Xildhibaannada Golaha Baarlamaanka DFS oo 30,000$ ugu deeqay Agoonta Booliska DFS

June 23, 2013 - Written by Editor

DSC01919Muqdisho:-Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa lacag gaareysa  30,000$ (Soddon kun oo Doollar) oo ay gunadooda bishan ka jarayaan ugu  deeqay carruurta agoonta ah ee ay ka geeriyoodeen askarta Booliiska ah  ee naftooda u huray dalkooda,dadkooda iyo diintooda kadib kulan ay  Mudaneyaasha Baarlamaanka iyo Saraakiisha Booliiska ku yeesheen  magaalada Muqdisho.

Kulankan oo ka dhacay xarunta Golaha Shacabka ah ee magaalada Muqdisho  ayaa waxaa shir gudoominayey Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka  Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa waxaa soo  xaadiray saraakiisha ugu sareysa Ciidammada Booliiska Soomaaliyeed oo  iyagu kasoo jawaabay u yeerista Xildhibaannada Baarlamaanka.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh  Cismaan Jawaari oo kulankan si rasmi ah u furay ayaa ugu horeyn uga  mahad celiyey saraakiisha Ciidammada Booliiska ah sida ay ugasoo  jawaabeen u yeerista Mudaneyaasha Baarlamaanka ayadoo talaabadanna ay  muujineyso sida ay hay’adaha ammaanka gaar ahaanna Booliiska tixgelin  u siinayaan la shaqeynta Baarlamaanka Soomaaliya.

no images were found

Taliyaha Ciidammada Booliiska Soomaaliyeed Sareeye Guuto C/xakiin  Daahir Saacid oo kulanka ka hadlay ayaa tilmaamay inuu aad ugu
faraxsanyahay inuu horyimaado Baarlamaanka Soomaaliya waxaana uu intaa  ku daray in mar walba Saraakiisha Ciidammada Booliisku diyaar u yihiin  iney ka jawaabaan awaamiirta Baarlamaanka.

Intaasi kadib kulanka ayaa noqday mid ay albaabada u xiranyihiin  ayadoo saxaafadanna dibad joog ay ka aheyd waxaana ay si hoose uga
wada hadleen Mudaneyaasha Baarlamaanka iyo Saraakiisha Ciidammada  Booliiska Soomaaliyeed sida ay uga wada shaqeyn karaan sugidda
ammaanka Dalka iyo sida loo sixi lahaa dhaliilaha jira waxaana markii  uu kulankaasi soo gebageboobay kadib saxaafadda la hadlay Gudoomiyaha  Baarlamaanka iyo Taliyaha Ciidammada Booliiska Soomaaliyeed.

Ugu horeyn Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane  Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo shirka jaraa’id ka hadlay ayaa
tilmaamay in kulankii maanta ay si calool fiyoobi ah uga wada hadleen  saraakiisha Booliiska iyo Xildhibaannada Baarlamaanka sugidda ammaanka  Dalka iyo wada shaqeynta dhanka amniga ah islamarkaana kulanka lagu  go’aamiyey in wada shaqeyn joogta ah ay Xildhibaannada iyo Booliiska  ka yeesheen adkeynta amniga.

“kulankan waxa uu ahaa mid muhiim ah runtii ka sokoow go’aaminta wada  shaqeynta Baarlamaanka iyo Booliiska ammaanka waxaa kale oo ay
Mudaneyaasha Baarlamaanku go’aamiyeen in lacag dhan 30,000$ (Soddon  kun oo dollar) oo ay mushaarkooda ka jarayaan bishaan ay ugu deeqeen  carruurta agoonta ah ee ay ka geeriyoodeen Askartii Booliiska ee  naftooda u huray dalkooda,dadkooda iyo diintooda, waxaan rajeynayaa  iney wadashaqeyntaan ay sii ballaaran doonto oo ay wada shaqeyn  doonaan gudiyo labada dhinac ah”ayuu ku yiri shirkiisa jaraa’id
Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Taliyaha Ciidammada Booliiska Soomaaliyeed Sareeye Guuto C/xakiin  Daahir Saacid oo isaguna ka hadlay shirkajaraa’id ayaa uga mahad
celiyey Xildhibaannada Baarlamaanka sida ay ugu damqadeen carruurta  agoonta ah ee ay ka geeriyoodeen Askarta Booliiska waxaana uu
talaabadan ku tilmaamay iney dhiiragelin u noqon doonto Ciidammada  Booliiska ah ee hada shaqeynaya, sidoo kalena waxa uu taliyuhu ballan
qaaday in wadashaqeynta Booliiska iyo Xildhibaannada Baarlamaanka ay  noqon doonto mid joogto ah.

Si kastaba kulankan ayaa kusoo gebageboobay jawi aad u wanaagsan  maadaama ay si hoose sugidda ammaanka Dalka uga wada hadleen Taliska
Booliiska saraakiisha ugu sareysa iyo Xildhibaannada Baarlamaanka ah  ee Soomaaliya waana kulankii ugu horeeyey ee noociisa ah oo ay si
wadajir ah xarunta Golaha Shacabka ugu yeeshaan Xildhibaannada  Baarlamaanka iyo Taliska Booliiska Soomaaliyeed.

—DHAMAAD—

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Gudoomiyaha Baarlamaanka

Leave a comment

*

Archives
June 2013
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online