Madaxweynaha Puntland oo ka tacsiyeeyey geerida Senator Maxamed Yuusuf Xaaji.

February 15, 2021 - Written by Editor

Garoowe:- Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaaya magaciisa, kan shacabka Puntland iyo kan Dowladdaba waxa uu ka tacsiyaynayaa geerida Alle naxariistii Janno haka waraabiyee Senator Maxamed Yuusuf Xaaji, Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga ee Kenya.

AHUN Maxamed Yuusuf Xaaji ayaa ahaa odey Soomaaliyeed oo waxbadan ugu fadhiyay Soomaalida ku nool iyo kuwa ka ganacsada dalka Kenya, oo uu aad ugala soo shaqeeyay arrimahooda gaarka ah iyo marxaladdaha soo wajaha noockasta ay yihiin.

Senator Maxamed Yuusuf Xaaji ayaa ka mid ahaa Siyaasiyiinta Soomaalida ee muddada dheer kusoo dhex jiray Maamulka Dowladda iyo Siyaasadda Kenya. Isagoo kasoo billaabay heer Degmo, Gobol, Xildhibaan Baarlamaan illaa uu gaaray 2008-2013 in uu noqday Wasiirka Gaashaandhigga, Yuusuf Xaaji wuxuu hadda uu geeriyooday isagoo ah Senatorka laga soo doorto Ismaamulka Gaarisa.

Madaxweynaha Puntland waxa uu tiiraanyada geerida la wadaagayaa Soomaalida ku nool dalka Kenya, Dowladda iyo Shacabka, ehelkiisii iyo asxaabtiisii , wuxuuna Marxuumka Alle uga baryayaa inuu dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro , Jannatul fardawsana ka waraabiyo Aamiin.

—–DHAMMAAD —–

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

Comments are closed.