Culumadu dilkii Sh.Dr Axmed Xaaji maxay Al-shabaab dusha uga saareen.?

December 24, 2011 - Written by

Sheekha waxaa la diley markii uu ka soo baxay salaadda subax, culumaduna waxay kaga dhawaaqeen qabuuraha salaaddii duhur ka dib in xarakada Alshabaab ka dambaysey dilkii Sheekha. Waxaana hubaal ah in aysan culumadu goobta sheekha lagu dilay joogin, ninkii la socday sheekha markii la dilayna wuxuu sheegay in ay ahaayeen labo nin oo aanu midna garanayn.

 

Qur’aanka iyo xadiiskana waxaa la ina ku amary in aynu ka dheeraano malaha badankiisa; waayo malaha qaarki waa dambi.  Haddaba waxaa isweydiin leh culumadu maxay u cuskadeen eedda ay dusha ka saareen xarakada Alshabaab iyaga oo aan fursad u helin inay arrinta baaritaan ku sameeyaan?. Markii aan u kuurgalay waxa culumadu eedayntooda u cuskadeen waxaa ii soo baxay arrimahaan:

 

  1. “Malaha badankiisa ka dheraada; waayo malaha qaarki waa dambi” waxaa ku cad in uu jiro male aan dambi ahayn, waana kan cuskan labo arrimood ama midkood: in ay jiraan calaamado muujinaya in qofkaasi dambiga lagu tuhmay uu sameeyay iyo in qofkaasi leeyahay sooyaal dambiilenimo (qof xun oo falkaani caado u yahay ama ka suuroobo).

 

  1. Culumadu waxay hayeen calaamado badan oo muujinaya in xarakada Alshabaab ay sheekha dishay, waxaana ka mida:

a)     In Alshabaab iyo taageerayaashoodu mudaba ay culumada ku wadeen dicaayado cismada lagaga qaadayo (dhiigooda lagu banaysanayo), sida: culamaa’usuu’, taageerayaal cadaw, jihaad diid, shareeca diid, taangiga gaalada ayay ku gabbanayaan iwm, iyaga oo dicaayadahaas ku qoray buugaag, kana sheegay masaajida iyo saxaafadoodaba.

b)    In culumadoodu fatwoodeen, kuna taliyeen laynta culumada.

c)     In ay hanjabaado guud u jeediyeen culumada

d)    In ay hanjabaado gaara u soo direen sheekha la dilay, sida: E-mail, massage iyo telefon.

e)     Markii uu dhamaaday shirkii Baydhabo ee laga sheegay in culumada Ictisaam ka daranyihiin gaalada iyo dilka sheekha waxaa u dhexeeyey maalin ama labo.

f)      In sheekha rag saaxiibadiis ah (oo isugu jira kuwo xarakada shabaab ka tirsan iyo kuwo ka agdhow) u sheegeen in Alshabaab ay dilayaan, ayna kula taliyeen inuu dalka si degdeg ah uga boxo.

g)     Inuu maalmihii noloshiisa ugu dambeeyay sheegay in uu culays badan ka dareemayo nimankaas, markii dalka ka bax lagu la taliyeyna uu ku jawaabay: mabda’a aan xambaarsanahay sidaas uga ma cararai karno, waqtigaygana dhaafi maayo.

h)    In ay ka muuqatey Diktoorka inuu u diyaargaroobay in la dilayo, muxaadarooyinkii ugu dambeeyay ee uu jeediyeyna kama marnayn dardaaran uu ummadda uga tagayey.

 

  1. Sooyaalka Alshabaab wuxuu xoojinayaa tuhmada inay falkaan ka dambeeyeen; waayo dhaqan bay u ahayd inay fuliyaan, kuna faanaan falkaan oo kale iyo kuwo ka daranba.

 

  1. Waxaa kale oo sii xoojinaya labadaas arrimood habka faldambiyeedku u dhacay oo farta ku fiiqaya Alshabaab. Eeg xilliga sheekha la dilay (isaga oo salaad subax ka so baxay), goobta lagu dilay (masjidka hortiisa), qalabka lagu dilay (bastolado), dadka dilay (dhallinyaro tababaran) iyo habka loo dilay (toogasho wadnaha ah iyo dhibibtir madaxa iyo wajiga ah)!.

 

Haddaba arrimahaani waxay caddaynayaan hadalka culumadu in aanu ahayn “ul mugdi ku tuur” ee uu ku qotomay waxyaabo la taaban karo oo u baahan dhammaystir kaliya. Ilaahay waxaan ka baryaynaa in uu ummadda u muujiyo kuwii shirqoolka sameeyey iyo kuwii fuliyeyba, uuna ciqaab adduun oo cibro noqota deg deg u mariyo, tan aakhirana u laalaabo, qof muslim ah oo sheekha ka dambeeyana uusan ku sallidin.

W/Q Sh Axmed Cabdisamad
Halgan.net

23 Comments so far

Leave a comment

  1. As wr

    Shiikh Axmed Illaahay khayr ha ka siiyo qormadaa qiimaha badan, sidii aan horay uga baranay miisaanka xasanaadkana allah ha ugu daro Aamiin Aamiin.
    Dr Axmed xaaji Allaah qabriga ha unuuriyo janatul firdowsna hageeyo Aaamiin

  2. ani madhahaayi kuwaas ayaa dilay iyo madilin lkn waxaanu leeyahay ilaah masiibo haku silido intii dishay oo dhan aduunyo iyo aakhiba

  3. ascwaleykum warax matulahi wabarakatuhu waxan akhristay maqalka dheer ee alle ha ka abal mariyo shikh axmad c.samad wax an leyahay jisakalahu khayran tan kale hota wa run arintan wa cadahay wana dilen niman kasu al shabaab lagushagay kuwas magacodu wa alshiqi ama wa xawarijiyiin waxan leyahay horta dr axmed xaji abdirahman abihii iyo hormodki cilmiga ayu ah ee illahay ha ugu bisharayo beeraha janada iyo webiyasha kitaabkisana midigta ha uga dhiibo taas na wa u helaya shaki ku majiro in usan heleyn waayo wa shaqaysta jicsin ama sahaydisi wa qatay waxa kan wa aduun illahayna ku geystay dilka iyo kuw soshirqolay iyo wax kasta ama qofkasta oo geystey dilkas aduunka alle ha ku ciriiryo akhirona alle ha cadabo illahayna fadexadoda anaga oo adunka ku nool ah natuso kuwas tan kale meshan sida walaalkay u yiri dadka leh alshabab kama damayn waxan fekredas laqaba nin kan walaalekan oo soqoray wa runtis dad kas wa labo mid ama wa kuwa camiyaa ah oo an adunka wax ka ogeyn ama wa kuwa dhunsan oo racsan waxakan iyaguba dhunsan oo leh diin ayan haysana hadana dhiga islamka banaysanayaa meeshi u xaranta ka ah xalaalaystay marka waxan ka codsanaya shikh axamed c.samad war kasta oo kaso cusbanada nalaso socod sii inasha allahu

  4. Raabigeeyoow Gaalada ku soo duushay Shareecadaada ku dhaqankeeda ee ka hana qaaday Soomaaliya 2006 dii illaa hadana ku sugan Caasumadeenii muqdisho oo hadana ay Yahuudii sheegtay in ay garab istaageeso gaalada Kenyatiga iyo cidwalboo taageersan gaaladas Hallaaji oo burburi AAMIIN AAMIIN AAMIIN gAALADAAS IYO Kuwa la safan ee qaybta ka ah dagaalka lagula jiro Muslimiinta soomaaliyeed iyo ku dhaqanka Kutubkaada iyo amniga iyo kala danbaynta lagu helay ku dhaqanka Kutubkaad noo soo dajisay. Illaahoow u gargaar Muslimiinta soomaaliyeed ee cadawgaada Gaalada ah Jihaadka kula jira oo alloow ka yeel kuwo dhulka u hara oo ka guulaysta gaalada iyo gaalaraacyada AAMIIN AAMIIN AMIIN AAMIIN.

  5. Sh.Axmed Alle ha u naxariisto, gadaashiisna ha na sugo, dhiigiisana ummadda Soomaaliyeed baraarug dhanka xaqqa ah ha uga dhigo.

    Khayr badan Alle ha siiyo Sh. Axmed c/samad, waa xog ogaal dhexdhexaad ah oo qiimayntiisa iyo hadalkiisaba miisaan looga bartay. Waa xigaalo wax badan oo inaga qarsoon la socda ‘ wax walboo la ogyahayna lama sheego’ oo inta uu inoo kor maray ayaa ka badan ayaan is leeyahay.

    Sadix qolaba waxbaan oran lahaa:
    1- Tolka iyo qaraabada sheekha: Alle ha idinka cawil siiyo musiibadeena, guri kasta oo Soomaaliyeed ayaa laga dareemaye. Xaqqa aad u leedihiin inaad qisaasataan cidii sheekha dishay ha ku xad gudbina. Ha yeelina in aad baartaan nin isagii la miisaan ah oo aad u dishaane, intii danbiga gashay raadsha. intooda kale ka dalba inay is bari yeelaan intaydnaan soo gaarin.
    2- Culimada shabaab ama raacsan ama lagu dhex haysto: Xaqqa ha uga biqina mid idinku eedaynaya ama idinka quwwad badane ama intaad is abaabushaan xaqqa cadeeya oo iska dhacsha kooxaha isku xiran ee xaq darada abaabula ama fuliya. Ama ka carara oo is bari’ yeela. Hadii kale gaaska suga way idiin imaane.
    3- Culimada is ilaashaan oran lahaa, kuwo idiin ciil cunay ayaa iyana fursadda ka faa’iidaysan kara ee ha iska ilaalinina shabaab kaliya ee is jira, Xaqana dhan kasta ka cadeeya oo sii sadix jibaara dadaalkiina dhan kasta ku aadan.
    Sh. Axmed khayr allah ha siiyo, xana noo xifdiyo.

  6. Asalamu calaykum

    walalayaal Hadalka sheikh Axmed xafidahullaahu waa cadyahay, wuxuuna keenaAY adaillo cadcad oo cadaynaysa Cidda dishay Sh. Dr axmed xaaji C/raxmaan raximahullaahu raxmatan waasicatan, waxaa wax aad loola yaaba ah dadka wali ay arintani mugdiga kaga jirto waxaan qabaa dadkaasu sida uu u sheegay walaalaha tacliiqa qoray mid kamid ah inay yiuhiin laba miduun, dad khayr jecel laakiin aan wax badan kala socon dhaqanka iyo taariikhda foosha xun ee al=shabaab oo ku dagmay shicaaraadka beenta ah ee ay dadka khayrka jecel ee caamada ah iyo da’ yarta aan lahayn cilmi iyo caqli k,u filan ku sabanayaan, qolada labaad ee shakiga gelinaysa in shabaab dilay Sh. Dr axmed xaaji waa qolo iyaga inxiraafsan oo shabaabka si indha la’aan ah u taageersan.

    anugu waxaan aad u taageersanahay walaalka cabdi cabdullahi ra’yigiisa ah in shekh xasaan lala xisaabtao oo waliba ehelada sheekha ay ka dalbadaan inuu keeno cidda dishay sheekha ee uu sheegayo ama uu meel ku sheego, arintaasna ma ahan arrin fudud sidoo kale ehelada dadka uu sheegay inay sheekha dileen laftoodu inay is beri yeelaan waa muhiim jiddan

  7. ACWRWB,

    Jazaahullahu khayran Shiikha maqaalka qoray, laakiin anigu waxaan hadda ka horna soo jeediyay haddana ku celinayaa ninka la yiraahdo Sh Xasaan oo yiri “waa aqaan nimanka dilay Shiikh Axmed” in la dacweeyo si loo baaro. Ninkani wuxuu sameeyay qiraal, haddii jariimad dhacday qof yiraahdo wax baan ka ogahay soo maaha in ugu yaraan la waraysto? Mise qalad baan fahmay? Waxaan ka codsanayaa ikhyaarta halkaan wax ku qorta inay ii sharxaan waxaan Sh Xasaan loo dacwaynayn? Codkiisii baa duuban oo waa markhaati ma doonto! Xaqqa Allaah hayna waafajiyo.

  8. acww
    Sh.Axmed si habaysan ayaad u soo bandhigtay rayigaaga, waadna ku mahadsan tahay,laakiin waxaan is leeyahay waxbaa dhiman. 21 sono oo soomaali qalalaaso ku jirtay ayaa keenay in arintu ay maanta gaadho in la laayo culimada iyo dadka wax ku oolka ah.Marka suaasha is waydiinta mudan waxaa weeye; see lagu badbaadiyaa ummada inta hadhay? seen xal waara ugu helaa mushkilada soomaaliya?
    hadii aan labadaa suaalood ummada soomaaliyeed oo ay culimadoodu hogaaminayso aysan ka jawaabin, culimo iyo dad kale oo qaali ah ayaan waayi doonaa,ugu danbayna ummada soomaalidu khatar bay ku jirtaa.
    anigu waxaan qabaa in ay ictisaam iyo alshabaab si toos ah wada hadal u galaan. intaa wixii ka danbeeyana ummada soomaalida oo dhan ay xal raadiso iyo sidii loo samata bixin lahaa ummada.
    wcww

  9. asc sheakha axmed cabdi salaan. aad ban kuu salamay. waxaan kaa codsanlahaa haday jirto cadeen cad inay walalahaas dileeen in ummada la horkeeno. waaye waxaay ka hortageysaa khatar badan oo culumada ku imaan karto, hadiisa la hubun yaanan dusha laga saarin. sheakh axmed xaaji abdiraxman allah u naxariisto waan jecleen li wajlilah cidii dishay ummad dhan ayay dileen.

  10. Asalaamu caleyku salaan ka dib waxaan dhihi lahaa walaalaha iyo sheekhaba dambigiina alaha dhaafo ee ka fogaada waa la yiri iyo waa la yiri ee yaqiin ilaah baa og walaalaha kalena weli kama heyno anagaa dilney sheekha dhintey alahana noo wada naxariisto waxa hada dhacayan waa fitan ee halaga fogaado deg-dega.

  11. Asallamu Calaykum

    Aniga waxaan qabaa in intaas lagu joojiyo sheikha warkiia waayo alihii lahaa ayaa la tagay una doortay meel aduunka ka wanaagsan markaan arko qoraal looga hadlaayo caafimaadka ayaan si ka noqdaa marka qalbigeena intaa ka badan ma xamili karo ayaan qabaa aloow naga sabar sii

  12. sh.Axmed jazaaka Allahu khayran waa sidaa sheegtay waxaa layaab ah nin fadwooday, qoraal ku yiri culumada ha la,laayo waa culimaa,suu oo hadana leh ma dilin oo ka tacsiyeeynaaya, oo hade kuwa aad fadwootay waa kuwee in la dilo.

  13. Inshallah warku waa cadaan waqti dhaw, markaa kadib waxaan rajaynaynaa dadka alshaabab u qabo dad muslimin ah in ay ka waan toobi doonan, alshabab waxay burbursheen dalkii oo awalba warlord burburshay. waxaase nooga sii daran diinta iyo culumada ay aflagaadaynayaan, waxaa cad in dadkaa loo soo diray dadka muslimka ee ku nool dalka somalia ee diinta jecel in aay u tusaan diinta si qaldan oo dadku uu ka cararo. culumada karamada ka qaadan, dadku dhagaysan waayo wanada culumada, diinta shaki laga galiyo dadka camada ah.
    ilaahay waxaan ka baryaaa in uu umada ka qabto oo diinta ka qabto aamin.

  14. Ducada uu walaalku ku gunaanadey maqaalka waxaan leeyahay: aamiin, allahumma taqabal.

    Aniga shakhsiyan xuub igama saarra in sh Axmed Xaaji Cabdiraxmaan ay alshabaab dileen.

    Dadka shakiga gelinaya in dilkaan ay ka danbeeyeen alshabaab, wexey u kala baxaan laba nooc, sidey ila tahay:

    1- ama waa dad caamma ah oo si xeeldheer aan ula socon wadciga uu dalku ku sugan yahay, oo dabcan aan lahayn awood ay ku miisaamaan wararka is dhexyaacaya kuna kula shaandhayaan waxa macquulka ah iyo waxa aan macquulka ahayn.

    2- ama waa dad ka tirsan alshabaab oo doonaya inay iska moosaan ceebta iyo foolxumada ka raacday dilkii ay u geysteen sh Axmed Xaaji Cabdiraxmaan. Sidaa darteedna isku deyaya iney arrinta tashwiish geliyaan si’ ay alshabaab uga beri yeelaan. Laakiin ma u suurtoobeysaa? Aniga ilama aha, waayo alshabaab wexey yihiin waa la bartay. Tilmaamaha uu qoraaga maqaalku soo taxay iyo kuwa kaleba wexey markhaanti ka yihiin in alshabaab uu ku lug leeyahay dilkii sh Axmed Xaaji Cabdiraxmaan.

  15. ASC JAZAKALAHA KHAYRAN sheekh intaa soo calaamo aad sheegtayba waa wax waadix ah oo cadaan ah bal baadhi taan kana halabadiyo sheekh ahmed c\samad ilaahay ha xifdiyo isaga iyo culimada kale ee khayr kabadan

  16. baarakaalaahu fiik sh axmed c/salaam intaas oo qareeno ama astaamo aad shegtay waa dhab xaqiiqa ah waxaase aan rabnay oo aan intaas isha ku haynaa taxqiiq ay culimadu sameeyaan oo lagu baadho qofkii falkan gaystay kollay baadhid waa socotaa saan maqlayay lakiin natiijadaa nala fogaatay cidda dishay sheekha -ilaahay ha u naxariisto eh- waa cid aan dareen iyo damiir iyo dad nimo toona lahayn aan waxna ku cafin soon iyo salaad toona aan aqoonna da, iyo diin toona aad baad u mahadsan tihiin dhamaan

  17. جزاكالله خيراً. Shekh waxaa oo dhan waa wax cad waxaana hubaal ka dhigay ninka xassaan la dhaho (sheekha shabaab) cadeeyay in nimabka sheekha dilay uu yaqaano marka waa marag madoonto. Ciqaab aduun Iyo cadaab akharo baan u baryaynaa dambiile yaasha diin bi’iskska ah باركالله فيك

  18. Asc, sheekh axmed cabdi,akhii waad asiibtay mida kale maqaalada marwalba wa wax ku ool marka “lillahi daruk. Tankale sheekhuna abyad waxan rabay inan uga mahad celiyp sidii asluubta lahayd oo uu radiya”fataawal al xamraa”fatwoyinkii dhiiga laha ee culumada inxirafkudhacay ka so fulay. Asagna aan dhoho lahay hakaa abal mariyo akhii.

  19. Allah yajziik al khayr akhii sheikh ahmed c/samad. maqaalkan aad qortay. xaqaa’iq badan ayaadna xustay. waxaan rajeyn in ragii & cidii ka dambaysay falki foosha xumaaa ee lagu deliay sheikhi ummada somaliyeed sheikhi cilmiga & camalka & samtiga culumadaba isku darsaday sh axmed xaaji c/rixmaan illaahay janada firdawsa ha ugu bishaaryee. illaahay waxaan ka baryeyin inuu ka abaal mariyo wanaagi iyo khayrki uu umada kuso siyaadshay barakeeyana duriyadiisa & ardaydiisaba amiin.

  20. salamullahi calaykum anoo aha abdullahi dareemayana qalbi xanuun iyo murug badan oo aan filayo inay ila dareemayso dhamaan umada somali inteeda khayr ka jecel waxaan leeyahay alle sheekh dr ahmed ha uuga dhigo qabriga beer beeraha janada kamid aha kii tilayna alle hadeexo ka ha muujiyo akharo iyo aduunkaba amiiiin yaa rabi

  21. Asc wrwb Maasha allah sheekh

  22. Jazaakalaahu Kheyr Sh.Axmed C/Samad maqaalkaaga tifatiran waanu kaaga baranay, waana ku diirsanay. Allaha weyn oo waaxidka ah ayaan ka baryaynaa inuu kuwii jariimadaas galabsaday abaalkooda mariyo aduunka aakhiro ka hor aamiiin. Allaha ku xifdiyo aamiin.

  23. maashaa allah sh axmadclsamad waa asiibay waana wanaajiyay
    waxanan leeyahay nimankaa uusheegayo ayaa loohaystaa warkuna waacadaan doonaa

Leave a comment

*