Abu Muscab: “Waan Sii kordhin Doonaa Qaraxyada ka dhaca Muqdisho

December 1, 2011 - Written by

Muqdisho:-Afhayeenka hawlgalada ee Al shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab ayaa sheegay in ay kordhin doonaan weerarada iyo qaraxyada ay la eegtaan ciidamada DFKM iyo kuwa AMISOM kuwaas oo ka dhaca magaalada Muqdisho .

Sheekh C/casiis Abuu Muscab ayaa Sidoo kale sheegay in ay magaalada Muqdisho ka fulin doonaan dilal qorsheysan oo ku wajahan madaxda iyo saraakiisha ciidanka AMISOM iyo kuwa DFKM .

Sheekh C/casiis Abuu Muscab ayaa ugu baaqay in shacabka magaalada Muqdisho ay ka fogaadaan xarumaha DFKM iyo kuwa AMISOM si aysan dhib u gaarin waxaana uu cadeeyey in Ururka Al-Shabaab ay aqbali doonin sii joogitaanka ciidamada AMISOM iyo wax ka duwan Shareecada Islaamka.

Qaraxyadii ugu danbeeyey ee ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu khasaaro u geystay dadka rayidka ah, waxaana ugu dambeeyey qaraxii shalay ka dhacay xaafadda Suuq Liif ee degmada Dharkeynlay kaas oo ay ku dhinteen  7-qof oo rayid ah.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2011
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online