Nadwo Cilmiyeed lagu soo gabagabeeyey Degmada Carmo iyo Bayaan laga soo saaray (Masawiro)

June 24, 2013 - Written by Editor

3Carmo:-Waxaa lagu soo gabagabeeyey Degmada Carmo Nadwo cilmiyeedii 5aad ee sanad walba lagu qabto Degmada Carmo waxaana nadwada Cinwaan looga dhigay Baahida Umaddu u qabto Manhajka Ahlusunna Waljamaaca waxaana Nadwada ka qeyb galay culumada kala

1. Sh, C/raxmaan Maxamed Dhowre (Sh, Bukhaari

2. Sh, Xasan Maxamed Muuse (Xasan Bookh)

3. Prof, Sh, C/rashiid Siciid Ducaale

4. Sh, Maxamed Axmed Faarax (Dabiix)

5. Sh, Xuseen

Muxaadaraadka laga soo jeediyey Nadwada

no images were found

1. من هم أهل السنة والجماحة

2. معالم أهل السنة والجماعةفي الأسماء والأحكام

3. منهج أهل السنة والجماحة في مواجهة الفتن وبيان أسبابها وآثارها السيئة علي الأمة

4. أهل السنة والجما عة وموقفهم من العمل الجماعي
Ujeeddada laga lahaa:

waxaa looga dan lahaa qabashada Nadwadaan arimahaan soo socda

1.In ummadda diinteeda la xasuusiyo, taasoo ay adduun iyo aakhiroba ku liibaanayaan

2.In su,aalaha deeneed ee ay dadku qabaan looga jawaabo

3.In wacyi gelin lagu sameeyo Bulshada qaybeheeda kala duwan

Dadka ka faa,iidaystay

Waxaa ka faa,iidaystay dad aad u fara badan oo dhowr boqol kor u dhaafaya, kuwaasoo isugu jira Raga w/weyn, dhalinyarada iyo haweenba

Saamaynta ay lahayd Nadwadu

Nadwadu waxay dadka ku reebtay saamayn aad u wanaagsan iyadoo dad badani jeclaystay in waqtiga ay soconayso Nadwadu la kordhiyo, halka dadka qaarkoodna ku taliyeen in culumadu Nadwadan oo kale qabtaan 2-3 labo ilaa sadex jeer sannadkiiba, meesha hadda hal sano keliya la qabto.

Cidda Fulisay Nadwada

Nadwada waxaa fulisey Mu,asasada AL-Mihaaj ee Dacwada iyo Horumarinta ee Faraca Bari

Xiritaankii Nadwada

Xiritaankii Nadwada waxaa hadallo ka jeediyey qaar ka mida odayaasha deegaanka iyo Nabadoono Degmada soo booqday oo uu horkacayo afhayeenka Nabadoonada C/qaadir Axmed Ibraahim (Xarago), sidoo kale waxaa kelmaddii xiritaanka Nadwada kusoo gaba-gabeeyey Guddomiyaha Degmada Carmo Eng. Ibraahim Shire Maxamed.

Bayaan laga soo saaray Nadwadii lagu qabtay Degmada Carmo ee Gobalka Bari

Waxaa Degmda Carmo lagu soo gaba gabeeyey nedwo cilmiyeedkii sanadlaha ahayd ee ka socotey masjidka Al-Taqwaa ee Degmada CaRMO. Nadwadan oo ahayd tii 5-aad waxaa sanadkan lagu qaadaa dhigay mawduucan(حاجة الأمة إلي منهج أهل السنة والجماعة) Baahida Umaddu u qabto Manhajka Ahlusunna Waljamaaca.Waxaana ka qayb galay qaar ka mid ah Culumada Puntland iyadoo ay Bar-bar socotay, Muxaadaraadka Dumarka, iyo kulamo loo qabtay qaar ka mid ah qaybaha Bulshada.Gabagabadii nedwada waxay culimadii ka qaybgashay Nadwadan ay si wada jir ah usoo saareen bayaan 10 qodob kakooban oo ay arimo badan kaga hadleen.

Bayaankuna wuxuu u qornaa sidaan soo socota: Ilaah baa mahad leh, nabadgelyo iyo Naxariis Nabigeennii Muxammad ahaa, eheladiisii, asxaabtiisii, atbaacdoodii iyo intii wanaag ku raacday tan iyo qiyaamaha dushooda ha ahaato. Intaa ka dib waxaan Ummadda ugu baaqaynaa arimaha soo socda:-

  1. Waxaan ummada soomaaliyeed ugu baaqaynaa qabsashada Kitaabka iyo Sunnada Nabiga  (scw) , faafinta iyo difaaca manhajka saxda ah ee Ahlusunna Waljamaaca, Haddii Ummadu qabsato Labadaas Asal waxaa hubaal ah in Ummadaasi Hagaagto ayna  yeelato Wanaag adduun iyo mid Aakhiro.
  2. Waxaan ugu baaqaynaa Beelaha walaalaha ah ee colaadda sokeeye ka soo cusboonaatay in ay ilaahay uga baqaan dagaalka qabyaaladeed ee addun iyo aakhiroba lagu halaagsamayo, ayna si deg-deg ah u joojiyaan isku dhacyada hubaysan ee dhexdooda ah, beddelkeedana ay bilaabaan sidii wadahadal iyo dhanka wanaagga loogu soo laaban lahaa.
  3. Waxaan ugu baaqaynaa waxgaradka labada beelood ee walaalaha ah in ay u guntadaan sidii loo joojinlahaa dhiig dambe oo daata.
  4. Waxaan ugu Baaqayna Beelaha kale ee deegaanka kula nool labada beelood ee walaaalaha in ay u istaagaan gacan buuxdana ka geystaan sidii beelahaas walaalohood ah ay khilaafkooda u xalin lahaayeen.
  5. Waxaan ugu baaqaynaa Maamulka Puntland in uu guto xilkiisa mas,uuliyadeed ee kasaaran nabadaynta iyo xallinta beelaha walaalaha ah.
  6. Waxaan ugu baaqaynaa si gaar ah isimada iyo Nabadoonada Puntland in ay u istaagaan, gutaanna xilkooda dhaqan ayna ilaah ugu baqaan dhibaatada qabyaaladeed ee soo noqnoqotay, islamarkaasna ay curiyaan xalkii lagu dawayn lahaa dhibaatada soo noqnoqotay.
  7. Waxaan ugu baaqaynaa aqoonyahanka, iyo ardayda Soomaaliyeed inay ka fogaadaan wax kasta oo keeni kara qabyaalad, iyo inay ka wacyi sareeyaan oo aysan u fakarin/dhaqmin sida dadka aan aqoonta lahayn, waxaan usoo jeedinaynaa inay ka waan toobaan inay aqoontooda uga qayb qaataan dhibaataynta shacabka Soomaaliyeed sida; inay hadal iyo qoraalba uga qayb qaataan qabyaalada

 

  1. Waxaan ugu baaqaynaa maamulada iyo beelaha Soomaaliyeed in ay wixii khilaaf siyaasadeed ah ee dhexmara ula tacaalaan sidii walaalo dhibaato wada haysata wada xallisanaya, ayna ka waantoobaan inay isu adeegsadaan awood ama quwado shisheeye. waxaan ku baaqaynaa carabkana ku adkaynaynaa in shacabka Soomaaliyeed shareecada illaahay u celiyaan wax kasta oo dhex mara, kuna kala baxaan sida Kitaabka quraanka iyo Sunnada Nabigu ina farayaan.
  2. Waxaan ugu baaqaynaa Ganacsata Soomaaliyeed iyo qofkasta oo dhaqaale ku bixiya hurinta qabyaalada inay illaahay uga toobad keenaan, xasuustaana in illaahay hortiisa kaligood la waydiin doono shilin kasta meesha uu kasoo galay, iyo meesha ay ku bixiyeen, ayna noqonayso nimcadii illaahay siiyey inay ku xadgudbeen oo ay walaal kood muslim ah ku dhibaateeyeen.

10. Ugu danbayntii Waxaan ugu baaqaynaa Ummada Soomaaliyeed Maamul iyo shacaba sida illaahay ka doonayo oo ah inay midoobaan, waana sida kaliya ee shacabka Soomaaliyeed kusii jiri karo dad ahaan iyo dal ahaan, sidoo kale waxaan carrabka ku adkaynaynaa in ummada Soomaaliyeed xalkeedu ku jiro isku xukunka iyo ku dhaqanka Shareecada  islaamka oo kaliya.

Culumada ku saxiixan Bayaankaan

 

  1. Shiikh Xassan Maxamed Muuse (shikh Xasan Booq
  2. Sh, C/raxmaan Maxamed Dhowre (Sh, Bukhaari)
  3. Prof, Sh, C/rashiid Siciid Ducaale
  4. Sh, Xuseen
  5. Sh, Maxamed Axmed Faarax (Dabiix)
  6. Sh, Shaakir Sh, Cabdi
  7. Sh, Cali Cabdi Axmed
  8. Sh, Maxamuud Maxamed Saafi
  9. Sh, C/kariin C/qaadir Yuusuf

10. Sh, Maxamed Salaad Cusmaan

11. Sh, C/raxmaan Aw Ciise Muuse

C/raxmaan Aw Ciise Muuse
Carmo
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2013
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online