Madaxwaynaha dowllada Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole oo ka hadlay dabkii xalay ka kacay Suuqa Boosaaso

December 3, 2011 - Written by

Sabti, Saturday, December 03, 2011 Madaxwaynaha dowladda Puntland Dr. C/raxman Maxamed Maxamud Faroole ayaa waxaa uu ka hadley dab xalay ka kacay suuqa weyn ee Boosaaso, dabkaas oo khasaar lixaad leh u geystay  hantidii taalay Suuqa weyn ee magaalada Boosaaso, madaxweynaha dowlladda Puntlland oo saxaafada saaka kula hadlay magaalada Garoowe ayaa xusay in hanti fara badan ay wax ku gaareen dabkii xalay balse dowlladiisu ay gudi baaritaan ay u xilsaartay si ay u soo ogaadaan wax sababay in suuqa uu dab intaas le,eg ka kaco.

Madaxweynaha dowladda Puntlland Dr.C/raxmaan Faroole ayaa sheegay in 1 qof uu ku dhintay halka 2 kalena ay ku dhaawacmeen isagoo alle uga baryey in uu u naxariisto ,madaxweynaha ayaa baaq u jeediyey bulshada reer Puntlland isagoo ugu baaqay in ay gacan qabtaan cidii hantidoodu ku waxyeelowday dabkii xalay ka kacay Suuqa magaalada Boosaaso.

Ugu danbayntii ayaa Madaxweynaha dowladda Puntlland Dr.C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa  waxaa uu baaq iyo codsi u jeediyey beesha caalamka isagoo ka codsaday in ay gurmada deg deg ah ay la soo gaaraan iyo wax u qabad ganacsatada hantidoodu ku waayey dabkii xalay ka kacay Suuqa weyn ee magaalada Boosaaso.

M_M_Deeq
Boosaaso

.

Leave a comment

*

Archives
December 2011
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online