Qarax ka dhacay magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.[Daawo Video-ga]

November 18, 2012 - Written by

Nairobi:-Qarax miino oo khasaaro geystay ayaa waxaa ka dhacay xaafadda Eastleigh ee ay Soomaalidu ku badan tahay ee magaalada Nairobi. Qarax ayaa waxaa lala eegtay gaari rakaab ah  oo marayey agagaar ka kaniisadda St Teresa wallow la sheegayo in gudaha gaariga uu qaraxu ka dhacay.

Ilaa 6 qof ayaa ku dhintay qarax waxaa ku dhaawacmay ilaa 34 qof oo kale  iyo tiro kale oo aan ilaa hadda laamaha amaanka iyo kuwa caafimaadkuba aysan weli shaacin. Ciidanka Booliska ee Kenya ayaa gaaray goobta qaraxu ka dhacay waxaan ay  bilaabeen baaritaan iyo xog aruurin ay ku raadinayaan sababaha dhaliyey qarax.

Qarax ka dib ayaa dad shacab ah oo Kenyaan ah waxaa ay weerareen dad shacab ah oo Soomaali ah  balse weerarka ka dib ayaa waxaa goobta soo gaaray ciidamo Kenyaan ah oo dadkii kala eryey. Soomaalida ku dhaqan dalka Kenya ayaa waxaa soo wajahay cabsi iyo walwal iyagoo ka cabsi qaba  in la dhaco hantidooda loona geysto dilal maadaam qaraxyo kale duwan ay ka dhaceen Kenya oo aan ilaa hadda cidna si rasmi ah u sheegan.

Hoos Ka Daawo Video iyo qarax ka dhacay magaalada Nairobi iyo dhibaatada loo geystay wiil dhalinyaro ah oo Soomaali ah.

Hoos Ka Daawo Video iyo qarax ka dhacay magaalada Nairobi iyo dhibaatada loo geystay wiil
dhalinyaro ah oo Soomaali ah

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online