Sh.Cabdulqaadir Nuur Faarax oo sheegay in dilka Dr.Axmed Xaaji lagu go,aamiyey shir ka dhacay Baydhabo.(Dhagayso)

December 6, 2011 - Written by

Boosaaso:-Sheekh Cabdulqaadir Nuur Faarax oo ka mid ah culimada waaweyn ee dalka Soomaaliya hadalna ka jeediyey aaskii marxuun Sheekh Axmed Xaaji Cabdiraxmaan oo maanta lagu aasay qabuuro ku yaal boosao ayaa  alle uga baryey Sheekh Dr. Axmed Xaaji oo ay koox dhagarqabayaal ah dileen in uu Alle u naxariisto janadiisana ka waraabiyo kuwa dilka u geystana uu calaamo deg deg ah ka soo muujiyo.

Sh.Cabdulqaadir Nuur Faarax ayaa xusay in marka Sheekh.Dr Axmed Xaaji la dilay uu soomanaa soona tukaday salaadii subax isagoo ku jiray maganta alle  Sheekh Cabdulqaadir Nuur Faarax ayaa si cad u sheegay in dilka Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxmaan lagu go,aamiyey shir ay ururka Al-shabaab ku yeesheen magaalada Baydhabo.

Sheekh C/qaadir Nuur Faarax waxa uu hadalkiisa ku cadeeyay in dilka Sheekh Dr.Axmed Xaaji Cabdiraxmaan uu ku yimid sida laga war qabo go’aamadii ka soo baxay shirkii ay Al shabaab ku yeesheen Magaalada Baydhabo kuwaa oo qodobadii laga soo saaray ay ka mid ahayd in la laayo Culimada aan la fikirka ahayn Al shabab, waxa uu Sheekh C/qaadir ku baaqay in ay lagama maarmaan tahay in la iska qabto dadka falalka cayn kaas ah geysanaya ee sheeganaya in ay Muslim yihiin haddana.

Hoos ka Dhagayson hadalkii Sheekh Cabdulqaadir Nuur Faarax Allaha dhowree.

[audio:https://www.halgan.net/Mp3/shcabdulqadir.mp3]

Sheekh Cabdulqaadir Nuur Faarax aya ku tilmaamay ben abuur iyo wax aan jir in dilka Shiikh Dr Axmed loo tiiriyo PIS Sheekh ayaa si caro leh u yiri xogta waa haynaa wax na nagama qarsoona , Sheekh Cabdulqaadir ay ku baaqay in loo diyar garoobe kuwa dad ka Muslinka dilka ku dhameeyey haddana maraya in culimadii ay dilaan.

Waxaa kale oo goobta isna si kulul uga hadlay Sheekh Daahir Aw Cabdi oo isna si la mid ah Sheekh C/qaadir uga hadlay

M_M_Deeq
Halgan.net

 

 

21 Comments so far

Leave a comment

  1. inaa lillaah wa inaa lilaahi raajicuun
    waxan halkan tacsi tiiraanyo leh u irayaa umaa soomaaliyee.
    intaa ka dib waxaan alaah uga baryayaa in uu kuwa waxaa fuliyey uu gacanta qalajiyo, kuwa ka dambeeyey Allaah aduunka cuquubo ugu soo dedejiyo.

    Aamiin.

  2. ilaahay ha u naxariisto sh. dr. a/rahman naxariistii eebana ha siiyo sidoo kale sh. a/qadir noor farax sida geesinimada leh ee uu u hadlay, iyo raganimda leh ee loo baahan yahay waa in aan ku dayanaa oo culimadeena difaacanaa

  3. asalaamu 3aleykum wr wb
    inaalilaahi waina ilayhi raajicuun waxaan tacsi u dirayaa umada islaamka gaar ahaan somalida gaar ahaan qoysaskuu ka geeriyooday sheekh axmed raximahulaah hala samro cadawga diintana alaha qabto inalaha biaxkamil xaakimiin aadane hadaad iska qarisaan alaan waxba ka qarsoomeeyn dhibna aduu kuu danbeeyaa foolxumada kan geeystoow ale u towbad keen inteey goori goor tahay

  4. ASW INAA LILAAHI WA INAA ILAYHI RAJICUUN
    ALAAHA-UNAXARIISTO DR.AHMED HAJI C/RAHMAN JANATUL-FARDUSAL ACLAA HA GEYO AMIIN YA RABI
    DHAMAN EHELADIISA & UMADA MUSLIMKA AH U KATAGAYNA SAMIR BUXA OO WARA HANASIIYO AAMIIN YA RAB. KALIN WAY BUU BANAYAY DR.SHAYKH ALAHII NASIIYA BAN WAXAN KA SUGEYNAA ASAGOO KALE IN UU NASIIYO. BAL SOMALIYEE DIB ISUGU NOQO WIXII DILAY WAXAY KU SUGAN YIHIIN WADANKA QOFWALBA XIL HA ISKASAARO IN AY KASHAQEYAAN SIDII CINQAB KULU LOOMARINLAHAA 2 DANYEER EE UMADA OO DHAN GILGILAY ALAAHA GIGILO QALIGODA QABRIGANA KU CIRRIRIYO AMIN YA RABI

  5. waad halkameysane wada halganka

  6. assalaamu caleykum

    إنا لله وإنا إليه راجعون اللهم اجرنا في مصيبتنا واخلف لنا خيرا
    إن لله ما أخذ وله ما أعطى فلنصبر ولنحتسب
    dr. sh.axmed c/man waxow ahaa caalim soomaaliyeed oon u baahneyn la is baro cid ku fakari karta dilka caalim noocaas ah oon shabaab iyo jaalkooda aheyn anigu garan maayo culamada iyo wax garadka kale ee soomaaliyeed waxaan u sheegayaa in dadka sidaas wax u leynaya ey meel iska saaraan waxey horay u laayeen dad aad u tira badan oo isugu jira culamo, arday, dumar, salaadiin odayaal dhaqan iyo cid kasta oo islaamka, dhaqanka suuban ee soomaaliyeed iyo xiirarka caalamigaa intaba mamnuug ku ah in la waxyeeleeyo col iyo nabadba.

    allaah ha u naxariisto sh.axmed ahalkiisa, umadda soomaaliyeed iyo muslimiinta oo dhanne sabar ha ku arzaaqo

  7. Allah u naxaristo dr ahmed

  8. انا لله وانا اليه راجعون

  9. sc walaalayaal ilaahay ha u naxariisto sheekha waxaanse leeyahay wax halla hubsado in la dilo qof mu,min ah iyo in la masabidaa wax yar bay kala sokeeyaan wuxuu nabigu yiri csw إذا ظننتُم فلا تُحَقِّقوا .
    فلا تكتب بيدك غير شيئ يسرك في القيامة أن تراه

  10. sc walaalayaal ilaahay ha u naxariisto sheekha waanse leeyahay wax halla hubsado in la dilo qof mu,min ah iyo la masabidaa wax yar bay kala sokeeyaan wuxuu nabigu yiri csw إذا ظننتُم فلا تُحَقِّقوا .

  11. sc walaalayaal ilaahay ha u naxariisto sheekha waanse leeyahay wax halla hubsado in la dilo qof mu,min ah iyo la masabidaa wax yar bay kala sokeeyaan إذا ظننتُم فلا تُحَقِّقوا .

  12. inaa lilaah wa inaa ilaahay raa jicuun walaalayaal ilaah haka aqbalo fadiilatu al waalid sheekh cabdiqaadir nuur faarax ducadaa waa ciroole ku ciroobay diinta alle waxaan sheekh dr axmed xaaji cabdiraxmaan ilaah ooga baryayaa in uu u naxariisto arinta sh cabdiqaadir sheegay waa run sababtoo ah labo arin waa mid in ay shabaab gacantooda ku dileen waa sidey ubadantahay iyo in hadalkoodii iyo fadwadoodii lagu dilay marwalba ayagaa dilay mida kale wallalyaal waxaa horey loogu dilay sidan oo kale nin sheekh ah oo katirsanaa walaaha soomali galbeed magaalada gaarisaa kenya waxaa horey loo laayey dhamaan culumadii xisbul islaam in yar oo isdhiibtay mooyee sida xasan daahir aweys iyo xasan turki waxey ku faanayeen in laa yeen ardadii muqdisho marka nimankaan waa khawaarij dhiiga muslimiinta baneystay oo waliba fuleeyo ah oo gaalna madinaa ayagana isma qarxiyaan ee waxey halaagaan caruur yaryar ah oo waxmagarad ah marka walaalayaal culumada iyo umada waa in aynan noqon sidii sadax dii dibi ee midba mar lacunay waa in lagula da gaalamaa meel walba ku waan umadii ayaa loo soo direy intii dibad joog tayna masaajidadii ayey ka dacweynayaan oo ay kabur burinayaan in tii wadankii kuhartayna xabad bey ku li iyeen waa in dad ka dibada jooga af iyo qalin kula dagaa lamaan kuwa dalkii joogana xabad kulaayaan alaaahu akbar
    waxaan markale u tacsiyey naa dadkii iyo eheladii uu kabaxay alshahiid dr axmed xaaji cabdiraxmaan

  13. Allaah wuu u jeedaa gacanta daalimadda ah ee diinta dadka ugu soo gabaneysa oo loo adeegsanayo Islaamka iney magaciisa bi`iyaan Ilaahow Al-Shabaab kuwa la baxay dadka Islaamka ah ee Somalia ku dhaqan ka qabo inta aysan ka tagin fidno aan dhammaan yaa Rabbi

  14. marka hore allahaa u naxariisto sheekheena dr. axmed inshalah… arinta labaad ee uu sheegay sheekhul abi sheekh cabduqdir nuur farax waa run raggaan khawaarijta ah ayga ayaa ka danbeeyay ee maskaxda fura yaan lagu kadsooomin hadalada maaalaa yacniga ah fatwo beneedkii jahliga ahayd ee soo saareen ayaa lagu dilay sheekha ee yaan la aaminin waxay muudaan in shcabku iyo dadku ay jaahiliin u yihiin sida ay ayagu jaahilin u yihiin oo deedna ayagoo jaahiliin ah ay u sheegteen in ay gareeen maqaamka culimda allaahu ayaan idin dhaariyay goormuu xasan daahir noqday sheekh wax fatwooda goormuu al mnsuur noqay sheekh, goormuu xasan takar noqday sheekh wax fatwooda wallaahi thuma walalahi hadii aan la iska qaban oo aan la fahmin dharagta ragaan maalin aan waxba laga qaban karin ayaan gari doonaaa… waaxana filayaa sheekh bashiir in uu war cad ka soo saaro marnba yaan la filan naxariis ka timaado khwaarijta sababtoo ah manhjkooda takfiiriga ah aya sidaasi qaba so naxariisma ha filan

  15. Innaaalilaahi wa innaa ilaahayhiraajic waaa wax laga naxo GEERIDA SH.AXMED.

  16. Assalamu calaykum. Inaa lilaahi WA inaa ileehi raajicuun. Walaalayaal waxaan u tacsiyadaynayaa sheikha eheladiisa marka hore, marka xiga alaha u naxariisto sheikha. Waxaan soo jeedin lahaa in haddii ay jirto arinta sheikh A/Qaadir sheegay waa in si deg deg ah wax looga qabtaa, dawlad ahaan iyo shacab ahaanba. Wsc.

  17. Salaamu Calaykum
    Sheekh C/qaadir Nuur faarax aad baan ugu mahad celinayaa sida geesinimada leh oo uu uga hadlay kuwa dilay Dr Ahmed alaha u naxariisto waa in culumada ay ku daydaan Sh C/qaadir Nuur faarax
    Dhamaan dhalinyarada waxaan ugu baaqayaa in ay hubka qaataan oo ay culumadooda difaacaan

  18. SCW, waxaan halkaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoysaskii, eheladdi, iyo dhamaan ummadda soomaaliyeed iyo islaamba geeriddii naxdinta laheyd ee ku timid DR sheekh Axmed xaji Cabdirahman, waxaan sheekh eebe oga baryayaa in uu janatul fardowsa, eheladdii uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan alle ka siiyo.

    ina faarax

  19. asw, naa lillaahi wainaa ilayhi raajucuun. Runtii waxaa in Mudda ahba ka jiray Guud ahaan Puntland i´n xataa 12 ka duhurnimo lagu toogto suuqa magaalada bartamihiisa qof muslim ah misana aanan waxba laga qaban amni darada ka jirta Puntland maahan mid halkan lagu soo koobi karo , qabiiladii oo dhexdooda islaynaya. waxaa loo iibgeeynayay muddo dheer dad inala dhashay dalka itoobiya iyadoon wax wax ka qabtay aysan jirin arintaa, Maamulka ka jira Puntland waxaa la dhihi karaa haduu xishoonaayo wuu fashilmaye haka hor leexdo bulshada.

  20. walaalayaal waxa u sheikh cabdulqaadir shegay waa xaqiiqo. shaki iyo tuhuna maahan ee xal hala raadiyo. ninmankaa al shabaab layiraahdo illaahay ummada somaliyeed waa ku saladay waana fitno lagu imtixaanayo qof walba waxa u yahay iyo sida uu la tacaamuli doono. aad ayaan oga mahad celinyaa sheikh cabdulqadir nur farax xaqa uu yiri iyo geesinimada uu mujiyay. waxaana talo ahaan so jeedin in culumada iyo madaxada la sugo ammnigooda oo laga ilaaliyo khawaarijtaan dhiga islaamka xalaaleystay. waxaan dhamaan ummada somaliyeed meel walba ay joogto leeyahay qof walbow nafatada difaac waxaa lagu jiraa marxalad adag o firnadu meel walba waa ay so gashay marka nin walbow naftada difaac wasiilad kasta iyo dariiq walba aad u mari karto adoo u maraya.

Leave a comment

*