Ergeyga gaarka ah Qaramada Midoobay u qaabilsan dalka Soomaaliya Augustine Mahiga oo tegay Garoowe

December 3, 2011 - Written by

Sabti, December 03, 2011 Wafdi uu hogaaminayo ergayga gaarka ah QM ee u qaabilsan dalka Soomaaliya Augustine Mahiga ayaa galabta soo gaaray magaalada Garoowe ee xarunta Puntland wuxuuna uu  kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Faroole .

Ergeyga gaarka ah Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Augustine Mahiga ayaa waxaa socdaalkiisa ku weheliyey xubno ka tirsan beesha caalamka iyo midowga Afrika waxaana kulanka joogay sidoo kale wasiiro iyo masuuliin ka tirsan Puntland waxaana ay ka mid ahaa wasiirka maaliyada Faarax Cali Shire,wasiirka waxbarshada Cabdi Faarax Siciid Juxa iyo wasiiru dawlaha qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah Dr.Cabdiqaadir Cabdi Xaashi.

Madaxweynaha Puntland Dr.C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa ku dhawaaqay xilliga la qabanayo wejiga labaad ee shirka wadatashiga wajigiisa labaad kaas oo ka dhacaya magaalada Garoow wuxuuna sheegay in la qabanayo 15 ilaa 18-ka bishaan December 2011.

Mr.Agustina Mahiga oo isna saxaafada la hadlay ayaa sheegay in uu guul ku soo dhamaaday shirarkii wadatashiga ee lagu falanqeynayey Road Map-ka kaas oo ay ka soo qeyb galeen ururada bulshada iyo maamulada  kaas oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2011
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online