Bam gacmeed lagu tuuray xalay Saldhig Boolis iyo ciidanka Boosaaso oo wada baaritaano
December 20, 2011 - Written byBoosaaso:-Ciidanka Booliska ee magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa ay howl galo ku raadinayaan nin dhalinyaro ah oo xalay Bam gacmed ku tuuray saldhiga ciidanka Booliska ee Minjir oo ku yaala xaafada Biyo kulule ee magaalada Boosaaaso. Xalay ayaa ninkaan waxaa uu Bam gacmeed ku tuuray Saldhiga isagoo isla markaasna baxsaday.
Ilaalada Ciidanka Booliska ee Saldhiga Minjir ayaa rasaas badan ku riday balse uma suuroobin in ay ku guulaystaan in ay qab taan nin weerarka ku soo qaaday maadaam waqtiga weerarku dhacay uu ahaa waqti habeen ah, Sarkaal u hadlay ciidanka Booliska Boosaaso Farxaan Siciid ayaa xaqiijiyey in weerarka bam gacmeedku uu jiro wax khasaaro ahna uu ka dhalan, Sarkaal kaan ayaa sheegay in weerarka xalay uu ahaa naf la caari ka dib markii ay ciidanku ay guul weyn ka gaareen in ay qabtaan kuwa magaalada ka waday qas iyo fowdo mardhowna Maxkamada lala tiigsan doono.
Weerarka bamgacmeedka ah ee lagu qaaday Saldhiga Minjir ayaa ku soo beegmaya xili magaalada Boosaaso howl galo ay ka sameeyeen ciidanka Booliska ay ku xirxireen dad fara badan iyagoo qaarkood ku eedeeyey in ay ka danbedeyaan dilkii Alllaha u naxariistee Sh Dr Axmedd Xaaji Cabdiraxmaan, dadka la xiray ayaa ah kuwa aad u tiro badan waxaan weli ka socda magaalada Boosaaso iyo magaalooyin kale howl galo lagu baacsanayo kuwii dilka foosha xun kula kacay Allaha u naxariistee Sh. Dr axmed Xaaji Cabdiraxmaan.
M_M_Deeq
Halgan.net