Dhibka sideen ugu bedelnaa Dheef W/Q: Sh. C/Baasit Sh. Ibraahim
December 21, 2011 - Written byDhibaatooyinka faraha badan ee ku habsadey Umadda soomaaliyeed wax la soo koobi kara ma’aha , waxaad moodaa in mid walba mida ka dambeysa ay fududeynayso sidii lagu sheegey axaadiista Aakhuru zamaanka . Dhacdooyinka ma aha mid meel ku istaagaya oo aan oran karno wax ka dambeeya dhici maayaan, laakiin waa kuwa socondoona intii ALLAAH subxaanahu qadarey .
Dhacdadii ugu dambeysey ee lagu diley walaalkeen Sh.Dr .Axmed xaaji – raximahu Alaah tacaalaa- aad baa looga Hadley loona diidey , waana waajib sharci ah in sidaa la yeelo . laakiin marabo in arinka meesha uu ku istaago ee waxaan filayaa in dhamaan waxgaradka oo dhan ay fiirinayaan cid arintaa ka miro dhaliso oo u istaagta sidii mixnadaa loogu bedeli lahaa Minxa (faa’ido) ama dhibkaasi loogu rogi lahaa dheef ay Ummadda u aayso oo wax ka bedela xaalada ay maanta ku sugantahay oo markaa la yiraahdo dhibweyn buu ahaa laakiin dheefbaa ILaah noogu bedeley, oo weliba sheekha iyo intii la mid ah magacooda lagu xasuusto .
Waxaan filayaa in arinkaan uusan xaqiijin Karin qof ama koox keliya ee loo baahan yahay in Umadda dhamaanteeda ay ka qeybqaadato.
Allaah kheyrka hana waafajiyo .
Sh. C/baasid sh. Ibraahim
Uk, Halgan.net
Archives |
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
English Article
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Somali Links
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Fatwa Online
|
3 Comments so far
Leave a comment
Sh. Cabdibasit,
alah ha ku dhowro adiga iyo inta kula qabta in waddanka uu ka baxo dhibka uu ku jiro, sida keliya ee looga bixi karana ay tahay in diinta sida ugu saxsan loogu dhaqmo, umaddana ay towbad nasuuxa oo kaamil ah ay la timaado, waayo qof walba dembiga dhinac ayuu ka qaatay qof uu ilah u naxariistay maa hee.
Khayr alaha ku siiyo Sheekhow waxaanan kaa codsanayaa in aad bilowdo dadka sidii loo wacyi gelin lahaa loona gaarsiin lahaa in ay la yimaadeen towbad kaamil ah
walaal waa talo fiican laakiin hadaadan circlka ku jirin waa waxba ka soo qaad.
Allaah hakaa abaal mariyo maqaalkaa koobaan ee xambaarsan
talaabooyin horu-u-tilaabsi ah.