Prof.Cabdi Ismail Shirka Baydhabo laguma Heshiin ee dadka Goballada Waqooyi ayaa loo heshiiyay.[Video]
February 18, 2021 - Written by EditorMuqdisho:-Gudoomiyaha Aqalka sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyo siyaasiyiin ka soo jeeda gobollada Waqooyi ayaa ka horyimid heshiis la sheegay in ay wada gaareen gudi farsamo oo ka kooban Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul gobolleedyada.
Prof. Cabdi Ismail Samatar oo ka mid ah aqoon yahanka aadka looga yaqaano dalka Soomaaliya uuna dhinac taagan yahay Gudoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi ayaa ugu baaqay shacabka Koonfurta Soomaaliya in ay la baadi goobaan xuquuqdii dadka reer Waqoyi ee ku sugan magaalada Muqdisho.
Prof. Cabdi Ismail Samatar oo ka hadlay banaanbax ka dhici doona magaalada Muqdisho ayaa ugu baaqy shacabka magaalada Muqdisho in ay joogteeyaan si loo hello xuquuqda ,musharaxiinta, Gobollada Waqooyi iyo Tan Qaranka ilaa iyo inta ninka buurta saarana uu u soo noqonayo Caqliga.
Prof:Cabdi Ismail Samatar oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in Shirka ka dhacay magaalada Baydhabo aan lagu heshiin balse loo heshiiyey dadka ka soo jeeda Goballada Waqooyi ee Soomaaliya.
Dhinac kale Gudoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa waxaaa uu sheegay in isaga iyo Madaxweyne Farmaajo ay Dastuurka Isku Qabteen.
A/cawaale
Halgan.net