Culumada Kenya oo Bayaan Ka soo saaray dilkii Dr Ahmed Xaji C/raxmaan(akhriso)
December 6, 2011 - Written byNairobi:Culumada ku dhaqan dalka Kenya gaar ahaan magaalada Nairobi ayaa kulan ay qaatee waxay ka soo saareen Bayaan ay ku inkirayaan dilkii foosha xumaa ee loo geystay alaha u naxariisteen Sheekh Dr.Ahmed Xaaji C/raxmaan waxay tacsi u direen dhamaan eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Sheekh Dr Ahmed Xaaji C/raxmaan .
Nuqul ka mid ah Bayaanka Culumada ayaa waxaa uu soo gaaray Halgan.net wuxuuna u qornaa sidan
Annagoo ah Culimada Soomaaliyeed ee Kenya ku nool waxaan qoyskii sheekha, culimada, ummada soomaaliyeed iyo guud ahaan muslimiinta uga tacsiyaynaynaa dilka xaq darrada ah ee loo gaystay Dr. Sh. Axmed X. C/Raxmaan. Sh. Axmed X. C/raxmaan waxuu ahaa nin lagu yaqaano diin iyo dadnimo, dadaal badanna ugu jiray fidinta dacwada iyo baridda cilimiga, iyo sidoo kale daryeelka bulshada.
Waxaan Allaah uga baryeynayaa inuu u naxariisto, Jannatul fardowsana ka waraabiyo, ehelkiisa iyo muslimiintana Sabir iyo iimaan ka siiyo.Waxaan ugu baaqaynaa dadkii ka dambeeyey dilkan foosha xun inay AIlaah u toobad keenaan isuna soo dhiibaan ehelka Sh Axmed X. C/Raxmaan inta aanay imaan
malinta qiyaamo ayagoo qaba dhiig Muslim.
Waxaan sidoo kale ugu baaqaynaa dadka u ololeynaya ama fatwoonaya daadinta dhiigga culimada iyo waxgaradka ummada inay Allaah uga baqaan, joojiyaana marin habaabinta dadka dambiyadan gaysanaya.
Waxaan Shaki ku jirin in marnaba aan wanaag lagu helayn dabargoynta Culimada iyo waxgaradka dal iyo diin toonana aan loogu gargaarayni.Sidaas awgeed waxaan ummadda Soomaaliyeed ugu baaqaynaa meel kasta oo ay joogto inay meel uga soo wada jeedsato ka hortaga falalka noocan ah iyo cid kasta oo wadataba meel kasta oo ay joogaan iyo magac kasta oo ay wataan.
Waxaa Bayaanka ku saxiixan culimada hoos ku xusan:
- Sh. Maxamed Cabdi Umal
- Sh. Maxamud Shible
- Sh. Maxamed Cismaan
- Sh. Maxamed Calasow
- Sh. Shariif Dawiil
- Sh. M. Qaasim Maxamuud
- Sh. C/Qaadir Boobe
- Sh. Xasan Ashkir
- Sh. Maxamed I Shakul
- Sh. Maxamed Shaafici
- Sh. Cabdi Mahad Maxamed
- Sh. C/casiis Cajiib
- Sh. C/Risaaq Adan (Jiir)
- Sh. Adam Ahmed
- Sh. Maxamed Nuur (Yamani)
Halgan.net
Nairobi
Archives |
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
English Article
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Somali Links
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Fatwa Online
|
2 Comments so far
Leave a comment
war fiican oo siyaasadi ku jiri karto weeye
Siyaasadi kuma jirto ee Ilaahay ka baq. Ilaahay ka baq adiga iyo noocaaguba oo hadalka sida fudud u leedahay ogow in maalinta qiyaamo laguu qabsan doono. Diinta Rabbi waa mid baaqi noqon doonta haddi ay moodayaan in culumo la dilo ku dabar gu’i doonto. Culumadan baaqa soo qoray iyo inta kalebana Rabbi aya xafidanaya oo Rabbi ayey insha Allah awliyo u yihiin. Qofki moodaya in cay iyo aflagaado iyo shir meel mugdi ah lagu qabsaday wax lagaga qaadayana ha ogaado inu riyoono oo cilmiga iyo diinta ay wadaan waa sidi nin qoraxda oo soo baxday isku dayey inu gacmihiisa ku qariyo. Rabbi ayaan ka baryayna in kuwan dhiiga muslimiinta xalaashaday oo been abuuradadka ku banaysanaya naga qabta iyagana dib isugu jeediyo oo intuuna hidaayad ugu talagalin meel daran ka tuuro oo nagaga filaado. Amiin!