Nadwo Cilmiyeed lagu soo gabagabeeyay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug

June 21, 2013 - Written by Editor

GaalkacyoGaalkacyo:-Waxaa lagu soo gaba gabeeyay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug nadwo cilmiyeed diini ah oo socotay mudo isbuuc ah waxaana Nadwada si weyn uga soo qeybgalay dadweynaha ku dhaqan magaalada Gaalkacyo .Nadwadani ayaa waxaa muxaadarooyin iyo tawjiihaad kala duwan ka jeediyey culumo kala duwan waxaana cinwaanka Nadwada uu ahaa وأنّ هذا صراطي مستقيماً فاتبعوه

Nadwada lagu qabtay magaalada Gaalkacyo ayaa ah tii Shanaad ee nooceeda ah ee lagu qabto Magaalada Gaalkacyo waxaana ka faa,idaysta Qaybaha Bulshada oo dhan.

Nadawadaani oo bilaabatay habeenkii Sabtida ee Taariikhdu ay ku beegnayd 6-Shacbaan-1434 waafaqsanaydna 15-June-2013 ayaa waxaa ay soo gaba gabowday Xalay oo Jimce ah Taariikhduna ay tahay 12-Shacbaan-1434 oo ku beegan 21-June-2013 .
Nadwadaani ayaa waxaa lagu qabtay Masaajidka Abuuhurayra ee Magaalada Gaalkacyo waxaana soo xaadiray Duruustii ka baxaysay Dadwayne  fara badan oo Rag iyo Dumarba iskugu jira kana kala yimaaday Guud ahaan xaafadaha Magaalada Gaalkacyo.

Gabagabada Nadwada ayaa Culimada waxaa ay dadweynihii ka soo qeybgalay nadwada uga jawaabeen  Su’aalo kala duwan oo culumada loo soo gudbiyey

Nadwadan ayaa waxaa ka qeyb galay culumada kala ah .
1-Sheekh Muxamed Macalin
2-SheekhMuxamed Jawhari
3-Sheekh C/caziiz Sh.Cali
4-Sheekh Aadam Muxamed Cigaal
5-Sheekh Xasan Cigaal Canshuur
6-Sheekh C/risaaq Warsame

Caaqil Cabdiwahaab oo isaguna Gabgabadii Nadwada ka hadlay ayaa waxaa uu sheegay inay codsanayaan in wacdiyadaan oo kale loo badiyo dadkana ay ka faaidaystaan waxaa uu ku bogaadiyay inay sii gudbiyaan Cilmiga ay Culimada ka faa,ideen.

Sh.Aadam Muxamed Cigaal ayaa waxaa uu Bulshada usoo jeediyay Dardaaranadii ugu danbeeyay isaga oo Culimada Afkooda ku hadlaya waxaana uu Dadwaynaha kula dardaarmay Arimo Dhawr ah oo Muhiim ah waxaana ka mid ahaa:-

Dilka Dadka Muslimka ah in laga fogaado , Qabyaalada iyo Qurunkeeda in la iska Fogeeyo iyo Arimo kale oo Muhiim ah.Dhanka kale Sh.Aadam waxaa uu  balan qaaday in Culimadu ay Sanadwalba hadii ilaahay qadaro ay Bulshada u qabanayaan Nadwadaan oo kale.

Nadwada oo Ciwaankeedu ahaa وأنّ هذا صراطي مستقيماً فاتبعوه   ayaa waxaa ay kusoo gab gabowday Jawi farxadeed kadib markii Sh.Muxamed Macalin uu uduceeyay Dhamaan Dadka Muslimiinta ah waxaana sidaasi ku soo xirmay Nadwadii Sanadkii Shanaad lagu qabo Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Duruustii laga jeediyey Nadwada ayaa waxaa ay kala yihiiin

1-Xurmada dhiiga Muslinka waxaana jeediyey Sheekh C/risaaq Warsame
2-Raaca Rasuulka oo bidco ha la imaanina Sheekh Maxamed Jowhar
3-Cilmiga iyo Ahmiyadiisa Sheekh Aden Maxamed Cigaal
4-Walaaltinimada Islaamka Sheekh Cabdi Casiis Sh Cali
5-Kadigtoonida Xadgudubka Diinta Sheekh Maxamed Macalin
6-Kusugnaanta Caqiidada Saxda ah Sheekh Xasan Cigaal Canshuur
7-Su,aalo ay ka jawaabeen Culumada.

Halgan.net ayaa idiin soo gudbin doonta Inshalaah muxaadaraadka laga jeediyey Nadwada lagu qabtay Gaalkacyo hadii alle idmo oo ay na soo gaarto.

Halgan.net
Gaalkacyo

Leave a comment

*

Archives
June 2013
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online