Sh.Xassan Daahir Aweys oo la xiray iyo wafdigii keenay Muqdisho oo la jir dilay
June 30, 2013 - Written by EditorMuqdisho:-Wararka naga soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Sh Xassan Daahir Aweys xalay ay xoog ku ka xaysteen ciidanka nabadsugida dowllada Federaalka Soomaaliya ka dib muran xooggan oo dhexmaray odayaashii iyo waxgaradkii kale ee Sh Xassan Daahir Aweys ka soo ka xeeyey degmada Cadaado. Wafdigii ka soo kaxeeyey Sh Xassan Daahir Aweys ayaa muran ka dib waxaa jir dil u geystay ciidanka nabadsugid ka dib markii ay dhamaan geeyeen xaruntooda, masuuliyiinta la hadlay saxaafada ee la jir dilay ayaa waxaa ay iskugu jiraan odayaal dhaqanka , siyaasiyiin ,iyo Xildhibaano ka tirsan Dowllada Federaalka Soomaaliya.
Ciidamo ka tirsan Ciidanka nabad sugida ee loo yaqaan Alpha Group ayaa la xaqiijinayaa in ay xireen Sh Xassan Daahir Aweys iyo Gen. Subxaanyo iyadoo dadka la jir dilay ay ka mid yihiin Nabadoon Axmed Diiriye, Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacade , Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha DFS Sheekh C/qaadir Cali Cumar , Ugaaska beesha Cayr Ugaas Cabdi Daahir
Nabadoon Axmed Diiriye, Ugaas Cabdi Daahir oo ah ugaaska beesha Cayr, Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacade oo la hadlay saxaafad ayaa xaqiijiyey in la jir dilay dowlladana ay balantii ay la gashay ay ka baxday, waxaan isagana aan weli war laga hayn Sh Cabdulqaadir Cali Cumar oo la sheegayo in dhaawacyo loo geystay.
Wasiirka arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka ee DFS C/kariin Xuseen Guuleed iyo Wasiirka Gaashaan dhiga Xukuumadda Soomaaliya C/Xakiin Fiqi ayaa la sheegayaa in markii Sh Xassan Daahir la keenay Garoonka Aadan Cadde ay ku dalbadeen ciidamo ka dibna ay u sheegeen wafdigii keenay Sh Xassan Daahir Aweys la xirayo taas oo buuq dhalisay.
Afduubka iyo xariga Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa waxaa ka soo baxaya warar kale duwan iyadoo wararku sheegayaan in Sh Xassan lagu xiray Xerada Xalane wallow warar kalena ay sheegayaan in uu weli ku xiran yahay xarunta Nabadsugida.
A/cawaale
Halgan.net