Shirka Garoowe waa guul u soo hoyatay guud ahaan Soomaali oo dhan
December 26, 2011 - Written byMarka hore mahad idilkeed waxaa iska leh Allaah, naxariis iyo nabadgelyana Rasuulkeenii ayeey korkiisa ahaatay. Ka dib dhammaan akhristayaasha sharafta mudan meel walboo ay joogaanba waxaan leeyahay iga gudooma salaanta islaamka aha ACWW.
Wax baddan baa la lahaa Soomaali isma maamuli karto haddaan lagu kala dhex jirin, wax baddan baa la lahaa gudaha Soomaaliya shir laguma qaban karo, sidoo kale wax baddan baa la lahaa madaxweynaha Soomaaliya ma dhaafo 2km oo Muqudisho gudaheeda ah. Ma inkirayo in ay dhibaatooyin baddan uu ka jiro waddankeenii, haddana waxba wax bay dhaamaan oo runtii waa arin lagu farxo bal in wax uun la arko. Haddaba waxaa isweydiin leh Shirkii Garoowe maxaa inooga baxay, maxaa laga faa’iday, sidoo kale muxuu inoo horseedayaa.
Shirkii Garoowe waxaa uu kulansaday dhacdooyin baddan oo runtii dhaxal gal ah taariikhda Soomaaliyana baal dahab ah ka gali doonta, waxaana ka mid ah: –
– Waa markii ugu horeysay Madaxweyne Shiikh Shariif Shiikh Axmed tan iyo intii lasoo doortay uu waddanka gudihiisa meel ka mid ah oo Muqudisho ka baxsan uu muddo todobaad ah ku soo qaato iyadoo ay Soomaali cid aan aheyn ayan amnigiisa sugeyn.
– Waa markii ugu horeysay muddo 20 sanadood shir ay Soomaali dhexdeeda u madax bannaan tahay oo aan cid kale amnigooda iyo Adeegyada kaleba u hayn ay iyagu ku qabsadaan waddanka gudihiisa.
– Waa markii ugu horeysay ay Soomaali illaa iyo xad iyagoo kaligood ah ay muujiyaan in ay isu tanaasuli karaan, kadib qodobo baddan oo xasaasi ah oo leysku mari waayey.
– Mas’uuliyiintii shirka kasoo wada qeyb galay waxa ay qireen kana marqaati kaceen in Soomaali ay iyadu isku filan tahay oo ayan u baahnayn Gacmo shisheeye kadib markii ay arkeen qaabkii ay Puntland u martigalisay shirka una sugtay amniga guud ee shirka iyadoo aan cid kale ku wehlin.
Shirkii Garoowe waxa kaloo cajiib ahaa oo uu taariikhda ku gali doona in mas’uuliyiinta Puntland ay si toos ah uga horyimaadeen arinta dulmiga ah ee 4.5 taasoo ah ku tumasho xuquuqda muwaadiniin baddan oo Soomaali ah, laakiinse ay mas’uuliyiintii kale u arakayeen xal waqtigan xaadirka ah. Puntland geed dheer iyo mid gaabanba wey u kortay sidi arintaas looga gudbi lahaa, laakiin nasiib daro waa laga cod batay oo waxa ay u tanaasushay maslaxadda guud laakiin si caddaan ah ayeey mowqifkeeda ku qeexday ee ku aadan arintaas. Waxaase guul ah in la yiri wixii ka danbeeya doorashada soo socota in loo gudbi doono nidaamka ku dhisan qaab deegaanka ama degmooyinka iyo gobolada.
Waxaa kaloo guul aheyd in la yareeyay tiradii xildhibaanada oo laga soo reebay 225 halkii ay ka ahaan jireen 550 mudane. Waxaa kaloo arin lagu farxo aheyd in la go’aamiyey in Soomaali gaareysa illaa iyo kun qofood ay ansixin doonaan dastuurka qabyo qoraalka kaasoo loo ballan san yahay dhawaan inshaa’allaah.
Haddaba guushaas iyo mahadaas waxaa iska leh Allaah subxaanalaahu watacaalaa oo runtii suurto galiyey in muddo intaas la’eg lagu kulmo buqcad ka mid ah dhulkeenii hooyo, magaalada Garoowe, kadib waxaa mahaddas iska leh ummadda reer Puntland iyo maamulkooda sharafta mudan iyo sidoo kale guud ahaan Soomaali oo dhan.
Inshaa’allaah waxaan Allaah ka baryeeynaa in qodobadii kasoo baxay ay noqdaan kuwo mira dhal ah oo Allaah uu na waafajiyo kheyrkooda.
Waxaan kaloo halkaan aan uga mahad celinayaa madaxdii sharafta lehyd ee soo ajiibay Kulankaas oo uu ugu horeeyo madaxweyne Shiikh Shariif, prime Minister iyo Speakerka Baarlamaanka.
Allaah waxaan ka baryayaa in uu talada wanaagsan had iyo jeer Soomaali waafajiyo oo uu ka dhigo kuwo danta guud ka hormariya danta gaar ahaaneed, kuwo maslaxadooda qaran fiiriya had iyo jeer.
Guul Soomaaliweyn
Wabilaahi Towfiiq
Cabdixakiim Jaamac Jooje –
Social development Adviser
Leicester UK