Prof.Cabdi Ismail Hoolka Shirarka ee Jaamacadda Bariga Afrika kula hadlay ardayda.[Masawiro]
February 28, 2021 - Written by EditorGaroowe:-Waxaa caawa Hoolka shirarka ee Jaamacadda Bariga Afrika Faraceed Garoowe lagu qabtay hadal jeedin uu soo jeediyey Prof Cabdi Ismaaciil Samatar, oo ka mid aqoon yahanka inta badan ka hadla arrimaha Soomaaliya.
Kulankan caawa waxaa Daah furay Guddoomiye ku xigeenka Jaamacadda Bariga Afrika ee Garoowe soo dhaweyn ka dibna waxaa hadalka qaatay Prof.Cabdi Ismaaciil Samatar,oo ka hadlay ”Soomaaliya iyo Marxaladda Kala guurka ah” waxaan kulanka caawa oo aad u xiiso badnaa ka soo qayb galay Boqolaal arday ah oo ka tirsan Jaamacadda Bariga Afrika qaybteed Garoowe.
Waxaan idin la wadaagi doonaa dhawaan insha Allaahu Muqaal dhamaystiran iyo su’aalaha iyo Jawaabihii kala duwanaa ee ardaydu ay weydiiyeen Prof Cabdi Ismaaciil Samatar.
no images were found
Dhinaca kale Maamulka Jaamacadda Bariga Afrika oo uu ugu horeeyo guddoomiyaha Jaamacadda Sh.Maxamuud Xaaji Yusuf yaa galabta Jaamacadda kulan soo dhawayn ah kula qaatay Prof Cabdi Ismaaciil Samatar oo maanta Garoowe soo gaaray, ka dib casumaad ay Jaamacadda bariga afrika u dirtay Prof Cabdi Ismail Samatar.
no images were found
Xafiiska Warfaafinta
EAU Garoowe