War gelin Muhiim ah oo ku socota Maamullada Dugsiyada Quraanka Kariimka ah

June 30, 2013 - Written by Editor

ogeysiis1Boosaaso:-Waxaa lagu war gelinayaa dhammaan Maamullada Dugsiyada Qur,aanka, Daarul quraannada iyo Magaalooyinka Puntland in la qaban doono tartankii quraan aqriska ahaa ee la qaban jiray Bisha Bara kaysan ee Ramadaan, kaasoo ay iska kaashan jireen Shirkadda Golis iyo Mu,assasada alminhaaj ee Dacwada iyo horumarinta.

Haddaba ardayda iyo Magaalooyinka ka qaybgelaya Tartanka Qur,aanka Kariimka ah waxaa lala socodsiinayaa in tartamayaasha loo degjiyey shuruudaha hoos ku qoran.

  1. Ardaygu Waa inuusan kaweyneyn 15 sano
  2. Arday shahaado ka hasyta dugsi qur,aan uma tartami karo dugsi kale hadii uusan fasax ka haysan.
  3. Ardaygu dugsiga uu u tartamayo waa inuu arday kasoo ahaa ugu yaraan mudo hal sano ah.
  4. Ardaygu kaalin uu mar ku tartamay mar labaad kuma tartami karo
  5. Ardaygii qur,aanka oo dhan ku tartamay tartanka Gobollada markale kuma soo laaban karo isla tartankii Gobollada.
  6. Ardaygu Magaalada uu u tartamayo waa in aan loo soo safrin ee uu yahay arday rasmi ku ah Magaalada ama ugu yaraan usoo xagaa baxay, hadii taas lagu helana uu mudan karo in tartanka laga reebo.
  7. Magaala kasta oo ka qayb gelaysa tartanka Gobollada waa in ay soo gashaa tartan gudeheeda ah (isreeb-reeb).

Wixii faah-faahin ah oo intaas dheer kala xiriir Tellno: 7797101/7727101

M A H A D S A N I D I N

Guddiga Qaban Qaabada Tartanka
Qur,aanka ee Puntland

Leave a comment

*

Archives
June 2013
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online