Ciidanka Amaanka ee magaalada Gaalkacyo oo Toogtay Nin Watay Waxyaabaha Qarxa

December 17, 2011 - Written by

Gaalkacyo:-Ciidamada Amaanka ee magaalada Gaalkacyo ayaa maanta markii ugu horeysay toogasho ku dilay  Nin ku hubaysnaa Bistoolad iyo ugu yaraan 3Bambaanooyinka gacanta laga tuuro ah ninka ayaa ka soo baxayey  xerada Barakacayaasha ee Halabookhad oo ku taala Duleedka magaalada Gaalkacyo.

Saraakiisha ciidanka Booliska ee magaalada Gaalkacyo ayaa xaqiijiyey in uu dhaawac soo gaaray mid ka mid ah askarta Booliska ka dib markii uu xabad ku riday ninkii watay walxaha qarxa  waxay sidoo kale sheegeen in ay qabteen laba qof oo kale oo laga shakisan yahay.

Taliyaha Ciidanka booliska Gobalka Mudug G/sare Cabdirashid cadceed geele ( Dhey lo-aad) Ayaa saxaafada u sheegay  in ninka laga shakiyay uu watay boorso ay ku jireen 3 bunbo oo ah nooca 36da iyo baskoolad nooca ay soomalidu u taqaan dhaba nacasta waxaana uu sheegay G/sare Cabdirashid cadceed geele  in la toogtay ninka markuu diiday in uu istaago.

Isbitaalka magaalada Gaalkacyo ayaa la geeyey meyda ninka ay toogteen ciidamada amaanka ee magaalada Gaalkacyo waxaana soo buuxiyey Istibaalka dadweyne raba in ay ogaadaan cida uu yahay ninka la toogtay .

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2011
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online