Markazka Islaamka ee Stockholm oo tacsi ka diriya dilkii Dr.Axmed Xaaji Cabdiraxmaan
December 6, 2011 - Written byAnnagoo ku hadleena magaca maamulka xarunta Islaamka ee magaalada Stockholm waxaan tacsi halkaan uga direenaa dhammaan ummada Soomaaliyeed iyo eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday fadiilatu Sheekh Dr. AXAMED XAAJI C/RAXMAAN, sheekha oo saakay salaadii subax ka dib gacan ka xaq darrani ay ku dishay magaalada Boosaaso.
Waxaan ummadda iyo shacabka Soomaaliyeed gaar ahaana shacabka iyo maamulka reer Puntland ugu baaqeenaa inay si deg deg ah u soo qabtaan gacan ku
dhiiglayaashii falkaan foosha xun geestay cadaaladana la hor keeno, ilaahayna waxaan waydiisanaynaa inuu u fududeey soo qabashadooda.
Guled Maxamed Cali
Rinkeby-Stockholm