Puntland oo sheegtay in ay ku qabteen Boosaaso Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab

June 4, 2013 - Written by Editor

khaliifBoosaaso:-Ciidanka amaanka ee magaalada Bossaso ee xarunta gobolka Bari ayaa maanta howlgalo ay ka fuliyeen gudaha magaalada Boosaaso waxay sheegeen in ay ku qabteen Sarkaal ka tirsan Ururka Al-Shabaab kaas oo ay in mudo ah ku daba jireen laamaha sirdoonka ee Puntland .

Wasiirka Amniga dowlada Puntland Col.Khaliif Ciise Mudan ayaa warbaahinta u sheegay in maanta ciidanka amaanka ee magaalada Boosaaso ay gacanta ku dhigeen Ninkii madaxda u ahaa kooxaha Amniyaadka ee magaalada Boosaaso waxaana howlgalada ku dhintay qof shacab ah oo meherad ku heystay agagaarka Dhismaha shirkada Dalsan kaas oo magaciisa lagu sheegay Raage Diiriye  Faarax (Dhugad).

Wasiirka Amniga dowlada Puntland Col.Khaliif Ciise Mudan ayaa sheegay in ninka la qabtay uu dagaalamay uuna heystay bistoolad iyo Bam  wuxuuna ka gaabsaday in uu shaaciyo magaciisa isaga oo balan qaaday in ay saxaafada u soo bandhigi doonaan.

Ugu danbayntii Wasiirka Amniga ee Puntland Col.Khaliif Ciise Mudan ayaa shacabka Puntland ugu baaqay in ay foojignaadaan lana shaqeeyaan ciidanka amaanka ee Puntland si loo sugo amaanka deegaanada ay ka arimiso Puntland.

Ururka Al-Shabaab ayaa ilaa haatan ka hadal warka ka soo baxay wasaarada Amniga Puntland kaas oo sheegaya in ay qabteen Sarkaal ka tirsan kooxaha Amniyaadka ee Al-Shabaab.

Kooxaha Amniyaadka ee Ururka Al-Shabaab ayaa dilal badan ka fuliyey magaalooyinka Boosaaso Garoowe iyo Gaalkacyo waxaana dilkaas ugu danbeeyey dilkii foosha xumaa oo ay u geysteen Sheekh C/qaadir Nuur Faarax Raximahulaah xili uu ku jiray salaadii casar Masjidka Badar ee magaalada Garoowe.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2013
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online