Madaxweynaha DFS Xassan Sheekh Maxamuud oo dib ugu soo laabtay Muqdisho
June 17, 2013 - Written by EditorMuqdisho:-Madaxweynaha Dowllada Federaalka ah ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho ka dib markii uu maalmo ka hor safar uu ku gaaray dalka Ingriiska. Madaxweynaha DFS ayaa intii uu joogay dalka Ingriiska waxaa uu ka qayb galay shir ay iskugu yimaadeen dalalka ku horumaray dhinac warshadaha ee G8, Madaxwey naha iyo wafdigiisa ayaa intii ay ku sugnaayeen magaalada London ee caasimada dalka Ingriiska waxaa ay kulan la qaateen Ra’iisul wasaaraha dalka Ingriiska David Cameron.
Wafdiga Madaxweynaha Dowllada Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh.Maxamuud ayaa markii ay soo gaareen magaalada Muqdisho waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyey Ra’iisul wasaaraha DFS Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sh. Cismaan Jawaari iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan 2-da Gole ee Dowllada Federaalka Soomaaliya.
Afhayeenka madaxtooyada Dowllada Federaalka Soomaaliya Eng.Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow oo la hadlay saxaafada Muqdisho ayaa waxaa uu u sheegay in safarkii uu Madaxweynuhu ku tegay dalka Ingriiska in uu ku soo dhamaaday guul iyo is afgarad.
A/cawaale
Halgan.net