Soomaaliya, waa ummad geeridu jiho kasta uga timid! W/Q: Siciid Cali Shire

December 10, 2011 - Written by

Cinwaanka qormadaan, Soomaaliya waa ummad geeridu jiho kasta uga timid, waxaan ka soo qaatay maqaal uu Axmed Mansuur, weriye reer Kuwait ahi, daabacay dhammaadkii qarnigii tegey. Maalmaha, Axmed Mansuur uu weerahaas xanuunka badan qorayey, waxaa warbaahinta caalamka buux dhaafshey warbixinno argagax leh oo ku saabsan sunta lagu aasay Soomaaliya. Warbixinaha qaarkood, tusaale ahaan, middii uu soo bandhigay Dr. Mustafa, Madaxii Arrimaha Bini’aadamnimo ee Qarammada Midoobey ee Soomaaliya, waxay qiyaasayeen in qaar ka mid ah dagaal oogayaasha iyo rag xilligaas sheeganayey madaxnimada Soomaaliya ay galeen heshiisyo oggolaanaya in sannadkiiba Soomaaliya lagu aaso sun madaxa la dhaafaysa 500,000 tan (shan boqol oo kun oo tan)1. Soomaaliya, waa ummad geeridu jiho kasta uga timid!

Maalinta aan maqaalkaan qorayo, Diseembar 2011, waxaa sida markii Axmed Mansuur maqaalkiisa qorayey, warbaahinta Soomaalida iyo tan caalamkaba buux dhaafshey warar naxdin, murugo iyo uur ku tallo leh oo dhammaantood muujinaya in Soomaaliya geeridu jiho kasta uga timid. Tusaale ahaan, Prof. Robert Rotberg oo horey u ahaan jirey madaxa Kuliyadda Dawladnimada John F. Kenedy ee jaamicadda Harvard University, haddana ah madaxa hey’adda ‘World Peace Foundation’ wuxuu ku daabacay bogga ‘Think Africa Press’ in Soomaaliya loo dhiibo Midowga Afrika. Isaga hortiisna, Dr. Michael Weinstein ayaa soo bandhigay in Soomaaliya loo qaybiyo gobbolo tabar daran, ay magac ahaan maammulaan dad Soomaali ah, laakiin hoos taga Keenya iyo Itoobiya. Isla maalmahaas, si ay u hirgeliyaan qorshahaas, Afrax (2011) ku tilmaamay ‘Qaybsigii labaad ee dhulka Soomaaliya’ waxaa Kenya, Itoobiya iyo maraakiibta NATO ay weeraro bad, dhul iyo cir ah ku qaadeen Soomaaliya. Dhinaca dawladda ku meel gaarka ah (TFG), meeshii laga filayey in ay dareen waddaniyadeed ka muujiyaan, xubnihii sare ee dawladdu, waxay cod midaysan ku taageereen hawlgallada cadawga. Dhanka Puntland waxaa ka dhacay masiibooyin ka soo kabashadoodu jiilal qaadan doonaan. Tusaale ahaan waxaa gubtay suuqii ugu weynaa suuqyada ganacsiga ee Boosaaso, waxaa la toogtey Sh. Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxmaan oo ahaa qorax diirisay quluubta Soomaalida. Waxaas oo dhib ahi waxay dhacayaan xilli Soomaaliya ay weli la liicliicayso dhibaatooyinkii abaaraha iyo macaluusha oo la isku raacay in ay ahaayeen abaarihii ugu xumaa ee soo mara Soomaaliya lixdankii sano ee la soo dhaafay. Soomaaliya, waa ummad geeridu jiho kasta uga timid!

Sida, Jan. Cali Ismaaciil ku soo bandhigo buuggiisa “Dareen Maqan iyo Damac Shisheeye”, dhimashada Soomaalidu waxay leedahay kun waji: malaayiin Soomaali ah waxaa gawracay ‘taajiriintii geerida’; malaayiin kale waxay u dhinteen macaluul iyo gaajo; inta soo hartayna waxaa sugaya oo si tartiib-tartiib ah u ciribtiri doonta sunta faraha badan ee lagu aasay dhulka Soomaalida. Shire (2010) dhowrkaas waddo ee geeridu u soo martay Soomaalida wuxuu ku daraa labo kale: cadow shisheeye iyo caqiido laawe sokeeye. Soomaaliya, waa ummad geeridu jiho kasta uga timid!

Inkastoo, sunta lagu aasay Soomaaliya, ay tahay aafo sugaysa jiilka maanta nool iyo kuwa dhalan doona boqolaalka sano ee soo socda, kana saamayn adkaan doonto marka la fiiriyo dhibta ay u geysan karaan dadka iyo degaanka labadaba, haddana labada dambe, marka la fiiriyo hammigooda iyo aaladaha ay adeegsadaan si ay u gaaraan himilooyinkooda waa ka hagardaamo badan yihiin sunta. Way ka hagardaamo badan yihiin marka la fiiriyo meelaha ay ka soo galaan ummadda, dharka ay u soo huwadaan iyo luuqadda ay isticmaalaan intaba. Meesha, kooxda hore, i.e. cadowga shisheeye, sida Afrax (2011) soo bandhigo hammigoodu yahay dabar goyn shacab, dhaxal wareejin dhul iyo dulleyn ummadeed; kuwa dambe, i.e. caqiido laawayaasha sokeeye, waxaa loogu talagalay, sida Afrax (2011) bidhaamiyey inay fuliyaan shan hawlgal oo isku-dhaf ah, kuwaas oo si toos ah ugu wada adeegaya qorshe-weynaha qarantirka iyo dulleynta Soomaalida ee kooxda hore hormuudka ka yihiin. Shantaas qorshe ee tooska ah, sida Afrax (2011) soo bandhigo, waxay kala yihiin: (1) Is-hortaagga nabad iyo dowladnimo ka xasisha Soomaaliya; (2) Xididda-siibka astaanta qaranimo (calanka laga bilaabo) iyo haybta ummadnimo, sida afka, dhaqanka, taariikhda, dhaxalka ummadda iwm; (3) Sumaynta maskaxda da’da soo koraysa iyo ka-habaabinta inay yeeshaan wacyi qarannimo; (4) Dilka iyo dabargoynta intii dalka ku harsanayd waxgarad iyo aqoonley xilkas ah; (5) Fool-xumaynta magaca Soomaalida iyo nebcaysiinta ummadaha kale – cadowbadin. Soomaaliya, waa ummad geeridii jiho kasta uga timid.

Dhinaca dharka ay soo gashadaan (sharciyaddooda) iyo luuqadda ay adeegsadaan (falka ay dadka ku sixradaan), meesha kooxda hore soo gashato koofiyadaha hey’adaha Qarammada Middoobay, Midowga Afrika iyo IGAD, luuqadda ay adeegsadaan oo dadka ku beer laxawsadaana ka duusho damiirka bur-buray, dareenka maqan iyo dayowga xantoobada madax baan ahay daashatay, i.e. waan aqoonsannaha DKM ama waxaa la idiin samaynayaa maammul goboleed, kooxda dambe, si ay u marin habaabiyaan jiilka dambe, dalkana cadow ay sharuuko yihiin ugu loogaan, waxay qal-qaloociyeen kitaabkii Eebbe (SW) ee xaniifka ahaa iyo sunnihii udgoonaa ee Rasuulka (SCW), dadkana waxna waa bireeyaan, waxna waxay ku beer laxawsadaan qabiilooyin weligaiin idin gumaysan jirey ayaan idinka xoraynaynaa. Soomaaliya, waa ummad geeridii jiho kasta uga timid!

Derbiga ugu weyn, ee labaatankii sano ee la soo dhaafay labadaas kooxood hortaagnaa; derbiga dabaysha jahliga iyo caqiidooyinka faasidka ah dadku ka gabbaadsan jireen; derbiga muuqaalkiisu ahaa bidhaan qaran; derbiga in ay dumiyaan maahee ay sina u dhaafi waayeen wuxuu ahaa waxoogaaga ka sii haray dadkii waxuun kaga dambeeyeen damiirka fayow iyo fahanka dawladnimo. Si ay u garaan himilooyinkooda, labada kooxoodba, waxay si buuxda isaga kaashadeen in qof kasta oo garasho diin iyo dareen dawladnimo qalbigiisu weeleeyey in ay ama dilaan ama handadaan si uu dalka uga cararo. Soomaaliya, waa ummad geeridii jiho kasta uga timid!

Dilka, dadka birimaggeydada eh; dilka ,dadka xambaara hammiga shacabka; dilka, dadka sare u qaada magaca iyo maammuuska ummadda kuna qora looxaadka tariikhda; dilka, dadka hindisa, qaabeeya, dhisa, kobciya, dayac tirana tiirarka horumarka; dilka dadka, astaanta u ah gobonnimada, sharafta, wanaagga iyo kalgacalka; dilka, dadka isku haya ummadda; dilka, dadka, galladda Eebbe ka gadaal, ummadi aysan la’aantood hawaysan in ay muuqato, la aqoonsado, lana xushmeeyo; dilka, dadka noocaas ah waa aaladda ugu weyn ee ay adeegsadaan labada kooxood ee dambe. Soomaaliya, waa ummad geeridii jiho kasta uga timid!

Dilka, dullaynta iyo dal ka eryidda dadka noocaas ahi, inkastoo aysan ahayn arrin ugub ama ku gaar ah Soomaaliya iyo Soomaalida, haddana, wixii ka dambeeyey bur-burkii dawladdii dhexe ee Soomaaliya waxay gaartey meeshii ugu dambaysay. Tusaale ahaan, meesha, wixii ka horreeyey 1991-dii, sida ay soo bandhigtay Hey’adda Amnesty International, sannad walba dil, xabsi iyo ciqaab loo geysan jirey dad aan ka yarayn 300 oo qof oo isugu jira aqoon yahanno, saraakiil, culimaa’udiin iyo ganacsato, wixii ka dambeeyey 1991-dii bilaha qaarkood tiradu toban jeer ayay ka badnayd. Meesha, bilowgii hore, ‘taajiriintii geeridu’, si loo waayo qof dhinac istaaga ay gumaadi jireen qofkii ishu qabato, markii, caleentoodii cirka ka soo dhacday, waxaa seeftii ay dadka ku birayn jireen oo maaraysatay xarshintii kala soo baxay labadii cadow ee aan sare ku soo xusnay. Soomaaliya, waa ummad geeridii jiho kasta uga timid!

Labada cadow, i.e. cadowga dibedda iyo caqiido laawaha guduhu, in kastoo ay dhinacyo badan uga muuqaal eg yihiin ‘taajiriintii geerida’, haddana, hadafkoodu waa ka fog yahay kan kooxda dambe. Meesha, kooxda dambe, sida Afrax (2002) soo bandhigo hadafkoodu ku koobnaa : qabiil ku burur, qori caabud iyo kursi u qooq; labada kooxood ee hore hadafkoodu waa dhabar-jebin qaran; dhammayn shacab; dulleyn ummadeed iyo dhaxal wareejin dhul. Si ay u gaaraan hadafkooda waa in ay qof kasta oo ummadda wax tar u ah dil ku xukumaan. Meesha cadowga shisheeye beryihii hore adeegsan jireen ‘taajiriintii geerida’, sida kuwii la baxay Isbahaysigii Shahaado la Dirirka, maanta waxa booskoodii u buuxiyey, marar badanna uga baarrisanaaday dakaatiro billad sharaf (Nobel Prize) ku raadinaya dhiiga shacabkooda iyo dhaxal wareejinta dhulkooda. Soomaaliya, waa ummad geeridii jiho kasta uga timid!

Haddaan soo ururiyo, waxaan leennahay, dilka, dadka birimaggeydada ah, oo uu ugu dambeeyey Sh. Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxmaan, marka laga soo tago ujeeddooyinka muuqda, sida kuwii aan sare ku soo sheegnay, waxay leedahay ujeeddooyin qarsoon oo ay ka mid yihiin: deminta iftiinka garashada; bur-burinta tiir-dhexaadka bulshada; agoomaynta caqliga ummadda; aammusinta dhawaaqyada isbeddel doonka ah; iyo dayaynta fahanka ummadda. Dilka Dr Axmed Xaaji Cabdiraxmaan, waa dil ummadeed, waa dil mabda’, waa dil garasho shacab, waa dil halyey, waa is hortaag hilinkii ummaddu kaga bixi lahayd jahliga oo ugu bixi lahad iftiinka; waa is hortaag hilinkii ummaddu kaga bixi lahad faqriga oo ugu bixi lahayd horumarka; waa is hortaag hilinkii ummaddu kaga bixi lahayd mugdiga oo ugu bixi lahayd caddaaladda.

Soomaaliya, waa ummad geeridu jiho kasta uga timid! Haddii dhulkii hooyo ee qaaliga ahaa maanta, inagoo nool oo soo taagan, cadaw boobayo; haddii shacabkii Soomaaliyeed maanta geeridu jiho kasta uga timid; haddii nin doorkii, Eebbe ka sokow, ummaddaan caynaanka u qaban lahaa oo ku hoggaamin lahaa hilinka toosan horteenna lagu gawracayo, innagana oraahdeennu aysan dhaafayn sheekha in la dilo ma ahayn, dhulka niman baa cadawga u loogay, iyo hawraaro la mid ah; wallee dhulkaanow waxaad tahay loo har! Soomaaliya waa ummad geeridu jiho kasta uga timid!

Dilka Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxmaan, hadday dareenkeena kicin waydo, hadday damiirkeena dhaqaajin waydo, hadday inoo duwi waydo dhanka danta dalka, diinta iyo dadku ku jirto, hadday caqligeenna iyo cuddudeenna mideyn weydo si aan dulliga la inala maaggan yahay isaga dul qaadno, wallee dalkaanow waxaad tahay loo har. Soomaaliya waa ummad geeridii jiho kasta uga timid!

Tixraac:

Jan. Cali Ismaaciil Maxamed (2003), Soomaaliya: Dareen maqan iyo damac shisheeye, Boosaaso, Soomaaliya

Maxamed D. Afrax (2002), Dal dad waayey iyo duni damiir beeshay, Halabuur Communications, London

Maxamed D. Afrax (2011), Dulleynta Soomaalida iyo Digniinta Shisheeyaha: Goorma Soomaalidu ku baraarugi diintaa, www.wardheernews.com

Michael Weinstein (2011), Kenya’s political failure in Southern Somalia, www.garoweonline.com

Robert Rotberg (2011), Putting Somalia into an AU trusteeship is the only option, www.thinkafricapress.com

W/Q:  Siciid Cali Shire

Leave a comment

*

Archives
December 2011
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online