Wafdi Ka Socda Golaha Baarlamaanka DFS oo ka qeyb galay Shirka ACP-EU ee Brussels

June 18, 2013 - Written by Editor

Wafdi_Baarlamaanka_Midowga_Yurub_1Brussels:-Wafdiga ka socda Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa hogaaminaya  Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya  Mudane Jeeylaani Nuur Iikar waxaana wafdigan ay shirka horgeeynayaan  hormarradii ugu dambeeyey ee uu ku talaabsaday Baarlamaanka  Soomaaliya.

Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Golaha Baarlamaanka Mudane Jeeylaani  Nuur Iikar ayaa ugu horeyn uga mahad celiyey Dowladda Biljamka iyo madaxda Midowga Yurub sida heerka sare ah ee ay usoo dhaweeyeen  Wafdiga ka socda Baarlamaanka Soomaaliya ee uu hogaaminayo.

Wafdigan uu hogaaminayo Gudoomiye Ku Xigeenka Koobaad ee Golaha  Baarlamaanka Mudane Jeeylaani Nuur Iikar ayaa waxaa ka mid ah  Gudoomiyaha gudiga arimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah Mudane  Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali,Mudane Xildhibaan Maxamuud Cabdi  Xasan , iyo Mudane Maxamed Xasan Cawaale oo ah la taliyaha gudoomiyaha  Baarlamaanka Soomaaliya waxaana xubnahan maanta ay si rasmi ah u  fadhiisteen kuraastii Soomaaliya oo mudo sanado ah banaaneed.

Talaabadan ay wafdigan ka socda Baarlamaanka Soomaaliya uga  qeybgalayaan shirkan ka furmay xarunta Midowga Yurub ee Brussels ayaa ka qeyb ka ah hormarrada sii kordhaya ee uu Baarlamaanka Soomaaliya ku  talaabsanayo marka loo eego dhanka xiriirka iyo wadashaqeynta Baarlamaannada Caalamka.

—-DHAMAAD—-
Xafiiska Warfaafinta Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya

Leave a comment

*

Archives
June 2013
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online