Maxaa nagala gudboon dilka Shiikh Dr. Axmed Xaaji ? W/Q: Sh. C/lahi Abu fadli
December 10, 2011 - Written byWaxaan marka hore halkan uga tacsidaynayaa dhamaan umada soomaaliyeed gerida naxdinta leh ee dr axmed xaaji c/raxman,illaahay ha u naxareestee,sigaar ahna waxaan ugu tacsidaynayaa qoyskii iyo eheladii uu
sheekhu katagay,sidoo kale culumada iyo ardaydii sheekha .
Intaa kadib, laashaka geerida sh axmed inay tahay musiibo ku habsatay umada somaliyeed,laakiin waa suno rabaaniya dhimashada culimada si kastaba ha u dhinteene, waxayna calaamad utahay saacada inay soo dhawaatay.
Waxuu timaamay rasulka SWC,{{in cilmiga sharciga ah arlada aanan halmar laga wada qaadaynin,laakiin dhimashada culimada ay badanayso,saasna lagu waayayo cilmiga,ayna isu soo harayaan dad juhaal ah,dadkana jahli ugu fadwooda,dadkuna ay jahligaas ku raacaan,saasna ay ku halaagsamaan}}.Walalayaal
Sh/Dr axmed wuutagay waxaana rajaynaynaa inuu karaaxaystay fitanta aduunkan cidkastoo ooga raaxaysayba.laakiin waxaa iswaydiin leh maxaa nagala gudboon dilka sheekha????Waxaan isleeyahay arimahan waa muhiim nagala gudboon dilka sheekha kagadaal.waxaana rajaynayaa inaan si dhab ah ugu eegno qalbi furan.
1-Waxaa nala gudboon Inaan Ku samarno dilka sheekha illahna u waydiino danbi dhaaf,janadiisana uu gasho.
2-Waxaa nala gudboon inaan dadaal ku bixinaa sidii lagu heli lahaa cidii dilkaas kadanbaysay,jawaabtoodana
lasiiyo cidkstooy yihiin,kuwo diin sheeganayo,kuwo qabiil ah,kuwo diin ladagaalayaal ah,IWM.
3-Waxaa nala gudboon inaanan dayicin caruurtii iyo dadkii u katagay sheekha oo isagu gacanta ku hayay.
4-Waxaa nala gudboon inaan katashanaa sidaan kayeeli lahayn kuwa katashanaayo dilka culimada,kuway
doonaanba ha noqdeene,maxaa yeelay waxaa doqonimo ah,nin dhiigaaga banaystay inaad dhabarkaaga ujeediso.
5-Waxaa nala gudboon Inaan siixoojino cadaynta manhajka toosan,oo ah midkuu udhintay Dr Axmed Xaaji.
6-Waxaa nala gudboon Inaan Cadaynaa Qaladaadka diinta laga galaayo,diina loo ekaysiinaayo.
7-Waxaa nala gudboon Inaan kudadaalnaa sidii looga hortagi lahaa dilalka qorshaysan ee culimada lala beegsanaayo laguna duminaayo diinta iyo dacwada saxiixa ah.
8-Waxaa nala gudboon In dhamaan caalamka meelkastoy joogaan soomaalida lagu qabtaa mu’tamaraad looga hadlaayo dhibaatadan soo wajahday soomaalida oo ugubka ah,dilka culimada lafadwoonayo dhibaatada ay horseedayso iyo ciribta xun ee laga dhaxlaayo arinkan.
Ugu danbayntii waxaan illaah uga baryayaa inuu sheikh axmed danbigiisa dhaafo,janatu fardowso gasho
Sidoo kale Illaah Waxaan uga baryayaa kuwii dilay sh axmed inuu aduunka ku fadeexeeyo,aaqarana cadaab rabi.
Walaalkiin C/llaahi Abul–fadli………)