Uur Doox Qaybtii 2-aad W/Q Shiikh Cabdiraxmaan Shiikh Cumar
December 26, 2011 - Written byWaxaan aad ugu mahad celinayaa dhammaan dadkii faallooyinka ,dhiiri gelinta iyo ducooyinka ii soo diray Allaha idinka abaalmariyo.Waxaan Allah ka magangalayaa in aan wax dulmiyo ama la i dulmiyo in aan sibxado ama la I sibxiyo ama aan lumo ama la I lumiyo (waa ducooyinkii nabiga scw).
Qormadii koowaad kaddib waxaa ii soo baxay in dad badan dhufays galeen oo leeyihiin wadaad xaggee wax marsiin doonaa nin walibana irridiisa ayuu qool wayn islataagay, mid difaaco xarakadiisa iyo mid difaaco kacaankii, mid uu hayo xanuunkii doowlad la’aanta iyo wixii la haysan jiray xilligii barisamaadka iyo sida sahlan ee ay nagu dhaaftay, mid diin la’aan difaacayo iwm. Intaas oo dhan waxaan u sheegayaa, waxaan wax ka qorayaa dhaqdhaqaaqa Islaamiga ah ee soomaaliya anigoo ka leh ujeedooyinka soo socda:
1- In aan nalwayn ku daaro taariikhda saxwada oo aan ku dhameeystay cimrigaygii intiisii badnayd.
2- In aan uga tago facyaalka soo socda dhaxal ay ka faa’iidaystaan si aan loogu dhicin khaladaadkii aan galnay.
3- In la ogaado waxa la gaaray iyo waxa dhiman si aan loo doondoonin wax la heeysto ama aan loo lumin wax la gaaray.
4- In dadbadan ay ogaadaan waxa ay soo qabteen Kana sugaan Allaah abaalmarinteeda.
Waxaan intaa raacinayaa in aan soo joogay laba qarni (qarnigii 20-aad ilaa kii 21-aad), laba doowladood iyo laabaatan sano oo dagaal sokeeya ah, diintana yaraantaydii ilaa maanta waan ku dhexjiray, afkayga iyo qalinkayga Allaah masoo marsiiyo aflagaaddo iyo gaf kooxeed iyo mid qofeed. Haddaan wax naqdiyo waxaan jeclahay in uu noqdo mid gar ah waxna dhisa.
Dadka faallooyinka qoro waxaan kula dardaarmayaa haddii aad saxwada ka midtahay oo aan isku da’ nahay waad fasaxantahay, ummada waxaad u reebayso soo dhowow, haddii kale sug inta laga gaarayo dhalashadaada , hana qaadkaaga ,waxbarashadaada, kadibna qiimayntaada.
Haddaad dagaalkii sokeeye bilawgiisii aad sexddex jir ahayd oo aad hadda 23 jir tahay, akhri wixii kaa horreeyey, kaddibna markaad aqoonteeda iyo khibradeeda yeelato wax qiimee oo taladaada ku darso geeddisocodka islamdoonka.
Waxbarashadii Somaaliya
Isticmaarkii ka hor iyo kaddib
Waxbarashada waa xaqa aasaasiga ah ee adaanaha, waana waxa kala duwa ummadaha habdhaqan kooda, siyaasadooda, dhaqaalahooda iyo sida ay u fakarayaan. Islaamka wuxuu ku billoowday akhri, taasoo ah in Islaamka oo dhan uu yahay waxbarasho sidaa darteed waxa soomaaliya soo gaaray culimadii cilmiga islaamka xambaarsanayd,waxayna aasaaseen xarumo waxbarasho oo ay kasoo baxaan arday sii xambaarta cilmiga. Xarumahaas waxay ku yaalleen magaalooyinka xeebaha iyo kuwa waaweeyn sida Zaylac mudisho ,harar,baraew, warshiikh iyo Galcusbo. Waxaa dhammaantood lagu baran jiray culuunta kala geddisan sida xifdiga quraanka,carabiga ,fiqiga iyo suugaanta carabiga. Sheekh yusuf Al-koownayn waa kii soo saaray alif wax ma leh, b hoos ku hale, t korkulabale. Halgankii sayid Maxamad Cabdulle Xasan dagaal kii ingriiska uu la galay waxay keentay in ingriiska ka mamnuuco in la furo iskuullada kiristaanka, laakin waxay billaabeen in ay furaan iskuullo hoose oo Calmaani ah, magaalooyinka Berbera,Zaylac, Bullixaar.
1920-kii wuxuu Ingriiska soo rogay cashuur laga qaado xoolaha si loo helo miisaaniyad looga dhiso magaalada burco lix iskuul oo hoose iyo hal iskuul oo dugsi dhexe ah. Mashruucii waxaa ku kacay dadweeynihii taasoo keentay in la dilo guddoomiyihii degmada ingriiska u fadhiyay sidaasna waxaa ku istaagay mashruucii. Arrintaa waxa hogaaminayay culimadii markaa joogtay. 1929-kii Ingriiska wuxuu keenay istraatijiyad cusub oo ah in sheekhyada loo ogolaado miisaaniyad ay ku furaan iskuullo gaar ah oo lagu barto quraanka carabiga xisaabta, akhrinta iyo qoraalka, waxaa kaloo miisaaniyad loo qoondeeyay in arday loo qaado Gordon College oo ku yaal Sudan, 5-tii arday ee ugu horreeysay ayaana galay
1933-dii Waxaa la aasaasay urur labaxay (SOMALILAND NATIONAL SOCIETY ) oo u ololaynayey in tacliinta casriga ah la qaato iyadoo ay wadaan dad Muslimiin ah, dagaalwaynihii adduunka ka hor, waqtigaa wixii kadambeeyey ingriiska wuxuu iskuullo ka furay Hargaysa,berbera ,burco waxaa taa lasocday idaacad iyo filimada socdo oo lagu xayeeysiinayo waxbarashada.
1944-tii guddoomihii waxbarashada wuxuu magacaabay hoggaamiyayaal diineed si ay uga mid noqdaan shaqaalaha waxbarashada iyo dadka wax ka dhigaya iskuullada si kalashakiga loo saaro.
1945-tii marka ahayd 400 oo arday ayaa dhiganaysay iskuullada mustacmaradda iyo 19 madraso oo quraanka lagu barto xisaabta iyo carabigana lagu dhigo.1950-tii laba iskuul oo dugsi dhexe ayaa furnaa ,qabanqaabada dugsi sarana waa la hayey.
Dhinaca koonfurta isticmaarkii Talyaaniga sidoo kale wuxuu yareeyay dacwadii kiristaameeynta isagoo ka baqay in lagu kaco wuxuuse fasaxay in la furo Catholic elementary schools.
1930-kii xukunkii fajistaha waa kalasoocnaayeen iskuullada ay wax ku bartaan Yurubiyaanka iyo kuwa caruurta dadka sar sare ee soomaalida ah ay wax ku bartaan. Waxaa aad loo hirgaliyay tacliinta calmaaniga ah mudadii xukunkii militariga ee ingriiska(1941-1950). Waxaa furmay 29 dugsi hoose oo ay dhigtaan 1600 oo arday, ayna dhigaan 45 macallin. Iskuulkii ugu horreeyay oo ay gabdho dhigtaan waxaa la furay 1949. Waxaa aad u muuqatay dadka iskuullada ka baxayey waxay ahaayeen dadkii ingriiska iyo talyaaniga boosaska sare ka haystay ilmahooda, waxaana loo diyaarinayey in jagooyin ka qabtaan dowladda isticmaarka ah ee xiligaas dadka gumaysanaysay.
Waqooyiga Soomaaliya wuxuu ingriisku u qoondeeyay waxbarashada 500 oo giniga Istarliinka ah, dhinaca waxbarashada hoose sanadka markuu ahaa 1939-kii, waxay mustacmaradda xog ku bixisay in 16 soomali ah oo kaliya ay heeystaan waxbarashada galbeedka ee 12 sano ah (Dugsi Sare) markay taariikhdu ahayd 1942-1955-tii waxaa 19-ka Iskuul ee hoose dhiganayey 1000 arday.
Xorriyadda markii la qaatay waqooyiga waxaa ku yiillay 38 iskuul ee hoose oo wiilasha ah iyo 3 iskuul oo gabdhaha ah. Tirada wiilasha dhigta waxay ahaayeen 2020 arday, gabdhahana 319, ogoow wiilasha iyo gabdhaha iskuuladooda waa kala soocnaayeen dhinaca waqooyiga wadanka.
12 iskuul oo ah dugsiga dhexe oo ay dhigtaan1039 iyo labo dugsi sare oo ay dhigtaan 70 wiil.
Waxa dibadda waxbarasho ugu maqnaa gaar ahaan ingiriiska 150 arday waxaana waqooyiga joogay 45 macallin. Koonfurta soomaaliya markii xorriyadda la qaatay waxaa jiray 100 iskuul oo isugu jiro hoose, dhexe iyo sare, ardada waxay gaarayeen16000 oo arday oo dhigta dugsiga hoose iyo2800 oo dhexe ah,782 sare. Macallimiinta waxay ahaayeen 470 waxaa heeystay shahaado buuxda 290 kaliya .
Xukunkii talyaaniga ee xorriyad gaarsiinta soomaliya loo xilsaaray wuxuu diyaariyey macaahid wax lagu barto sida machadka siyaasadda iyo maamulka (1950),machadka sare ee dhaqaalaha iyo sharciga (1954),iskuulka barashada islaamka,dugsiga magistaraale university institute oo isu bedeshay jaamacadda ummadda. Machadka barashada islaamka wuxuu soo saari jiray qaalliyaasha maxkamadaha madaniga ah. Ardada macaahidaa ka baxda waxaa waxbarasho sare loogu diri jiray waddan ka Talyaaniga. Dadkii waxbarashada u ololeeynaayey in si buuxdo loo raaco galbeedka, waxaa ka mid ahaa Mohamoud Ahmed Ali oo loo yaqaan aabaha waxbarashada waqooyiga, wuxuu aaminsanaa in ilmaha la gayn karo iskuul marka uu quraanka soo dhameeyo.
Ardada ka baxda iskuullada afka carabiga lagu dhigto waxay waxbarasho sare u aadi jireen jaamacadda Azhar, waxaa jiri jiray dugsiyada waxbarashada daka waaweeyn oo ay dhiganayeen ilaa 1900 oo arday. Waxaan taariikhda waxbarashada soomaaliya kaaga siinayaa fikir in uu kuu muuqdo sawirka dhaqdhaqaaqa islamiga ah ee soomaaliya oo kasoo dhexbaxay dabaqada ku jirtay wabarashada.
Waxaa kuu muuqda in isticmaarka markii lagasoo baxay tacliinta ay si fiican gacanta ugu dhigeen dadkii calmaaniyiinta ahaa iyo wadaadadii oo wata tacliintii Islaamiga ahayd, laakin ku oodan masaajidda waxna aan kulahayn hogaaminta nolosha iyo ku dhaqanka shareecada islaamka.
Waxaa dunida muslinka ka billaawaday dhaqdhqaaq ay horkacayaan dad culimo ah. Hindiya waxaa kasoo baxay jamaacal islaamiyah oo uu hogaaminayo Abu Acla Al-Mowduudi, isku manhajna ahaayeen ikhwaanka. Masar waxaa kasoo baxay Jamaacatul ikhwaanu Al-muslimiin, oo uu hogaaminayey Sh. Xasan Al-Bannaa, fikirkoodana ku fidiyey dunida Muslinka gaar ahaan dowladaha carabta, Ikhwaankii waxay samaysteen xisbi siyaasi ah iyo joornaal afkooda ku hadla lana dhihi jiray majallatu al-dacwah, halkudhiggoodu wuxuu ahaa; Islaamku waa Dacwadeena, Quraanku waa dastuurkeenna, Rasuulku waa midka aan ku dayanayno, Jihaadka waa jidkeenna ,yoolkeennu waa ilaahay, waxaan hiigsanayno waxaa ugu sarreeyo jidka allaah oo lagu shahiido.
Sheikh Xasan wuxuu isku duway rag mutacallimiin ah oo lix ah wuxuuu sheegay hadafkooda ah in ay soo celiyaan khilaafadii islaamka ee dhacaday 1920. Waxay billaabeen in ay Talaado kasta kulmaan, markii la ogaaday wadaadkii waxaa dilay si shirqool ah boqorkii waqtigaa Masar xukumayey Faaruuq, isagiina waa la inqilaabay, waxaa qabsaday masar golihii milateriga ee uu hogaaminayay Jamaal Cabdi Naasir. Sidoo kale Soomaalia waxaa soo gaarayey shanqaraha dunida muslimka, waqooyiga Soomaaliya waxaa ka billawday ururkii “waxdada”oo uu hogaaminayey Sh. Cabdulqaadir Xaaji Jaamac , isku manhajna ahaayeen Ikhwaanka.
Koofurta waxaa isu tagay koox arday ah oo tiibo talyaani ah oo uu horkacayo nin aad u caqli badan aadna u firfircoon kana yimid reer culimo ah, Sh. C/qaadir Sh. Maxamud, waxay aasaaseen xisbiga Islaamka, waqtigii dowladdii xorriyadda ee la ogolaa in la furto Axsaab si ay u tartamaan, xisbigaas oo hadafkiisu ahaa dhaqan galinta shareecada Islaamka, isku manhajna ahaayeen Ikhwaanka.
Waxay baran jireen diinta Islaamka, ardayda iskuulada dhigata oo aad diinta uga fogaana, waxay ugu yeerijireen barasha Diinta Islaamka iyo ku dhaqankeeda. Waxaan soo gaaray 1967-69 waxay ahayd wax lala yaabo, qof tacliin maadi ah dhigto xadaarada reer galbeedka oo markaas caalamka saydaray naysay ka biyo cabbay, in uu diin ugu yeedho dadka, gaar ahaan kuwa Iskuulada dhigta.
Waxay tagi jireen fasallada markaasay wacdin jireen, waxaa dhashay kacaankii 21-kii Oktoober, waxaa kula wareegay inqilaab aan dhiig ku daadan taladii wadanka xukuumaddii milatariga ahayd ee uu hogaaminayey Genaral Maxamed Siyaad Barre ,wax isu imaad ah waa la diiday waxay kooxdii Xisbiga Islaamka billaabeen in ay hoos isugu xirnaadaan,hoosna u shiraan hoosna ardada u uruursadaan,
Waa inoo qormada soo socota insha allaah.
Qore: Sheikh Cabdiraxman Sheikh Cumar
Archives |
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
English Article
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Somali Links
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Fatwa Online
|
33 Comments so far
Leave a comment
asalaamu aleykum shiikhuna Cabdiraxman Sheikh Cumar Alhamdulillaah marka hore Allihii kugaradsiiyey in aad noo soo gudbisid xaalada Diineed ee uu wadanka soomaray aad ayaana kuugu hanbalyeynayaa waadna mahadsadntahay sheekheyga.
sheekh waad baa looga faa’idaysato Illahay miisaanka xasanaadka hakuugu daro
A/C!
Sheekh waad mahadsantahay, Qormadaadu runtii aniga iyo dad badanba xiiso iyo muhiimad ayay u leedahay. Waan dherersanayay maalmaahaan oo dhan, waxaan islahaa; War tolow sh C/raxman ma sidii caadada noo ahayd haddaan nahay reer Qabyo (soomaali) buu hawshii ka qashdhacay? mise mawjadaha aduun baa hawl kale ku fiigay? Tuhunkaygii meeshaad ka sartay! Waxaad ku kalsoonaataa inaan qorshaheena asbuuca iyo jidwalkeena ku darsano akhrinta asbuuc kasta maqaalkaaga wanaagga iyo huftnaantu maashaysay. Waxa kaliyo marmar calooshu ila walwashaa isla markaasna iidiidaysa inaan xogtaada ama cuskado ama qoraaladayda uga faaiidaysto waxa ay tahay iyadii oo ka madaxbanaan raadraac iyo rug xigasho. AkramakaAllaha suurto-gal haday noqonlahayd inaad qoraalkaaga qiimaha leh ku xoojisid goobta xigasho si aan annaguna uga faaiiidaysano.
asc allah xifdiyo sheekheena khayrna alaha ka siiyo macluumaadka uu inoo soo gudbiyay wxaa cajiiba dacwo rag waqtigoodii usoo lumiyay in maanta wiila yar yar ku ciyaaraan oo dadkii somaliyeed culumada nacsiyaan diintaan alle ayaa iska leh asagaana xafida su al sheekhu markuu ka sheekanayay nimankii dacwad koonfurta ka bilaabay waxaa hormuud u ahaa sh cabdiqadir sh maxud nin aan syri ku arkay ayaan moodaye oo aad aftafan meel uu fadhiyana aan cid ka hadal qof kasta afkiisa fiiriyo labadaas magac ayuu lahaa marka waxaa is iri ma asgaa qofkii ninkaas yaqaan wax bilaabay inuu nool yahay iyo inuu nin kale yahay oo cadeeya
Sh C/raxman Allah xafida runtii umadda rageda fara ku tiriska ah buu ku jiraa
walaalaha waa salaamanyihiin, amaantu waa fiicantahay laakiin hadii xadkeeda la dhaafiyo wey xumaataa ,qofkuna jarbey ka tuurtaa, waxaan in filayaa inaan la gaarin waqtigii la amaani lahaa ama wax laga sheegi lahaa qoraaga , wuxuu marayaa talaabadii hore ee suga inta uu ka dhameynayo . tan kale walaala webka waxaan oran lahaa wixii dhaliil ah ee aan aflagaado la socon soo daaya oo ha qarinina oo waxay dan u tahay qoraaga iyo akhristayaasha . mahadsanidiin
acw adbaan usalamaya shiikha qorlaalkaan tariiqiga ah ee aad soo wadid in aad soo gudbiso oo aad uwada sugeyno waxyna iso xusuusisay barnaamij ka baxa aljaziirsa ee layiraahday shaahidu calacasri oo mar la wareysatay nin ka danbeyey ragii lasoo caasiray sh.xasunulbinaa oo aan aad ugu texnaa wareysigiisa taariikh badna ka shekeeyay dadb badna ka faa ideysteen iyado sidaan ognahay wax badan laga qoray tariikhdaa oo dadka reer masar yahiin dad ku dheer diwaan gilinta dhacdooyinka hadana aad ugu farxsanahay in aan soo gaarney herrkii aay 40jirsatay saxwada somaliyo loona baahanyahay in la qoro tariikhteeda raga lacaasiray ay wax ka qoraan iyadoon loo egeyn jameeco iyo qolo ee lasoo ban dhigayo malfkaa tariikhiga ah si ay u noqoto wax dhaxal gal oo ay ka faa ideystaan jilalka soo korayo waxaa modaa in qoraalkagaan wax badan kaga duwen yahay kan kale ee mooda in lagula qorayo marka ka faaideyso mudaqlaadka raga kale waxa kalo ficnaan laheyd labda shiikh aad soo xustay waqooyiga iyo kofurta somaliya ka bilaabay saxwadan hadaad wareysi la yeelin kartid oo aad la xriri kartid hadey wada nool yahiin ee ay jogaan hada waa ficanaan leyed qiimo ayay usii yeeli laheyed qoraalka oo dhinacayo badan taabanaayo waxbadana waa sii ifimin laheyed sidaan filayo
scw Barashada cilmiga Tariikhda,ee dib lo akhriya waxay ku dhaxalsisa in aad ogato wixi wanag ahaa ee la somaray, dadki naso garsiyey dhibkey u soo mareen aad ogataa kuna socota waadoodi,iyo in aad garato shaqsiyadkii waligood la shaqeynayey ,dowladihii isticmarka nagu soo duulay sharaftena iyo madaxbananidenii noo diday. sh A/rahman alaha ka abal mariyo tariikhda nala socodsiyey. Anigana sababihii dhaliyey burburkeena madiyan iyo iqtisadiyan(dhaqala ahanba). oo Tarikhi ah qarnigii 19nad,ayan idin hayaa waad ila soo xiriri kartan insha Allah
scw
ku siyaadin sixid khalad yar
salaankadib,runtii waa qorme taariikhi ah aad looga faa iidi doona.
waxaa soojeedinlahaa in magaca labadalo lagana dhigo:(taariikh baraaruga islaamka ee soomaaliya ama isbadaladii saxwada soomaaliya)
sidookale waxay noqon bookk loo aayo noqda marjica saxwada soomaaliya
oo aan hada lahayn maraajic badan.
hadaba sheekhanaa intaa ayaan kudari lahaa
scw
salaankadib,runtii waa qorme taariikhi ah aad looga faa iidi doona.
waxaa soojeedinlahaa in magaca labadalo lagana dhigo:(taariikh baraaruga islaamka ee soomaaliya isbadaladii saxwada soomaaliya)
sidookale waxay noqon bookk loo aayo noqda marjica saxwada soomaaliya
oo aan hada lahayn maraajic badan.
hadaba sheekhanaa intaa ayaan kudari lahaa
asc sheakh cabdirahman jazakallah. kheyr. sheakh waxaan kaa codsanayaaa aniga iyo walaala badan in aad book ka dhigtidh qormadaan siday wax ku ool u noqoto. waxaan ku xasuusinayaa shekheenii sh dr axmed abdiraxman. raxmatullahi calayhi dar daaran uuu ka tagay. inuu yiri saxwada tariikh halaga qoro siday ugu noqoto, wax laga qaato…. jiilalaka soo socdo ayay anfaceesaa watanaa maxaadaradii uu ka galay .(sheakh dr.axmed xaaji cabdiramaan islaamiyiinta somaliya waxqabadka iyo khaladaadka.) youtubeka ayee ku jirtaa http://www.youtube.com/watch?v=GDEHVFMW7bU
shaykhanaa al-faadil qormadaada uur doox waxaan kusugaynay bi faariq al-sabri markaan indhaha kudhuftay uur doox qaybtii labaad waxaan ufariistay si hal haleel kujiro waxayna iga dhamaatay anoo wali siifiirin alahayoow barakee carabkaaga & qalinkaagaba .
shaykhanaa waxaan kudari fikirkayga walaalaha soojeediyay in la uruuriyo uur doox buugna loobadalo
sheekh C/raxmaan wuxuu ka mid yahay shakhsiyaadka naadirka ah ee taariikh dhab ah oo lagu kalsoon yahay ka haya saxwada islaamiga ah ee soomaaliya ,inkasta oo dad badan oo gaalo iyo islaamba leh ay qalinka u qaateen inay wax ka sheegaan taariikhdaas aadka loogu baahan yahay waxaan aaminsanahy in silsilada sheekh c/raxmaan ay marjic loogu noqdo wixii ku saab san saxwada soomaaliya nonqon doonto maxaa yeelay wuxuu ahaa ( Goob joog )
talo sheekha ku socota:
1- waxaan sheekha u soo jeedinayaa in aanu kala go,yn juhdigan aadka loogu baahanyahay
2- in uu xidhiidh la sameeya culimada iyo shakhsiyaadka kale ee ka soo qayb qaatay masiiradan barakaysana inta nool si wixii macluumaad calooshooda ku duugan ay sheekha ugu xoojiyaan
3- waxaan sheekha ka codsanayaa in uu si gaar ah u dul istaago buugta laga qoray saxwada soomaaliya khaladaadka taariikhiga ah ee ku jirana u saxo mawduuc walba meeshiisa
4- maadaama ay jiri karaan qaar ka mid ah da,yarta inaany sheekh aqoon badan u lahayn waxaan codsan lahaa in hal qormo uu kaga hadlo taariikhdiisii si cid waliba u ogaato dadkii ehelka u ahaa mawduucan inay ka hadlaan ay qalinka u qaateen oo beeno badani buri doonaan.
mahadsanidin
Asallaamu Calaykum
Jazaakalaahu khayran Allaah ha xifdiyo Sheikh Allaahna ha u denbi dhaafo waxaa cad in uu diinta ku ciraystay illaa hadana uu u taaganyahay adeega diinta ale iyo u shaeenteeda,waxaase cajiib ah hadii culimadaa la dhinaca ordaayo oo aan argno in la dhuminaayo qadarintii ay mushtamaca ku lahayeen iyo cilmiga farha badan ay xambaarsan yihiin lana doonaayo in umadaan cid kale la wareegto inaga maxaa inoo lato ah waa su’aal naftayda iyo mushatamaca ku socta???
Marka hore saad mahadsanid.gasconade aad soo xustay waa mid soo jirtay laakiin .waa qorantahY.waxaan sugeenaa midii aad ka ahead dugongs Ee itaxaad AMA hada loo yaqAANO ictisaam iyo waxy soo baleen dagaalDii sokeeye
asc wr.
Ayaan ayaan u yeeshay inaan dugsi sare ku dhamaysto somaliya laakiin ma noqon inaan xogtan faah faahsan oo kale ogaaado siday u qoran tahayna waxaa ka muuqda inuu qoray qof wax badan ka og ayna ka muuqato inuu taariikh badan inuu sheego u ararsanayo sh c.raxman oon muddo dheer aqaaannay marna iguma soo dhicin inuu xog intaa le’eg hayo,ujeeddadaydu waxay tahay inaan marka hore iraahdo shekha ilaahay ayaa abaablkiina gudi karee annagu waxaan idin leeenahay JAZAKUMULAHU CANNA WACANIL ISLAMI KHAYRAA sababtuna waxay tahay rasuulkeenaa na yiri scw qofkiii khayr idiin sameeya fakaafi’uuhu.marka labaadna inaan inaan taageero walaalaha buuga codsaday oo shiikhana xusuusiyo dhaxal ahaan waxaa ku fiican buug qoran oo la daabaco insha allah haddii wakhtiga iyo duruftu saamaxdo.
mar labaad shiikh c/raxman ilaaahay fardowsa ha kugu abaal mariyo wsc wr
Jazakallaahu khayranjazaah usdaadunaa sh.c/rahma sh. cumar Allah haku xifdiyo adiyo ehelkaaga aad baan ugu baah nayn inaad noo iftiimaysay waqti naga dabolnaa jiilkeena iyo kiwa kadanbeeya insha allaah buug ayaad kadhigidoontaa mustaqbalka
Assalaamu calaykum w.w.
Sheekheenna sheekh C/raxmaan Ilaahay jazihiisa ha wanaajiyo, illin baa igu soo istaagtay markaan akhriyay arartaada culimannimadu ka muuqato, aad ayaanan uga faa’iiday taariikhaha iyo arqaamta xog ogaalnimada iyo mudaalaco sarreyntu ka muuqato.
Ilaahay cumrigaaga iyo cilmigaagaba ha noo barakeeyo, faa’iidana ha naga dhaxalsiiyo adigana ha kugu anfaco labada daaroodba.
Waxaan kaa codsanayaa in aad qoraalkan waddid ilaa aad ka keeneysid kursiga aad fadhidid idanka Ilaahay, waayo waa keyd ay xaq ku leeyihiin in ay ka quutaan dadka aan nasiibka u yeelan in ay xilliyadaa aad ka sheekeyneyso noolaadaan, haddii ay noolaayeenna aanan waqtigooda, maskaxdooda iyo awooddooda ugu adeegin diintan Alle ee dad badani ka qarsoon tahay juhdigii loo soo bixiyay iyo wixii dhibaato laga soo maray inay iyaga soo gaadho iyagoon dhibaato ka mudan. Wallaahul-mustacaan
mar kale qofkaan dadka mahadin Alle ma mahadiyo ayaa xadiiskii ahaaye Sheekh waad mahadsan tahay ee Ilaahay jazahaaga janno ha ka dhigo, annana ha noola kaa raxariisto, hana na hanuuniyo. aamiin aamiin aamiin.
Jazaka lahaah sheekh abdirahmaan, waxaan filayaa qoraaladaadu inay noo badali doonaan qoraalo ay qoreen dad aan waxbadan taariikhda kal socon islamarkaana waliba kudarsaday been abuurad, waa qoraaladdi lamagacbaxay MASOO GAADHAY GAAL IYO WADAAD GAAR UWADDA TAAGAN oo in muddo ahba lagu soo qori jirey websiteyo taaageersan shabaabka, marka aadbaan ugu baahnay arintaan
Asalaamu Calaykum akhuunaa, Sheykhanaa Sh.C/raxmaan Sh.Cumar Allaah hakaa abaal mariyo dadaalka aad ugu jirto in da’yarta Soomaaliyeed inaad u bidhaamiso sooyaalka taariikhdeen ee saxwada barakaysan oo aad ka mid tahay culimadii lasoo jaan qaaday. Fadiilatu Sheykh, ku sabra dadaalka iyo juhdiga aad wadaan,Ilaahayna ha xifdiyo adiga iyo culimadeena tirada badan ee u taagan inay dadkooda ku hagaan manhajkii toosnaa ee salafu saalix. Allaah Waxaan ku weydiisanayaa fii asmaa’ihil xusnaa wasifaatihil culyaa inuu Culimada noo xifdiyo, cilmigoodana nagu anfaco ,nagana dhigo kuwo qadarka ay leeyihiin garta, kuwa dhibka la doonayana Ilaahay soo hanuuniyo,haduusan hanuun la doonina shartooda naga kaafiyo, aamiin yaa rabal caalamiin,wa aakhiru dacwaanaa anil xamdulillaahi rabil caalamiin, wasalallaahu calaanabiyinaa muxammad.
asc sh. abdirahman jazakalaahu kheeyrul jazaa. sh. waxaan kaa codsanayaa in aad soo raacisid qoraalkaaga meesha aad kakeentay statics kaan numbers ka ah please i will also request to site all the sources you get this massage or this information. We all have to respect our difference
Jazakalaahu kheyr
Mashaa Allah sh abdirahman ilaahay ha kuu barakeeyo cilmigaga iyo aqoontaada
Jazaka allah khyran,sheekh cabdiraxman wa qoromo in lakaydiyo mudan. Dad ba waxay u qabaan in saxwado somaliya kusoo gaartay rizaalo ay qoreen al maqdaasi iyo abuu qataata. Wax wax aqriya.
allaha kugu daro miisaanka xasanaadkka taariikh hufan ayaa hawada noo soo marisay inta dhimanaya waan kaa sugaynaa hadii alle idmo
a/w/w/
sheikh c/raxman jazaakalaah ilaah hakaa ajersiiyo run ahaantii dacwada faafinteeda waxbadan ayaad usoo taagneed hadana waad wadaa
anigu waxaan kuraac sanahay in aad buug ladaabaco kadhigto iyada oon filayo in badan oo muhiim ah in ay noo harsantahay hadana bilaabka ayaa na anfacay sidoo kale waxaaba is leeyahay soomaalidu waxbey dhageysataa wax ma akhrido malha mustahbalka cod in luugu gudbiyo ayaa fiican
w/jz
w/w/w
illahay ha kaa abalmaryo juhdigaaga aad ummadda u haysid har iyo habeen sheekha isga iyo raga la siman waxaan oran lahaa inaad kaasheatan sabir oo aydan uga cararin xilkiina waxmagarad aan kala garanayn dal iyo diin waxay muujinasaa taarikhdaa aad qortay waayo aragnimada iyo xilkisnimadad sidaa,waan waxa ugu yar ee haboon in lagugu tixgaliyo shekhow waxaad musuul ka tahiin wadan u burburay ldhanac kasta taariikh ahaan diin ahaan akhlaaq ahaan mordhowna layswadiin doon jirtaankiisa haddii uu sidaas ku sii soco marka nin lagu seexdow ha seexan illahay ka suga xaqa aad leedihiin
Jazaakalaah Sh C/raxmaan aad baa loogu baahnaa taariikhda saxwada Soomaaliya in la qoro oo dhalinyarada ay la socdaan, si aan loo marinhabaabin majaraheeda.
Ma’shaAllah Sh Abdirahman alla ha xifdiyo, raga culimada isku dhererinayana waxaan kula talin lahaa in ay taariikda ka qaataan culimadeena mudada soo joogtay waayo aragana u ah arimaha soomaliya iyo diinteedaba.
Wasalaamu Calaykum
shekh jazakalaahu khayran waxana ka co sanaynaa in ad daabac do oo aad dhamaystirto si aan oo ga faa iidaaysano marxalooyinka taclinta ay soo martay soo maaliya \\ shugran shekhanaa arjuuka khayran inshaa alaah
Jazakallaahu khayr shekh C/raxaman aad ayaan ugu mahadsan tahay in aad taariikh aad loogu baahnaa noo soo gudbiso. waxaanse kugu dari lahaa in aad buug ka qorto oo ay noqoto wax jiilasha hadda iyo kuwa dambeba akhristaan. kana faidaystaan taariikhdii la soo maray.
jazaka allah sh abdiraman walal waa arin muhiim ah mesha kawad uur doox
shukran jaziilan allah yaxfatka.
jazaakumulah khayral jazaa al sheekh cabdiraxmaan tariikh dheer oo aan waxab ka ogayan baad noo sheegatay tankale waxaan kula talin laha dhalinyarda save laboodka ah in ay cilmiga kaqataan culimada goobjooga kasoo ahayd saxwadii ama fiditaan ki diinta alaha wuxuu kuyiri kitaabkiisa {فَاسْأَلُوا أَهْلَ الذِّكْرِ إِنْ كُنْتُمْ لَا تَعْلَمُونَ}marka wax ka barta culimada oo wax akhriya markaas khaldaka iyo saxda idinka oganayee soomaliyey ilah halga baqo oo culimada iskadayaa alaah kabqa ilahay hana wada sugo dariqa toosana ha noo muujiyo