Culimada Gobolka Sool oo ka tacsiyeeyey geeridii Dr.Sh.Axmed Xaaji.C/raxmaan

December 6, 2011 - Written by

Laascaanood:-Haddaannu nahay culimada Gobolka Sool, waxaan aad uga murugoonnay geeridii aadka u cuslayd ee ku timid walaalkeen Sh.Axmed Xaaji C/rxmaan, kaasoo  shalay ay ku dileen magaalada Boosaaso kooxo dhagar qabayaal ah, waxaannu Alle uga baryeynnaa shiikha inuu jannadiisa qaaliga geliyo, martiqaadkiisana ku soo dhoweeyo guriga jan nada, dhammaan ehelladii, qaraabadii iyo ummadda Soomaali yeedna , waxaan leennahay Alle sabir ha innaga siiyo, beddel khayr qabana ha noogu beddelo, carruurtiisa iyo xaasaskiisana Alle ha wanaajiyo gadaashiisa, isagaa wakiilkooda ah. AAMIIN YAA ALLAAH

Kuwa falkaas ka danbeeyey iyo wixii manhajkaas munxarifka ee qalloocday qabana Alle ummadda sharkooda ha ka bad baadsho, cuquubo adduun iyo mid aakhiroba ha ku abaal mariyo,Waxaan uga digaynnaa ummadda Soomaaliyeed khatar ta ay leedahay dhibaatada loo geysanayo dadka ummadda indhaheeda ah, oo ay culimadu ugu horreyso, kuwii dhaxlay nebigeenna SCWS, waa fal yuhuud lagu yaqaannay laynta anbiyada iyo culimada, waa arrin raadkeedu ka culus yahay boqollaal jeer dilka qofka aan culimada ahayn, waa indhola’aan, waa diin la’aan, waa shar weyn oo albaabkiisu furmay, waana inay ummaddu arrinkaas meel uga wada soo jeedsadaan , gacmahana is qabsadaan, wada jirna looga hor tagaa belaayada  dhacaysa iyo fitnada taagan.

Waxaan uga digaynnaa dadka magaca culimada ku hadlaya , ee tuhmada been abuurka ah, xamaasad kicinta khaldan wada ama fatwoonaya waxaysan ka fiirsan inay aakhiradooda u baqaan oo ay ka fiirsadaan kalmadaha looga faa’iidaysan karo dhibaateynta ummadda, taasoo iyaguna qayb ku yeelan doonaan wixii ka dhasha, loona qabsan doono maalinta qiyaame.

Shiikh Axmed M Suleymaan
Halgan.net,Laascaanood

Leave a comment

*

Archives
December 2011
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online