Warbixin ku saabsan Muxaadaro Sheikh Umal xalay ku qabtay Masaajidka Abuu Bakar ee xaafadda Islii magaalada Nairobi
December 8, 2011 - Written byNairobi:-Sheikh Maxamed Cabdi Umal oo ka mid ah Culimada Soomaaliyeed ee caanka ah ayaa xalay waxa uu ka hadlay halka uu jiro xalka waddanka Soomaaliya.
Sheikha oo muxaadaro ku saabsan sida xal lagu heli karo ku qabtay Masaajidka Abuu Bakar Sidiiq ee xaafadda Islii magaalada Nairobi, ayaa 9 tilmaamood ku sheegay xalka waddanka Soomaaliya, iyadoona Muxaadarada Sheikha ay ka soo qeyb galeen dadweyne aad u farabadan, kuwaasoo xiiseynayey mowduuca uu Sheikhu ka hadlayey.
1- Ugu horeyn Sheikha ayaa sheegay in mushkiladda jirta ay ka timid dambiyo ay ku kacday bulshadu, taasna ay tahay in marka hore la ogaado, isagoona Sheikhu sheegay haddaan la fahmin halka dhibku ka yimid inaan xal la heli karin.
2- Sheikha ayaa sheegay in xalka ugu horeeya uu noqonayo in bulshadu u noqoto Allihii ifka keenay ee maamula amuurahooda, wuxuuna Sheikhu carrabka ku adkeeyey in guud ahaan bulshada looga baahan yahay inay Illaahay u towbad keenaan, haddii taas la helana xalku uu imaanayo.
3- Tilmaanta saddexaas ayaa Sheikhu ku sheegay in loo baahan yahay in umaddu ay midowdo kana baxdo tafaraaruqa aafeeyey, haddii ay ahaan laheyd mid ku saleysan qabyaalad, mid ku saleysan goboleysi iyo deegaan, mid ku saleysan kooxeysi iyo firqo diimeedyo, iyo mid ku saleysan dano shaqsiyadeed.
Sheikha ayaa sheegay in midnimo la’aanteed ayan waxba suuragal noqon karin, isagoona diiradda saaray sida ay muhiimka u tahay midnimada, wuxuuna Sheikhu sheegay in la kala aragti duwanaan karo balse aan loo baahneyn in la kala tago, wuxuuna tusaaleyaal ka soo qaatay sida ay u wada nool yihiin dadyowga deggen qaar ka mid ah wadamada geeska afrika, isagoona tilmaamay in Soomaalidu ay yihiin dad yar oo qaraabo isu wada ah.
4- Sheikh Umal ayaa sheegay in xalka uu ku jiro in umadda la islaaxiyo, lagana shaqeeyo sidii wanaagga loogu barbaarin lahaa, isagoona carrabka ku adkeeyey in loo hamuun qabo in bulshada laga shaqeeyo sidii loo heshiisiin lahaa oo wixii dantoodu ku jirto loogu iftiimin lahaa, isagoona ku nuuxnuuxsaday in dowrkaas looga baahan yahay inay gutaan culimada iyo waxgaradka kale.
5- Sheikha ayaa sheegay in xalka uu ka mid yahay in lagu dhaqmo shareecada Islaamka, wuxuuna intaas ku daray in umaddu ay dooneyso in lagu xukumo shareecada Islaamka.
Sheikha ayaa sheegay in la soo arkay nidaamyadii aan Islaamka ku saleysneyn, isagoona sheegay in hanti wadaag iyo hanti goosiba la soo tijaabiyey, haddana loo baahan yahay in umadda lagu hago shareecadooda.
6- In la soo nooleeyo mabda’a wadatagashiga, ayaa ka mid ahaa qodobada uu Sheikh Umal ku sheegay in xal lagu gaari karo, wuxuuna aad uga digay in talada umadda ay marooqsadaan kooxo gaar ah.
Sheikha ayaa tusaalayaal badan ka soo qaatay dhaqankii Nabi Muxamed NNKH, isagoona caddeeyey in Nabigu xitaa arimaha isaga u gaarka ah kala tashan jiray Muslimiinta.
Sheikha ayaa sheegay in hadda xaalka lagu sugan yahay uu marayo in la yiraahdo “ra’iyega ayaa diin ah lamana khilaafi karo” wuxuuna Sheikhu daaha ka qaaday in isla qumanaantu ay ka mid tahay dhaqanka firqada Khawaariijta.
7- In umaddu ay maraajiic Cilmi ah yeelato ayuu Sheikhu ku daray xalka iyo in howlwalba loo daayo dadka khibradda u leh, isagoona Sheikhu carrabka ku dhajiyey in Culimada looga dambeeyo arimaha culus ee ku saleysan nabadda dagaalka iyo masiirka umadda.
Sheikha ayaa sheegay in hadda xaaladdu mareyso in wax walba is bedeleen, wuxuu sheegay inay dhalintu ka kor martay waayeelka, in jaahiliintu ay ka kormareen culimada, in dadkii aan caqliga laheyn ka kor mareen kuwii ra’yiga u saaxiibka ahaa, wuxuuna carrabka ku adkeeyey in tilmaamahaasi ay muujinayaan sida umaddu u halaagsameyso haddii ay sidaasi ku socoto.
8- Sheikh Umal ayaa sheegay in xalka ay ka mid tahay in aan cadowga umadda talada loo dhiibanin, laguna kalsoonaanin, wuxuuna aad uga sheekeeyey sida ayan gaaladu wanaag ula dooneyn dadka Muslimka ah, isagoona aayado qur’aan ah tusaalayaal cadcad ka soo qaatay.
Sheikha ayaa sheegay in xiliga lagu jiro ayan suuragal aheyn in dowlado kale ay heshiisiiyaan Soomaalida oo danahooda ka shaqeeyaan, wuxuuna carrabka ku adkeeyey in taas la iska iloobo oona umaddu u midowdo sidii ay dadnimadeeda iyo wadajirkeeda ula soo noqon laheyd.
9-Qodobkan ayuu Sheikhu ku sheegay in duliga looga bixi karo Jihaad iyo in umaddu ay cadowgeeda iska dhiciso, wuxuuna aad u sharraxay in arrintaas ay u taalo dadka ahalka u ah, dagaal aan waxba soo kordhineyninna uusan noqon karin Jihaadka shareecadu sheegeyso.
Sheikha ayaa sheegay in Jihaadka laga eegayo in umaddu ay karto, in uu yahay mid loola jeedo Ilaahay dartii, iyo inuu waafaqsan yahay dariiqii uu jeexay Nabi Muxamad NNKH, wuxuuna ka digay in umadda qoorta loo geliyo wax ayan xamili karin, sababna loogu noqonin in la qabsado.
Qeybta koowaad ee warbixinta aan ka diyaarinay Muxaadarada Sheikha intaas ayaan ku dhaafeynaa. qeybta kale waxaan ku soo qaadan doonaa sida Sheikhu sheegay:
1- Talooyin ay siiyeen Al-Shabaab oo ay xarakadu ka diidday, wixii ay ka digayeenna ay dib ka dhaceen.
2- Wadaaddo fatwooda leynta Culimada.
3- In aan la duminin meelaha maamulada ka jiraan ee dalka.
4- In qabsashadii dalka ee ciidanka Itoobiya ay salaxeen hadallo ay jeediyeen qaar ka mid ahaa hoggaankii Maxaakiimta.
inahaasi oo faahfaahsan ayaan ku soo qaadan doonaa qeybta kale ee warbixinta aanu ka diyaarinay Muxaadarada Sheikha, waxaana howshaas baaxadda leh gacanta ku haya howlwadeenada Halgan.net Somalireal haka dheeraanin si ayan kuu dhaafin xogo badan oo uu Sheikhu bixinayo.
Halgan.net ayaa dhawaan soo gudbin doonta Muxaadarada Sh Umal xalay ka jeedshay Masjidka 6st ee Nairobi
Halgan.net
Nairobi
Archives |
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
English Article
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Somali Links
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Fatwa Online
|
7 Comments so far
Leave a comment
Illaahay haka abaalmariyo sheekheena waanooyinkaa isdaba jooga cadowgana allah haka xifdiyo anagana Ilaahay hanagu anfaco bahda halgan.net baaraka allaahu fii juhdikum wajasaa kumu llaahu khayraa
ascwrwb maa shaa allaah allha hano xifdiyo sheekh maxamed cabdi umal halgan aad baad u dadaaleeysaan rmm% maa shaa allaah insha allaah cod ahaana soo galsha waanu u xiisa qabnaa aad iyo aad wsc wrwb
Masha alaah ilahow noxifdi wadka umada somaliyed waxan ugu baqaya inay u hogan sato hadalka wadadka sh umal sifican ayan u aqan waligis gal ma amanin lagamana sugayo tas in kasto ay jiran culimo galada anisom ay wardiyey so halo hogan samo indhaha umada wa culimade
MASHA ALLAAH ILLAAHOW NOO XIFDI KHEIKHENA ILLAAHOW CADOW IYO CADOW USHAQEEYE NOOGA XIFDI.INTAA KADIB SHEIKH WAAD NOOSHEEGTAY ASBAABIHII BADBAADADA SOMALIA ILLAAHEY KUSIIN LAHAA HADII AAN QAADANEYNO?
SHEIKH ILLAAHEY HANA FAHANSIIYO WAANADA AAD NAWAANISAY KUWII QAATANA ALLAAHA NAGA DHIGO.
masha allah halgan.net jzk khey ikhwaani waane sugeyna muxaadirada unsha allaah
walalyaal muxaadarada ayadoo maqal ah noo soo gudbiya sidaad samayn jirteen waa codsi wa jazaakumu allaau khayran,
masha sheekhena Ilahey hano xifdiyo Umada, somaliyeed ad ayu igu faideeyey cilmigiisa xadahulaha Shekh umal ilahey ha ku anfaco umadaan, walaalaha halgan ad ayay u madasanyhihiin kher Ala ha siyo sida kheerka ugu dadaalayan wax badaan ayay no qabteen