Puntland oo sheegtay in ay ku qabteen Boosaaso Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab
June 4, 2013 - Written by EditorBoosaaso:-Ciidanka amaanka ee magaalada Bossaso ee xarunta gobolka Bari ayaa maanta howlgalo ay ka fuliyeen gudaha magaalada Boosaaso waxay sheegeen in ay ku qabteen Sarkaal ka tirsan Ururka Al-Shabaab kaas oo ay in mudo ah ku daba jireen laamaha sirdoonka ee Puntland .
Wasiirka Amniga dowlada Puntland Col.Khaliif Ciise Mudan ayaa warbaahinta u sheegay in maanta ciidanka amaanka ee magaalada Boosaaso ay gacanta ku dhigeen Ninkii madaxda u ahaa kooxaha Amniyaadka ee magaalada Boosaaso waxaana howlgalada ku dhintay qof shacab ah oo meherad ku heystay agagaarka Dhismaha shirkada Dalsan kaas oo magaciisa lagu sheegay Raage Diiriye Faarax (Dhugad).
Wasiirka Amniga dowlada Puntland Col.Khaliif Ciise Mudan ayaa sheegay in ninka la qabtay uu dagaalamay uuna heystay bistoolad iyo Bam wuxuuna ka gaabsaday in uu shaaciyo magaciisa isaga oo balan qaaday in ay saxaafada u soo bandhigi doonaan.
Ugu danbayntii Wasiirka Amniga ee Puntland Col.Khaliif Ciise Mudan ayaa shacabka Puntland ugu baaqay in ay foojignaadaan lana shaqeeyaan ciidanka amaanka ee Puntland si loo sugo amaanka deegaanada ay ka arimiso Puntland.
Ururka Al-Shabaab ayaa ilaa haatan ka hadal warka ka soo baxay wasaarada Amniga Puntland kaas oo sheegaya in ay qabteen Sarkaal ka tirsan kooxaha Amniyaadka ee Al-Shabaab.
Kooxaha Amniyaadka ee Ururka Al-Shabaab ayaa dilal badan ka fuliyey magaalooyinka Boosaaso Garoowe iyo Gaalkacyo waxaana dilkaas ugu danbeeyey dilkii foosha xumaa oo ay u geysteen Sheekh C/qaadir Nuur Faarax Raximahulaah xili uu ku jiray salaadii casar Masjidka Badar ee magaalada Garoowe.
M_M Deeq
Halgan.net