Wasiiradda Arrimaha dibadda DFS oo markale Nairobi ku Saxiixday Heshiiskii Xadaynta Badda

June 4, 2013 - Written by Editor

mou_saxiix_fawziaWasiiradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo soo cusboonaysiisay hesiiskii isfahamka (memorandum of understanding – MOU) ee Baarlamaanka Soomaaliya hore u diidey. haddaba Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya tallaabo intee leeg ayuu ka qaadi doonaa mar haddii xukuumaddu ku xad gudubtey xeer baarlamaan. Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee Dawladda Federaalka Soomaaliya, Fawsiya Yuusuf X. Aadam, ayaa heshiiskii Is-fahamka ee Baarlamaankii hore ee Soomaaliya waxba kama jiraan ka dhigeen waxay markale la saxiixatay Dawladda Kenya.

Warqadda ay May 31, 2013 Nairobi ku kala saxiixdeen wasiiradaha Arrimaha dibadda ee Dawladaha Federaalka Soomaaliya iyo Kenya, oo nuqul ka mid ah ay SomaliTalk.com heshay (hoos ka eeg), waxaa ku cad “Labada Wasiir waxay hoosta ka xarriiqeen sidii loo agaasimi lahaa hab-raaca lagu samaynayo xarriiqda xadaynta badda”, ayadoo arrintaas asaas looga dhigayo heshiiskii MoU. “Wasiiradu waxay lafa gureen heshiiskii hore ee Is-fahamka ahaa (MoU) ee u dhax maray Kenya iyo Soomaaliya iyo sidii loo dhaqan gelin lahaa.”  Waxaa isla markaas durbadiiba Wasiiradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ay aqbashay in Kenya iyo Soomaaliya wada samaystaan guddi farsamo oo arrintaas kawada shaqaynaya oo loo bixiyey JCC (Joint Commission for Cooperation).

Waxaana ku caq qoraalkaas in guddigaas markiiba la dhaqan geliyey oo “Labada Wasiir ay si rasmi ah u sheegeen in JCC uu dhaqan galay (Axad) 2-da June 2013, saacada 4:00 galabnimo”.  Sida ku cad qoraalka cusub ee la kala saxiixday, waxaa kulanka labada wasiir ee arrimaha dibadda in uu Nairobi ku qabsoomo amar ku bixiyey Madaxweynayaasha Kenya Uhuru Kenyada iyo Shiikh Xasan, amarkaas oo ahaa in ay sid degdeg ah ku kulmaan labada wasiir, isla markaasna la diyaariyo sidii Nairobi uu “kulan shaqo” ugu iman lahaa madaxweynaha Soomaaliya, uuna marti gelin doono madaxweynaha Kenya.

Qadiyadan heshiiska MoU waa mid la xiriirta xornimada dhul ee Qaranka Soomaaliya, maadaama xukuumaddu saxiixday in gorgortan laga geli karo dhul-badeedka Soomaaliya (xusuuso MoU-ga boorka laga jaafayo) iyo ayadoo ay Kenya hore u cadaysatay xad gudubka ay ku soo samaysay dhul-badeedka Soomaaliya o ay qayb cabiratay.

Halkaan ka akhri warbixinta oo dhamaystiran

Source :SomaliTalk.com

Leave a comment

*

Archives
June 2013
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online