Diyaaradaha Kenya oo mar kale duqeeyey Jaziirada Kudhaa ee Gobolka Jubada Hoose
December 26, 2011 - Written byKismaayo:-Waxaa saaka mar kale ay diyaaradaha dalka Kenya ay duqeyn ka geysteen Jaziirada Kudhaa ee ku taal Koonfurta Gobolka Jubada Hoos waa markii labaad oo ay diyaardaha dalka Kenya ay duqeyn waxshnimo ah ay ka geystaan Jaziira kudhaa , dadka deganka Jaziirada kudhaa ayaa u sheegay saxaafada in xaaladoodu ay tahay mid cakiran iyadoo dadkii ku noolaa oo u badnaa qoy sas ay bilaabeen in ay ka barakacaan.
Diyaadaha dalka Kenya ayaa dhowr Gantaal ku dhuftay Jaziirada kudhaa saaka Ilaa haddana si rasmi ah looma oga khasaaraha soo gaaray dadka shacabka ah ee ku noolaa Jaziira Kudhaa, Ciidanka dalka Kenya ayaa ilaa usbuucii la soo dhaafay waxaa ay duqeyn kale duwan ka geysteen degaano ka tirsan Gobolka Jubada Hoose iyagoo laayey dad shacab ah.
Saraakiisha ciidanka dalka Kenya ayaa in badan waxaa ay sheegeen duqeyn ay geysteen diyaaradahood dagaalka in ay khasaaro u geys teen fariisamo ay ku suganaayeen ciidanka Al-shabaab walow aysan ilaa hadda saxaafada wax rasmni ah tusin marka laga reebo warsaxaafadeedyo ka soo baxaya Taliska ciidanka cirka ee dowllada dalka Kenya.
Odayaasha iyo waxgaradka ku sugan Gobolka Jubada Hoose ayaa ku eedeeyey ciidanka cirka ee dalka Kenya in ay diyaarahadooda ay duqeeyaan oo kaliya goobaha dadka shacabka degan yahay dad badan oo shacab ahna ay dileen balse aysan wax duqeyn ah u geysan diyaaraddhooda fariisamaha ay ku leeyihiin ciidanka Al-shabaab Gobolka Jubada Hoose.
A/cawaale
Halgan.net