Al-Shabaab iyo sarkaal ka tirsan Dooxada Shabelle oo guulo sheegtay dagaalka ka socda B/weyne
December 31, 2011 - Written byHiiraan:-Afhayeenka Ciidamada Alshabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab ayaa ka warbixiyay dagaalkii saakay ka dhacay magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan waxaana uu sheegay in ciidamada Al-Shabaab ay 3 mar jabiyeen ciidamadii huwanta ahayd ee saaka sooo weeraray magaalada Baladweyne
Sheekh Abuu Muscab ayaa waxaa uu sheegay in ciidamo itoobiyaan ah iyo kuwa Soomaali ah ay soo weerareen saaka magaalada B/weyne waxayna ciidamada Itoobiya ku hubeysnaayeen gawaari badan oo tikniko wuxuuna cadeeyey in ay 3 goor jabsheen ciidamada soo weeraray B/weyne markii danbana ay si xeeladeysan difaacyada hore uga soo gurteen ciidamada al-Shabaab iyaga oo aan waxba soo gaarin.
Afhayeenka Ciidamada Alshabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab ayaa sidoo kale ku qiyaasay ciidamada Itoobiyaanka ee soo weeararay magaalada B/weyne in ay gaarayeen ilaa 3000. oo askari ayna wateen ilaa 40 gaari uural ah.
Sheekh Abuu Muscab ayaa amaanay sida ciidamada Al-Shabaab ay iska difaaceen ciidamada huwanta ah wuxuuna sheegay in dagaalka uu wili u socdo si goosgoos ah gudaha magaalada.
Dhanka kale Sarkaal u hadlay Maamulka Dooxada Shabelle oo la yiraahdo Max’ed Nuur Cagojoof ayaa dagaalada B/weyne guul ka sheegatay wuxuuna sheegay in ay magaalada oo dhan ay gacanta ku hayaan Al-Shabaabna ay ka saareen .
A/Cawale
Halgan.net