Ra’iisul Wasaaraha DFS oo Tababar U Soo Xiray ciidamo ka tirsan DFS

June 24, 2013 - Written by Editor

IMG_0883Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Cabdi Farax Shirdoon (Saacid) oo ay wehliyaan Wasiirka Gaashandhiga C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi, Wasiirka Wasarada kheyraadka C/risaq Cumar Maxamed  iyo Wasiirka Warfaafinta C/laahi Cilmooge Xirsi ayaa maanta xero ku taala deegaanka Jaziira taba-bar ugu soo xiray ciidamo gaaraya ilaa 880 Askari, ciidankaan ayaa goobta kusoo bandhigay gaado ka ciyaar kala duwan.

Taliyaha ciidanka qalabka sida Jen: Daahir Cilmi Aadan (Indha Qarsho) ayaa ka hadlay ahmiyada uu ciidankaan u leeyahay wax ka qabashada amaanka dalka.

“Ciidanka maanta taba-barka aan u soo xirnay waa ciidan markii aan xaraynaynay aad laysu weydiinayey halka aan ka helayno dhaqaalaha ku baxaya, waxaana sharaf u ah dowladda Soomaaliya iyadoo beesha caalamka aan wax taageero ah ka helin inay u soo dhamaystirto tababarkaan oo soconayey mudo lix bilood ah, waxaana kalsooni buuxda ku qabnaa in ciidankaan ay noqon doono kuwo ka xoreeya meelaha ay uga harsan yihiin kooxaha nabad diidka ah dalka” ayuu yiri Jeneraalku.

Wasiirka gaashaandhiga Cabdixakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa ku bogaadiyey sida mutawacnimada ah ee ay ciidankaan u dalbadeen inay dalkooda difaacaan, wuxuuna tilmamay in ciidankaan saldhiga u yahay asaaska ciidanka Qaranka Soomaaliyeed.

“Waa ciidankii ugu horeeyey ee dalka gudihiisa ay ku tababaraan saraakiil Soomaaliyeed, waxaana makhraati ma doonta ah hadii aan isku tashano inaan wax qabsan karno, ciidankaan waxay doorteen inay dalkooda iyo diintooda ka difaacaan cadowga, waana lagu abaal marin doona” ayuu yiri wasiirku

Ra’iisul wasaaraha ayaa dhankiisa sheegay in ciidankaan sida ugu dhaqsaha badan loogu dhamaystirayo agabyadii ay ku howl gali lahaa yeen,si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo.

“ Ciidankaan waxaa tababarka loo furay markii xukuumadda la ansixiyey, waana wax lagu farxo in mudo 23 sano kadib  markii ugu horaysay ay ciidanka qaranka ay tababaraan saraakiil Soomaaliyeed, taba-barkaan waa wajigii koobaad, waxaana sii socon doona tababrada la siinayo ciidamada kale, waxaa xukuumadda ka go’an in dhamaan ciidanka qalabka sida ay si joogta ah u helaan xuquuqdooda” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid oo dhanka kale xusay in siyaasadda dowladda ay mudnaanta koobaad siinayso daryeelka ciidanka, waxayna golaha wasiirradu khamiistii la soo dhaafay magacabeen guddi ka shaqayn doona sidii wax looga qaban lahaa baahiyaha kala duwan ee haysta ciidanka qalabka sida

Ugu danbayntii Ra’iisal Wasaaraha ayaa ciidanka la qadeeyey, isagoona kala sheekaystay duruufaha ay ku tababarteen, waxaana arinkaas qayb ka yahay dadaalka uu Ra’iisul Wasaaruhu ugu jiro sidii kor loogu qaadi lahaa moraalka ciidanka. Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa u balan qaaday kooxda horseed oo duruufo dhanka nolosha ah ay ka muuqdeen in la siinayo lacag gaaraysa 30,000 doolar, isagoona ku tilmaamay in kooxdaani ay laf dhabar u tahay guubaabinta iyo geesinimo galinta ciidanka, kooxda horseed ayaa maanta soo bandhigtay heeso ay ku cabirayeen sida ciidanka qaranku ugu heelan yihiin inay difaacaan dalkooda.

—DHAMAAD—

Diraac Salaad Fagaase
Communication Director
Office of the Prime Minister
Mogdisho-Somalia

Leave a comment

*

Archives
June 2013
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online