Xildhibaan ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku shiray Hotel Jazeera oo la hadlay Warbaahinta.[Video]
February 9, 2021 - Written by EditorMuqdisho:-Xildhibaannada ka tirsan labada Aqal ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxaa ay shirka ku qabsadeen Hotel Jazeera e magaalada Muqdisho ,waxaan ay uga wada hadleen kulanka maalinta beri ah la filayo in Golaha baarlamaanka Federaalka uu la qaato Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Roble.
Xildhibaannada ka tirsan labada Aqal ee dowladda Federaalka Soomaaliya oo markii uu kulankooda soo dhamaaday la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in aysan marnaba aqbali dooni wax la yiraahdo mudo kordhin in loo sameeyo Madaxweyne Farmaajo iyo in Xukuumadu tahay oo kaliya mid xil gaarsiin ah sidda ku qoran Dastuurka Dowladda Federaalka ee Soomaaliya.
Dhinac kale Xildhibaano Katirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka dowaladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale ku dhawaaqay Kutlad la magac baxday Kutlada Badbaadada Qaranka, Gabagabdii ayaa Xildhibaannada ka tirsan labada Aqal ee dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku shiray Hotel Jazeera aay kulankooda ka soo saareen Warsaxafeed waxaan saxaafadda u akhriyey Xildhibaan Mahad Salaad.
A/cawaale
Halgan.net