TACSi :-Culumada S/land oo tacsi u diraya eheladii Dr Ahmed Xaji
December 6, 2011 - Written byإنا لله وإنا إليه راجعون
ANNAGOO AH CULIMADA REER SOMALILAND EE MAGACYADOODU HOOS KU XUSANYIHIIN WAXAANU HALKAN KU SOO
GUDBINAYNAA:
1. TACSI
WAXAANU UGA TACSIYAYNAYNAA EHALADII,QARAABADII, ASXAABTII,IYO UMADDA SOOMAALIYEED GUUD AHAAN GEERIDII NAXDINTA LAHAYD EE KU TIMID SHEEKH DR. AXMED XAAJI CABDIRAXMAN, KAASOO SI FOOL XUN LOOGU DILAY MAGAALADA BOOSASO, ISAGOO KA SOO BAXAY SALAADDII SUBAX, SOOMAANAA, XAJKANA KA SOO NOQDAY. WAXAANAN ILAAHAY UGA BARYAYNAA INUU JANNADIISII FARDAWSA KU ABAAL MARIYO INTII UU KA BAXAYNA SABIR IYO IIMAAN KA SIIYO.
SHEEKHU WUXUU AHAA CAALIM WAYN OO KA MID AH CULIMADA SOOMALIYEED KUNA TILMAANAA ALLA KA CABSI, AKHLAAQ WANAAG IYO DHAWRSANAAN ISLA MARKAANA KAALIN MUUQATA KU LAHAA BAAHINTA AQOONTA ISLAAMKA, KANA MID AHAA AASAASAYAASHA, MACALIMIINTA IYO MADAXDA JAAMACADDA BARIGA AFRIKA.
- 2. CAMBAARAYN
WAXAANU SI KULUL U CAMBAARAYNAYNAA FALKAAS BAHALNIMADA IYO FULAYNIMADA LEH EE LAGULA KACAY SHEEKHA IYO DIINTA ISLAAMKA WAXAANAN ILAAHAY KA BARYAYNAA CIDII FALKAA GAYSATAY IYO CID KASTOO KU LUG LAHAYD AF IYO ADINBA IN
ILAAHAY KASHIFO CIQAABKIISANA USOO DEDEJIYO.
3- BAAQ IYO BARAARUJIN
WAXAYNU WADA OGSOONAHAY KAALINTA CULIMADA IYO HALKA AY KAGA JIRAAN UMADDA, IYAGOO AH LAF DHABARTA UMADDA XAMBAARSANNA DHAXALKII NABIGA (N.N.K.H) , SIDAA DARAADEED DILALKA QORSHAYSAN EE LOO GAYSANAYO CULIMADU WAA DUMIN LA DUMINAYO DIINTA ISLAAMKA.
UGU DAMBAYN WAXAANU UGU BAAQAYNAA UMADDA GUUD AHAAN IN AY SI WADA JIR AH UGA HORTAGAAN
CID KASTA OO BARTILMAAMEDSANAYSA HORMUUDKA UMADDA.
MAGACYADA CULIMADA
- SH. YUUSUF ADAN MAXAMED
- SH. MAXAMED CUMAR DIRIR
- SH. MAXAMED CALI JAAMAC
- SH. CISMAAN CALI XUSEEN
- SH. MAXAMED IBRAHIM JAAMAC
- SH. MAXAMED IBRAHIM ODOWAA
- SH.CALI WARSAME
- SH. CABDI NAASIR XAJI AXMED
- SH. FAYSAL CALI FAARAX
- SH. MAXAMED CALI GEEDI
- SH. CABDIQANI XUSEEN MAXAMED
- SH. CABDI WAAXID XASHI XASAN
- SH.CABDISMAD CABDILAHI CABDI
- SH.ISMAACIIL CABDILAAHI JAAMAC
- SH.CAWIL FAATAX SHIRE
- SH.MAXAMED CABDI JAAMAC
- SH. ALMIS SH.YAXYE
- SH. MAXAMED SHUKRI XASAN
- SH. CABDIQANI AW SAALAX
- SH. CABDILAAHI DAAHIR JAAMAC
- SH.AXMED SH.JIBRIIL
- SH. CUMAR CABDILAAHI XASAN
- SH. MAXAMED DAAHIR DHAWAL
- SH. XASAN KHAYRE DIRIR
- SH. AXMED MAXAMED SALEEBAAN
- SH.MAXAMUD XALIKE
- SH. YUUSUF HAYBE
- SH. MUSTAFE CALI CUMAR
- SH. XASAN XUSEEN
- SH. CABDILAAHI CABDI CALI