Qarax miino oo saaka ka dhacay degaanka Qorofo ee koonfurta magaalada Boosaaso
December 25, 2011 - Written byBoosaaso:-Qarax miino oo saaka ka dhacay degaanka Qorofo oo ilaa 50 Km u jirta dhinaca koonfureed degaanka Karin iyo Yalho , qarax ayaa waxaa ku dhintay Jaamac Nuur Shire Garash oo ahaa madaxa ciidamada miino baarista ee Puntland xili ay wadeen ciidamada Puntland hawlo miino baaris ah ka wadeen degaanka Qorofo ee koonfurta magaalada Boosaaso halkaas oo ay ku dagaalameen hadda ka hor ciidamada Puntland iyo ciidamo daacad u ah Maxamed Saciid Atam.
Gudoomiyaha gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Galan oo la hadlay saxaafada ayaa xaqiijiyey in qaraxa uu ku dhintay hal askari sadex kalana ay ku dhaawacmeen ,Gudoomiyaha ayaa intaas ku daray in ay wadaan howlgalo lagu sugayo amaanka magaalada Boosaaso iyo nawaaxiga ku xeeran amaankuna uu yahay mid sugan.
Ciidamada amaanka ee magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ay wadeen howl galo ay dad badan ku qabteen iyagoo sheegay in dad qaraxyo iyo dilal ka geystay magaalada Boosaaso iyo nawaaxigeeda lagu soo qabtay walow aysan weli saxaafada u soo bandhigin
M_M Deeq
Halgan.net