Abu Muscab: “Waan Sii kordhin Doonaa Qaraxyada ka dhaca Muqdisho
December 1, 2011 - Written byMuqdisho:-Afhayeenka hawlgalada ee Al shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab ayaa sheegay in ay kordhin doonaan weerarada iyo qaraxyada ay la eegtaan ciidamada DFKM iyo kuwa AMISOM kuwaas oo ka dhaca magaalada Muqdisho .
Sheekh C/casiis Abuu Muscab ayaa Sidoo kale sheegay in ay magaalada Muqdisho ka fulin doonaan dilal qorsheysan oo ku wajahan madaxda iyo saraakiisha ciidanka AMISOM iyo kuwa DFKM .
Sheekh C/casiis Abuu Muscab ayaa ugu baaqay in shacabka magaalada Muqdisho ay ka fogaadaan xarumaha DFKM iyo kuwa AMISOM si aysan dhib u gaarin waxaana uu cadeeyey in Ururka Al-Shabaab ay aqbali doonin sii joogitaanka ciidamada AMISOM iyo wax ka duwan Shareecada Islaamka.
Qaraxyadii ugu danbeeyey ee ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu khasaaro u geystay dadka rayidka ah, waxaana ugu dambeeyey qaraxii shalay ka dhacay xaafadda Suuq Liif ee degmada Dharkeynlay kaas oo ay ku dhinteen 7-qof oo rayid ah.
A/Cawale
Halgan.net