaamida Jidka alle sida Sh.Dr. Axmed Xaaji C/raxmaan iyo AlWaalid Sh. C/qaadir Nuur Faarax  Aaamiin.

Culimada ku saxiixan bayaankan waxay kala yihiin:

1.Sh. Xasan Maxamed Muuse (Xasan Bookh)
2.Sh. C/Raxmaan Bukhaari
3.Sh. C/rashiid Siciid Ducaale
4. Sh. Maxamed Axmed Faarax
5.Sh. Maxamuud Barre Ciid
6.Sh. Cali Maxamed Cali
7.Sh. Cismaan Maxamuud Xaaji
8.Sh. Axmed Yuusuf Daad
9. Sh. C/qaadir Yaasiin Maxamed
10.Sh. Maxamed Ismaaciil Foodcade
11.Sh. Axmed Cawaale Gaare.
Halgan.net ayaa idiin soo gudbin doonta hadii alle idmo muxaadaraadkii laga jeediyey Nadwadii 10-aad ee lagu qabtay magaalada Qardho

Halgan.net
Qardho

Leave a comment

*

Archives
June 2013
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online