Prof.Cabdi Ismail Shirka Baydhabo laguma Heshiin ee dadka Goballada Waqooyi ayaa loo heshiiyay.[Video]

February 18, 2021 - Written by Editor

Muqdisho:-Gudoomiyaha Aqalka sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyo siyaasiyiin ka soo jeeda gobollada Waqooyi ayaa ka horyimid heshiis la sheegay in ay wada gaareen gudi farsamo oo ka kooban Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul gobolleedyada.

Prof. Cabdi Ismail Samatar oo ka mid ah aqoon yahanka aadka looga yaqaano dalka Soomaaliya uuna dhinac taagan yahay Gudoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi ayaa ugu baaqay shacabka Koonfurta Soomaaliya in ay la baadi goobaan xuquuqdii dadka reer Waqoyi ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Prof. Cabdi Ismail Samatar oo ka hadlay banaanbax ka dhici doona magaalada Muqdisho ayaa ugu baaqy shacabka magaalada Muqdisho in ay joogteeyaan si loo hello xuquuqda ,musharaxiinta, Gobollada Waqooyi iyo Tan Qaranka ilaa iyo inta ninka buurta saarana uu u soo noqonayo Caqliga.

Prof:Cabdi Ismail Samatar oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in Shirka ka dhacay magaalada Baydhabo aan lagu heshiin balse loo heshiiyey dadka ka soo jeeda Goballada Waqooyi ee Soomaaliya.


Dhinac kale Gudoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa waxaaa uu sheegay in isaga iyo Madaxweyne Farmaajo ay Dastuurka Isku Qabteen.

A/cawaale
Halgan.net

Comments are closed.

Archives
February 2021
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online