LIISKA DIL SUGAYAASHA DR. AXMED DABADII Sheekh C/laahi Baashe

December 6, 2011 - Written by

1- Aqoonyhan 2- Caalim diineed 3- Digtoor 4- Daaci 5- Arday jaamacadeed 6-  Oday nabada jecel 7- Miskiin meel iska maraya 8- Macalin quraan 9-  Marti

10-  Maalqbeen

MAXAABA HADHAY:??? !!!!!!

Ugu horayn waxaan tacsi tiiraanyo leh u  dirayaa dhamaan Ummadda soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan  gaar ahaana eheladii, sheikh Dr/ Axmed xaaji
C/raxmaan oo ahaa caalim & aqoonyahan soomaaliyeed  oo u taagnaa noloshiisa inta aan garanayo  dhismaha iyo danaha ummada waxbadana ka xaqiijiyay.

Caalim mufti ah buu  ahaa,   Wuu soomanaa, salad subaxbuu soo tukaday   , xaajina wuu ahaa oo maalmoyar ka hor  kacbada ayuu agfadhiyay daqiiqadihii noloshiisa u dambeeyayna danta guud ee  ummadiisa ayuu ka shaqaynayay.

ilaahay haka aqbalo acmaasha suban iyo cibaadada alle ee uu  kulansaday  naxariistiisa wasica ah iyo  jannooyinkii qaaliga ahaana ha siiyo ayaan ugu  ucaynaynaa  AAMIIN                            AAMIIN                            AAMIIN.

MAXAA LOO DILAY SHEEKHA??????????.

Waayahan dambe somaaliya waxaa ka socday  silsilad dilal qarsoon iyo kuwo muuqda oo dhamaantood is shabahaya haday tahay  goobaha dilalku ka dhacayaan,nooca dadka lala beegsanayo ee hadafka ah, iyo  waqtiga falalku dhacayaanba.

Waa layaabee bal in yar aan dib u milicsano  dhcdooyinkii murugada lahaa ee dalka soo maray  qaar ka mid ah dhamaantood waxaad arkaysaa inay isku nooc ahaayeen  shirqoolkuna meel kasoo wada jeedo.

  • Goobta dhacdooyinku inta  badan  waa:Masjid, jaamacad,ama munaasabad aqoonyahan kulmisay
  • Nooca dadka diiradu  saarantahay:  Culimo,aqoonyahan iyo inta kale ee kor ku  xusan  Dembiiluhuna inta badan waa   : mid, laba ama koox  dhalintaro ah oo afka soo duubatay oo ku hubaysan bastoolado ama  waxyaabaha qarxa.

Hadii ay sidaa tahay  aynu u soo noqono su,aasheena ah maxaa sheekha  loo dilay? ,Ilaahay wuxuu caqliga inoo siiyay in aynu wax ku garano axdaasta
iyo dhacdooyinkana ku fahamno ama ku falanqayno waxa ay daaran yihiin.  Dr. Axmed xaaji C/raxmaan ilaahay haw naxariistee wuxuu ahaan nin qoondheer dadku u leeyahay oo lawada yaqaano, inkasta oo waqtigiisii uu dhintay hadana waxaa la odhan karaa wuxuu ahaa shaksi  ka fog oo nadiif ka ah dhamaan asbaabaha soomaalidu isu disho ama isu dabagasho  marka laga reebo dhaqamoguracan oo  waayahn dambe ku soo kordhay  saaxada  soomaalida kuwaasoo ah in qof muslim ah  dhiigiisa cid kale ku banaysato ama ku hadido  wuu iga soo hor jeedaa, waxaan wado ma  waafaqsana iyo dadka ayuu wax ugu sheegaa sidaan arko si ka duwan.

  • muu ahayn siyaasi kursi doon ah oo dakano siyaasadeed qaba oo  markaa la yidhaahdo sababtaas ayaa loo dilay. Manuuse  ahayn dadka qabaa,ilka
    horbooda oo aano qabiil looma dilin  ee taa caksigeeda  wuxuu ahaa  caalim soomaaliyeed oo dadka oo dhami wada jecelyahay Xitaa muu ahayn dadka carabkiisu dalabta leeyahay ee dhacdhaca  badan ,wuxuu ahaa nin marka uu hadlo hadalkiisu intabadan cilmi iyo xikmad  yahay oo aan laga xiisagoyn

 

Hadaba dilka sheikh Dr. axme ilaahay ha u  naxariistee waxaynu odhan karaa oo dhamaan calaamadaha jiraa ay  muujinayaan  meel dheer loogama iman
ee  wuxuu daba socdaa  duqaydii ka horaysay iyo haldoorkii  soomaaliyeed ee magacyadooda aad wada garanaysaan ciyaartuna ma dhowa oo liisku
waa furanyahay , culimo iyo aqoonyahan farabadan oo aad wada jeceshihiin sidii  sheekheena alle naxariis ha siiyee ayaa faylka ku jira.

Maxaa talo ah ?

KU: CULIMADA:

1- waa in aan lagu sasin axdaasta  iyo dhacdooyinka noocan oo kale ah ee soo wajahaya ummada iyo ducaada xaqqa ah  ee u taagan danaha ummadooda.
2- waa in ay hoosta ka  xariiqnaataa in dariiqa Dr.axmed iyo ragii ka horeeyayba  ay ku dhinteen uu yahay dariiqii ambiyada  dhamaan raga inta hadhayna ay fishaan oo diyaar u ahaadaan inay ilaahay la  kulmaan iyaga oo dariiqa ku taagan.

قال تعالى: وكأيّ من نبيّ قتل معه ربيّون كثير فما وهنوا لما أصابهم في سبيل الله
وما ضعفوا وما استكانوا والله يحبّ الصابرين

3- waa in culimada iyo ducaadu ay  dardar geliyaan oo labanlaabaan juhuudda iyo dadaalka ay wadaan ee dacwada iyo   guud ee Ummadda

4- ilaahay wuxuu culimada dusha ka  saaray bayaaminta xaqqa meel kasta oo ay joogaan iyo si kasta oo xaaladu  noqonayso xitaa hadii ay naftooda ku waayayaan arintaana waxaa tusaale inoogu  ah selefkii ummadda ee saalixa ahaa
5- ugu dambayntii Dr. axmed waa in  dadkiisii wax loo qabtaa dhaxalkii cilmiga ahaa ee uu ummadda uga tegayna la  ururiyaa si loogu intifaaco .

KU:  DHALIYARADA:

dhaliyaroy  waxaad tihiin xoogii Ummadda iyo mustaqbalkeedii, ogaada in duulaanka ugu  faraha badani idinka idnku wajahan yahay hadii ay tahay sidii  maskaxdiina iyo fidrada saliimka ah ee eebe  idinku abuuray  loo majara habaabin lahaa  oo markaa xoogiina iyo firfircoonidiina loo adeegsado duminta dalkiina iyo  dulaynta dadkaad ka dhalateen .Waxaan ugu naseexaynayaa naftayda iyo naftiinaba  qodobadan hoos ku qoran:

  1. Aakiro naf waliba wixii ay gaysatay isaga ayaa loo qabanayaa oo  kooxdiisa iyo qabiilkiisa midna waxba uma tari doono ee nin walowba ka
    fiirso intaanad falin jahligu waa cadow, caaqibadiisuna way xuntahay, cilmi baa ku  caymin kara ee carar oo culimada gaadh intaanad cadaabka gelin.
  2. qofka caalimka ah ama ahlu diinka ah  oo la aflagaadeeyo,loo hanjabo ama la  dilaaba waa dambi wayn oo jariimo ahee yaan walaal lagugu dagin oo
    diintaada haku fasahaadin.
  3. hubsiimo halbaa la siistaa ,ee haku halaagsamin heblaa tidhi  iyo hebel baa iigu sheekha.dhagartu ma hadho dhiiga muslinkuna ma duugoobo ee dhulka haysu
    daraysiin

KU: UMMADDA  GUUG AHAAN:  

Waxaan guud ahaan u dardaarmayaa  walaalahayga soomaaliyeed muslinka ah  meelkasta oo ay joogaan .

  1. ilaahay xadhigiisa qabsada oo ku walaaloba diinta
  2. culimadiina iyo waxgaradkiina gacan siiya oo meel uga soo wada  jeesta mu,aamaraadka shaadhadhka kala duwan gashan ee ummadda loo soo
    maleegay.
  3. diintu waa tii ilaahay soo dejiyay dadka sheegtaa sekamawada turjumaan ee dadkiina kala barta.

Sh.C/laahi  Baashe

8 Comments so far

Leave a comment

  1. inaa lilaali wa inaa ilahay raajicuun,ilaahay shiikha ha u naxariisto ihaladuu ka tagayna samir iyo iimaan ka siiyo ammiin. waxaan soomali meel walba ay joogaan way diinayaa halkee soomaliyay loo socdaa? anigu aragtidayda waxay ila tahay hadii shuukhdii ilaahay iska dilno ma waxaan ku badalanaa dadkaan soo socda 1 shiikh obama 2 shiikha mahiga 3 shiikh mela sanawi 4 shiikh ibliis somaliyay mid keen dooranaa sabab too ah hadii ilaah laga cabsan waxa kaliya oo badali karo waa ibliis iyo xuli fadiisa anaka dhexdeenaan la isku adeegsan walee hadii la isdaba qaban waxa lagula rabaa waa dadkaan hoos ku qoran
    1 gay&lesbian 2 ethiest 3 cristian and jews.
    makala jeceshahay midkaad noqotid hadii aad diintaada islam aad iibsatay. ilaahow nabad baadi oo jidkaada siraad mustaqiim nagu toosi ammiiin.

  2. asalaamu caleeykum warax matulaahi
    salaan gadib waxaan layaabanahay waa tii layiri qofka muuminka ah halgod laba jeer mas kama wada qaniino
    tan aan layaabanahay waxaa weeye dawlad goboleedka budlaan intaas waxeey qabataa dad fal gacanta kula jira weey wareeystaan cida kadan beeysay cida soo dirtay qarashka loosheegay qofka meesha laga soodiray/
    hadaba hadii la wareeystay oo lahelay xotii oodhan miyaan halka sarta kaquruntay laga digtoonaan karin qofka laftigiisa ayaa la hawl galiyaa ileen lacag buu ku sha qeeyaa si uu ufashiliyo hawlgalka
    hadaba waa in lala xisaabtamaa sir doonka puntland hadii uu fashilin waayo sadex faldabiyeed laba ka mid ah waa in uu booska baneeya si loo doorto ama loo keeno ruux kawanaagsan oo dardar galiya nabad sugida shacabka ileen waa tii la yiri nin lagu seexdayoow haseexan
    wabilaahi tawfiiq
    allaa macanaa//////

  3. انا لله وانا اليه راجعون………. ان العين لتدمع والقاب يحزن… وانا لفراغك لمحزونون.
    waa geeri naxdin leh…. waa wax lagu xumaado…… waa murugu soo hoyatay …. isla markaan waa fariin cad.
    alle ha u naxariistee sh.dr axmed xaaji c/raxmaan oo ahaa caalim wayn oo ka mid ahaa aqoon yahan ka umada soomaaliyeed iyo haldoorka sii dabar go’aya …. inaga samir iyo iimaan ilaahay ha inaga siiyo …. gacanta dishay ee ka xaqdaranna ILAAHAY(SW)hasoo qabto si deg deg ah

  4. asc dhamaan walaalaha islaamka oo daafaha dunida kalajooga waxaan idin kacodsanayaa in loo qunuudo falkaas kuwiigaystay iyo kuwii kataliyey iyo kuwalaqaba oo kufaraxsan in ilaahay calaamacad ku muujiyo aduun iyo aakhiroba kuwaasi indhahay nagarideen ilaahay indhaha hakaridee ilaahay waxaan kabaryeeynaa in janadii fardowsa kawaraabiyo sheikhanaa qabrigana uwaasaciyo waa walaalkiin filaah
    Farah Hussein Ali finland

  5. sc wr wb
    ILLAAHAY HA U NAXARIIISTO MARXUUMKA
    ABDULAAHI GAALKA SHIIKH MASAAJID UGU DHUUMANAYA OO BILAAMICNE U DILAYA ILEEN GAAL IYO ISLAAN TOONA SHIIKHAN KUMA DUULINE WAA AYO?
    ILAAHAY CAQLI BUU INA SIIYAY DADWAAWEYN BAYNUNA NAHY WAXA DADKA DILAA WAA SOOMALI DIIDADAN CULUMADA IYO WAXGARADKA UMADA WAAYO WAXAY INTAA KAHADLAYAAN IN DHIIIG ISLAANKA OO LADAADIYO UU DANBIYAHAY, MARKA DADKA DHIIGA DADINAYA HADII LAYIRI UMADA DAAYA WAXAY UDILAYAAN HALAWAAYO WAX DADKA IDINTUSA OO FAKRADIINA KA SOO HORJEEDA.
    SHIIKH ILAAHAY HA IDIN XIFDIYO ADIGA IYO CULULMADA KALEBA DACWADA HALKAAS KAWADA HADII KALE UMADA WAAALA DUUFSAN.

  6. allaah ha unaxariisto sheekh axmed xaaji c/raxmaan kuwii xaqdarada kudileyna aduunkana haku fidneeyo aakhirana haku ciqaabo dulmigii ay kudileen allaahna waaba uyaboohaye cadaab uu ku waarayoe midakale sheekha haday gaalo dishey waashey macquulgal ah laakiin hadey dileen dad muslimiin sheeganaya waa wax laga xumaado lagana noxo,illaahey hanaga badbaadiyo inaan daadino dhiig muslim iyo wax keeni kara inuu daado dhiig macsuum ah.sheekhana allaah haunaxariisto ehelkiisana samar iyo iimaan allaah haka siiyo.

  7. dilka sheekha loo gaystay qof kasta oo ahlul iimaan ah ayaa ka xanuunsaday dareenkiisana ka bixiyay waana la ogyahay cidda culimada laynaysa oo iyagaa is sheega hadh iyo habeen ee maaha male awaal sheekuna wuu ku mahadsanyahay maqaalka qiimaha badan ee uu qoray

  8. alle ha unaxariisto sheekheena wixii dilayna alle ha fashilo waxaanse c/laahi baashe iyo ragga sidiisa u hadlay leeyahay nimakan waxaad ku haysataan deg deg iyo hubsiino la,aan taasina aad bay iddn ka muuqataa nabigu wuxuu yiri csw اذا ظننتم فلا تحققوا

Leave a comment

*