Nadwadii ka socotay Masjidka Al-Rowda ee Magaalada Bossaso oo xalay la soo gaba gabeeyay.

December 15, 2011 - Written by

Boosaaso:-Waxaa habeenkii xalay ahaa la soo gaba gabeeyay Nadwadii Diiniga ahayd ee labadii habeen ee la soo dhaafay ka soconaysay Masjidka Al-Rowda ee Magaalada Bossasoee xarunta Gobol ka Bari  Nadwada ayaa waxaa soo qaban qaabiyeen Ururka Ardayda Puntland ee wax ka barta Jaamacadaha Dalka Sudan.

 Waxaana xalay muxaadaradii ugu danbeysay soo jeediyay Sh.Axmed Faarax “Garaase”,iyadoon Cinwaanka Muxaadarada uu ahaa “Dawrka Bulshada ay ka qaadan karaan Tarbiyeenta Ubadka Soo koraya”.Sheekh Axmed Faarax Garaase ayaa waxa uu si xeel dheer uga hadlay habka ay bulshada u tarbiyeen karto u badka isagoona soo qaatay tusaalooyin wanaagsan oo ku dayasho mudan ,waxa uu sheikha uu ka hadlay dhibaatada bulshada ka soo gaari karta haddii u badka aanan la tarbiyeen. 

no images were found

Sidoo kale Sheekha axmed ayaa waxa uu ka hadlay dawrka warbaahinta ama saxaafadu ay ka qaadan karto tarbiyeenta jiilasha soo koraya taas oo uu sheegay in saxaafadu ay tahay goob inta badan maanta ay aad ugu xiran yihiin jiilasha soo koraya kuwaasi oo intooda badan maanta ka shaqeeya waxyaabo sababi kara in u badku uu noqdo mid aanan tarbiyeeysaneyn.

 Gabagabadii sheekha ayaa waxa uu dhamaan uu ugu baaqay bulshada soomaaliyeed in laga wada shaqeeyo Tarbiyeenta Ubadka uu sheegay inay tahay masuuliyad saaran ruux kasta oo wax fahmi kara.
Muxaadarada Sheekh Axmed ka dib awaxaa isna hadalka qaatay Sh.Maxamed Axmed Faarax”Dabiix”waxa uuna si waafitya uu uga hadlay masuuliyada waalidiinta ka saaran hagaajinta ubadka. Sheekha Maxamed Axmed Faarax ayaa tilmaamay in waalidka dhalay ubadka uu yahay midka masuuliyada ugu balaaran ay saaran tahay waayo ayuu yiri waalidka waxaa looga baahanyahay inuu had iyo jeer uu kormeero ilmihiisa waxa uu baranayo iyo halka uu aadayo intaba si uusan ilmuhu uusan noqon mid ka faa’ideysatay ka war qabid la’aanta waalidka.
 Intaasi ka dib waxaa lagu soo dhaweeyay Sh. Daahir Aw-Cabdi oo ka mid ah culumada Soomaaliyeed ee magaca ku leh Deegaanada Puntland waxa uuna sheekha uu mahad balaaran usoo jeediyay culumadii ka qeybgashay Nadwada iyo sidoo kale dadkii soo qaban qaabiyay Nadwada.
 Waxa uuna sheekha ugu dardaaray dhammaan waalidiinta iyo bulshaduba inay si wada jie ay uga shaqeeyaan Tarbiyeenta ubadka uu sheegay inay masuuliyada lawaago, Sh.Daahir Aw-Cabdi ayaa sidoo kale waxaa uu ugu baaqay waalidiinta inay xil weyn iska saaraan ilaalinta ubadka isagoona sheegay in dhawaanahan ay soo baxayn dad la sheegay in ubadka ay kilyaha iyo beerkaba kala baxayaan qaarkoodna ayba gowracayaan ilmaha.
Si kastaba ha haaatee ugu danbeyntii waxaa Nadwada soo xiray Gudoomiyaha Gobalka Bari Sheekh C/Xaafid Cali Yuusuf isagoona mahad balaaran usoo jeediyay dhammaan culumadii ka qeybgashay Nadwada iyo ardaydaii so qaban qaabiyay.Halgan.net
Boosaaso

 

2 Comments so far

Leave a comment

  1. ascw waxan dhaman halkan ka salamayaa umad iyo culimada dhamaan meel kasta oo ey joogan gar ahan bosaaso bulshadeeda waxan si gaar ah u salamaya shikh dahir aw cabdi waxan leyahay alle ha idin ka ajarsiyo anagana hanaga dhigo kuwa wax ku qaata insha allahu tan kale wax an leyahay bulshada gaar ahan walidinta masuliyada ilmihiina ilashada oo dhowrta waayo akhiro iyo aduun wa laydin kala xisabtamaya waxad dhashen wa in ad kantarol ku samaysan ilmihina wa in ad ogatan wax u qabanayo waayo hadi ad sideyso hadhow u dhig iyo wax kadaran sogalo maxad fa ideysa marka walaalyaal culimadina adeeca ilmihina ogada shacka somaliyed dow gar ahan ku puntland ayan u diraya farinta

  2. walaalayaasha ka shaqeeya halgan.net waxaan nasiixo ahaan ugu dirayaa inay iska daayaan sawiirrada faraha badan ee aan dan weyni ku jirin iyadoo aynu ognahay waciida kusoo arooray waxaanna rajaynayaa in ay qaataan nasiixadan qaaliga ah ………

Leave a comment

*