Munaasabada Daah-furka Diyaarada Ethiopian Airlines qeybta Cargooga.[Masawiro]

February 3, 2021 - Written by Editor

Boosaaso:-Munaasabada Daah-furka ayaa waxa Goob-joog ahaa Wasiirka wasaarada Duulista Hawada Dowladda Puntland, Qunsulka Ethiopia u fadhiya Puntland, Xildhibaan, Ganacsato ka soo jeeda dalka Ethiopia, Maamulka Airport Bosaso, Ganacsatada Gobolka Bari, Iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan dawladda.

Daahfurka Diyaarada Ethiopian Airlines qeybta Cargo ayaa sii xoojinaysa xirriirka ka dhaxeeya labada dhinac ee Puntland Iyo Ethiopia, Diyaaradan ayaa Magaalada Bosaaso ka qaadeysa kaluun loona qaadi doono Magaalooyinka Ethiopia.

Qunsulka Ethiopia u jooga Puntland Iyo Ganacsatada Dalka Ethiopia ayaa Dhankooda balan qaaday in ay Dowladda Puntland Iyo Ganacsatada Gobolka Bari kala shaqeyn Doonan sidii loo xoojin laha Xirriirka Labada dhinac iskaashiga dhaqaalaha Iyo Hormarka Puntland.

Guddoomiye Cabdisamad Abwaan ayaa ku soo dhaweeyay Gobolka Bari Qunsulka Ethiopia ee u fadhiya Puntland Iyo Ganacsatada Dalka Ethiopia waxa uuna ku boogadiyay in la xoojiyo xirriika labada dhinac ka shaqeeynta Hormarka Iyo Dhaqaalaha Puntland.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa u mahadceliyey Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo dadaal dheer ku bixiyay Daah-furka Diyaaradan mar walibana ahmiyad gaar ah siiya sidii loo xoojin lahaa xirriirka kobaca dhaqaalaha iyo Hormarka Dowladda Puntland ee kala dhaxeeya Dowladdaha Caalamka.Gudoomiyaha ayaa dhanka kale u mahadceliyey Wasiirka wasaarada Duulista Hawada Iyo Garoomada Dowladda Puntland Mudane Ilayaas Cismaan lugatoor, oo in mudo ah ka soo shaqeeyay sidii loo Daah-furi lahaa Diyaarada Ethiopian Airlines qeybteeda Cargo.

no images were found

—DHAMMAAD —

XAFIISKA WARFAAFINTA MAAMULKA GOBOLKA BARI.

Comments are closed.

Archives
February 2021
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online