Wasiirka Arrimaha Gudaha ee DFKM oo shirjaraa,id ku qabtay magaalada Garoowe
December 22, 2011 - Written byGaroowe:-Wasiirka Arimaha gudaha iyo Amniga qaranka ee DFKM Cabdisamed Macalin Maxamuud Sheekh Xassan ayaa maanta shirjaraa,id ku qabtay o caasimada dawlada Puntland ee Garoowe waxaa uu canbaareeyey dhibaatooyinka ka dhex dhacday Xildhibaanada Baarlamaanka DFKM oo shalay uu dhexmartay gacan ka hadal .
Wasiirka Arimaha gudaha iyo Amniga qaranka ee DFKM ayaa ku sifeeyey wixii ka dhacay xarunta baarlamaanka ee DFKM Fowdo aan sharci iyo Sharaf midna lahayn isaga oo amar ku bixiyey ina la joojiyey shirarkii baarlamaanka DFKM mudo bil ah inta wax laga qabanyo fowdada iyo aam xumada ka jirta Baarlamaanka .
Wasiirka arrimaha gudaha ayaa waxaa sidoo kale ku wargeliyay xildhibaannada DFKM in haddii ay doonayaan inay ku shiraan xarunta baarlamaanka inay la socodsiiyaan wasaaradda arrimaha gudaha iyo ammaanka ka hor 72-saac gudahooda si loo sugo amaankooda.
A/Cawale
Halgan.net