Xubin ka tirsan shaqaalaha Baarlamaanka DFS oo xalay Muqisho lagu dilay
June 24, 2013 - Written by EditorMuqdisho:Kooxo hubeysan ayaa xalay waxaa ay ku dileen degmada Wadajir mid ka mid ah shaqaalaha Baarlamaanka Dowllada Federaalka ee Soomaaliya xili uu ku sii jeeay gudigiisa. Dableydaan hubeysan ayaa markii ay dileen marxuun Cabdalla Xassan Yariisow waxaa ay ka baxsadeen goobta ay dilka ka geysteen, Cabdalla Xassan Yariisow ayaa waxaa uu ka mid ahaa xubnaha u qaabilsan Baarlamaanka DFS in ay qoraan hadalada ay iyo khudbooyinka laga jeediyey Golaha Baarlamaanka Dowllada Federaalka Soomaaliya.
Agaasimaha Baarlamaanka Dowllada Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi oo la hadlay saxaafada ayaa waxaa uu u xaqiiji yey geerida marxuun Cabdalla Xassan Yariisow isaga oo sheegay in ay dileen saddex dhalinyaro ah oo ku hubey san bistoolado.
Ma ah markii ugu horaysay oo shaqaale ka tirsan Dowllada Federaalka Soomaaliya lagu khaarajiyo magaalada Muqdisho ,dilka Cabdalla Xassan Yariisow ayaa ku soo beegmay xili maalin ka hor uu sheegay guddoomiye ku xigeenka dhinaca amniga ee Dowllada Federaalka Soomaaliya Warsame Maxamed Xasan in amaanka magalaad Muqdisho uu yahay mid wanaagsan.
A/cawaale
Halgan.net