Diyaarado Duqeeyay maanta mar kale Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo
December 10, 2011 - Written byBaardheere:-Diyaarado dagaal ayaa maanta mar kale duqeyn ka geystay degmada Baardheere ee gobolka Gedo, waxaana diyaaradahaas lagu sheegay in ay ahaayeen kuwa dalka Kenya Duqeynta ayaa waxaa ay geystay khasaaro leh dhimasho iyo dhaawac waxaana ku dhintay duqeynt ilaa haatan hal qof .
Wiil yar oo magaciisa lagu sheegay Faysal Maxamed Cabdi ayaa ku dhintay duqeynta waxaana ku dhaawacmay laba qof oo kale oo ay midood tahay haween .Diyaaradaha dalka Kenya ayaa waxay maanta duqeeyeen xeryo lagu quudiyo barakacayaasha oo ay gacanta ku heyso hay’adda bisha cas.
Duqeynta maanta ayaa waxaa lala beegsaday Dugsiga hoose, dhexe iyo sare ee Markabley oo kuyaal gudaha Degmada Baardheere.sida ay goobjoogyaal ay u sheegeen warbaahinta ka howlgasha gudaha Baardheere .
Ciidamada Cirka ee dalka kenya ayaa Khamiistii lasoo dhaafay waxay sidoo kale duqeyn ka geysteen Degmada Baardheere gaar ahaan xarunta ADC-da ee degmada Baardheere, waxaana duqeyntaas ku dhintay hal qof.
Dowlada Kenya iyo ciidamadeeda ayaa ku fashilantay dagaalka ka socda gobalka J/hoose waxaana ay fashilkeeda ku qarinaysaa duqeyn ay u geysaneyso shacab rayid ah oo ku jira xerooyin lagu quudinayo kuwaas oo ku yaal gobalada ay ka taliyaan Al-Shabaab .
M_M Deeq
Halgan.net