Sh Xasaan Xusen oo sheegay in la garanayo xogna uu ka hayo cidii dishay Dr Ahmed(Dhageyso)

December 12, 2011 - Written by

Nairobi:-Shiikh Xassaan Xuseen Aaden ayaa waxaa uu ka hadlay markii ugu horeysay dilkii  allaha u naxariisteeb Shiikh Dr Axmed Xaaji C/raxmaan oo lagu dilay isbuucii la soo dhaafay magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari, Sheekh Xasaan ayaa sheegay in sheekha ay dileen 3 nin waxaan hadalkiisa ka mid ahaa “Aniga hadda xogta isoo gaaraysa, Sheekh Axmed wadaado ma aysan dilin, arin famili baa loo dilay, saddex nin baa dishay, haddana waxay ku sugan yihiin Gobolka Galgaduud bay u gudbeen, Gal-Mudug bay ka gudbeen Puntland-na ma joogaan.

Waa xog aad u wanaagsan haddii Sheekh Xasaan Xusen uu ogyahay cida dishay Sh dr Axmed Xaaji wuxuuna sheegay in ay soo gaartay in ninka Shiikha dilay ee gacantiisa leh, in ay ilma adeer ruma ah yihiin PIS-ta ninka u weyn ee ina Khaliif la yiraahdo ” Laakiin waxaa is weydiin leh Sheekh Xasaan ma u shafeeci doontaa hadalkan xili laga hayo in uu fatwooday in la dilo oo umada la dhaafiyo kuwa ka soo horjeed halganka ay wadaan ama Jihaad Al-shabaab.

Shiikh Dr Ahmed Xaaji C/raxmaan cid walba waa taqaan waxaa yaal codadkii iyo Nadwooyinkii uu ka qeyb galay iyo bayaanaad kii ay culumada soo saareen oo  uu xubin ka ahaa  ay ku sheegeen ijtihaadkooda in dagaalka ka socda Muqdisho ama soomaaliya uu yahay mid  fitno ah.

Halkan Ka Dhageyso Sheekh Xasaan oo ka hadlaya dilka Sheekh Dr.Ahmed Xaaji C/raxmaan.
[audio:https://www.halgan.net/Mp3/shxassaan3.mp3](xuquuqada codka S/ Memo.

Shiikh Xasaan Xuseen ayaa qaba in la dilo oo umada la dhaafiyo cid kasta oo ka soo horjeeda halganka dunida ka socda su,aashu waxay tahay halgankee ? yaa weeeye culumada Halganka ka soo horjeeda ? waa su,aal laga rabo in uu ka jawaabo Sh.Xasaan , Sh. Xasaan ayaa yiri “Aniga mowqifkayga ku aadan wadaadadda halganka maanta dunida ka socda colka la ah ee la dagaala maya, anigu waxaan qabaa aduunkaba in la dhaafiyo, hadda ka horna waa idiin sheegay li’ana fitnaday ummadda ku hayaan baa ka daran.

Ma lihi waa gaalo, Ma lihi dhiigoodaa banaan asaalatan, laakiin fasaadka ay halganka iyo ummadda ugeysanayaan ayaa wax kastaba kadaran.ayagu inay muta-awiliin yihiin baa laga yaabaa oo aakhara aan lacadaabin oo aaney naarba tegin baa laga yaabaa, laakiin ta,wiilkaagu wuxuu kuu cudurdaarayaa cindallaahi Subxaanuhu watacaalaa oo wax kuu taraayaa laakiin fasaadka aad dunida geysey inuusan waxba kuu qaban baa laga yaabaa sidaa darteed meeshan oo kale waxaa layiraahdaa Alqaatalu Mujjaahid Wal maqtuulu shahiid.

Kii wax dilayna waa mujaahid kan la dileyna waa shahiid mays qaban kartaa? waa isqaban kartaa waxaa laguu dili fasaatka hadalkaa kadhalan iyo fatwadaada ka dhalan iyo duri taanka kadhalan iyo burburka ka dhalan.Laakiin maadaama aad muta,wil ahayd oo daliil waxaad moodey aad daliil uqaadatay oo sidanina ay kula qumanayd Illaahayana aad ugu dhowaanaysey illaahay subxaanahu watacalaa inuu kuugu cudurdaaraa laga yaabaa, laakiin sharkaagaa aduunka lagu dhaafinayaa umadda.

Sidaa darteed baa lialqaatil mujaahidun wal maqtuul shahiid taas waxaa soo hoos geli ruuxa muslimkaa oo gaalo ku dhexdhinta oo aan la ogeyn kaas isaga xaqdaraa lagu diley laakiin maanan ogeyn kii wax diley waa mujaahid kan ladileyma waa maxay ? waa shahiid liana isagu sabab meesha kuma lahayn oo mudarib maahayn mujaahidkuna ma ogeyn mujaahidka waxba looma haysto asagana waxba loomahaysto haduusan gaalada lasafnayn.

Halkan hoose kadhegeyso codka Sh Xasaan Xusen
[audio:https://www.halgan.net/Mp3/xasaan1.mp3]

Sheekh Xasaan ayaa waxaa kale oo laga hayaa in uu si cad oo aan ka leexad lahayn uu u yiri mar uu ka hadlayey rag culumo ah oo salafiyiin ah oo uu ka mid yahay Sh Ahmed Imaam wuxuu fatwooday in la dilo Ahmed imaam maraakista ay hayaan culumada uu ku sheegay Salafiya Jadiidana la dumiyo.

Hoos ka Dhageyso codka Sheekh Xasaan Xusen oo ka hadlaya Sheekh Ahmed Imaam
[audio:https://www.halgan.net/Mp3/xasaan2.mp3]

Waxaa taas ka daran in Sheekh Xasaan laga hayo in uu yiri Sheekh Cumar Faaruuq in aan gaaleysiino waxba naguma ah,Sheekh Xasaan Xuseen ha ogaado culumada iyo ardayda in ay wax kala garanayaan  dilka Shiikh Dr.Ahmed Xaaji waxaa diyaarshay fatwooyinka Shaadka ah ee aad dhalinta u qeybisay kuuna shafeeci meyso tacsi aad dirto , Ehelada Shiikh Dr Axmed Xaaji C/raxmaan cidna u yeerin meyso cida dishay Shiikh Dr Ahmed allaha janada ka waraabshee.

Waxaase  yaab leh xogta uu hayo Sheekh  Xasaan Xusen oo jooga Nairobi oo aysan culumada Puntland joogta aysan hayn sida Sheekh C/qaadir Nuur Faarax  Allaha dhowree iyo culumada kale talow Xasaan ma wuxuu ka mid yahay Al-shabaab xageese xogtaas ka helay ? ileen wax eedeynta loo jeediyey  waa ururka Al-shabaab qaybtooda amniyaadka.

Ugu Danbeyn waxaan ku afmeerayaa qof walba oo ka qeyb qaatay dilka Shiikh Dr. Ahmed Xaaji Cabdiraxmaan ha aahto kuwii ku faafiyey baraha internetka in culumada Ictisaam iyo gaar ahaan Sh Dr Ahmed Xaaji ay lacag sako u gureen Maamulka  Puntland iyo kuwa siiyey dhalinta aan diinta aqoon fatwooyinka tooska ah ama talmiixinta ah iyaga ayaa  diyaarshay  jawiga lagu dilay Shiikh Dr Axmed allaha u naxariistee iyo culumo kale sida Allaha u naxariistee Sheekh Maxamed Tahlii iyo Sh. Maxamed Muumin.


C/Casiis Maxamed

Halgan.net

64 Comments so far

Leave a comment

  1. ASC,,,, wlaaha halgan waad mahad san tihiin lakin wll igagaadh siiya sh. xasaab dhiiga muslimiinta ayuu banaynayaa eeilaahay kacabso

  2. waxan dadka musliminta ah uga digayaa culima aflagadayntooda iyo layntooda waxa larabaa inculumada la ixtiraamo qofkii culima wax kasheega ama dhiigoooda banaysta waxaa waajib ah in laga diifaaco aanna loo dulqaadan wixii laga qaban karana laga qabto culumadu waxay kujiraan booskii anbiyada yaanan cidkasatana culimo lamoodin ha laska fiiriyo qofka wax kaqadanaysid yuusan kumarin habaabin qof aan culimo ahayn

  3. a\s\cm xasaan xuseen waxan alle uwaydinayaa in uu soo hanuuniyo uuuna sooo cadeeyo wuxuuu sheegay dilkii dr ka ?

  4. haday cadaatay maanta in sh axmed xaaji shabaab dileen.
    hadalkan xasaan waa laba mid,

    1. inuu warka wax ka ogaa oo uu lahaa qadiyada majara habaabi oo lugooyo ku rid, oo meel ayna baadiduna jirin dadka u dir.
    taasi haday jirto xasaan waa jariimo wayn e lasoco.

    2. iyo inuuna xasaan lasocon warna ka hayn kooxdan uu nafta iskaga qaaday difaaceeda, waxay samaynayso, taasina waa is qor nimo iyo nin aan kula tashan isku daba dhajin, ilaa ay lagaadhay inuu arin uuna war ka ahayn xataa ku difaaco, ileen xaq in laysku difaaco ayaa gar ahayd, lakiin halkaa waxaa ka cadaanaya xataa gardaro inuu ku difaacay .
    kama dambayn waxaana ugu nasteexayn lahaa xasaan xuseen inuu ilahaay u toobad keeno oo nimankan dadka uu u hoosaasinayo iskaga hadho.
    waana iga naseexo

    arintan waxaa la wadaaga xasaan xuseen wadaadkii c/qaadir muumin iyo kuwii la fadhiyay ee iyana PIS baa ka dambaysay lahaa labadaa mid umbay soo galayaan.

  5. ASC WR WBR YAAAAB ADDUNKA WA SABAN AQIRKII NABIGA CSW KADIGAY WAR UMADAY NAFTA IYO ALAHAA nin walba tiisa ha ucabsada saban aqir nin diinti ilahay bartay hadana mowqifqaldan maraya shekh xasaan isaga hadduu Run kashegaya jihaad ka hadaado muxuu idacada iyo war baahinta oga hadlaya ilmaha halaynina naxariistii iyo nastexadii diintaad garab martene subxanalah ilahayow munkarka iyo faaxishada iyo calamalka sheydan ka naga badbaadi acuudubibi kalimaatilahi watamatilaahi

    • aniga waxaan somilayey in leeyahay qabilka iyo burburka iyo waxyalahaaas oo dhan dhibkaan iyo mid kasii daran iyo murugoooyin kasii xun xun bay noo keenayaan walalayaalow somali banahay isku afa isku color ah isku diin ah hala is cafiyo oo aan ayaheena iyo wadankeena iyo dadnimadeenii aan soo ceshano.

  6. AWW. dhammaan somaaliyeey waan idin salaamay salaan ka badci waxaan dhihi lahaa dhamaantiin, warka ha la yaraysto culimadana iyaan afka lagu taagin ee qof walbow gaabso, ninka ninka dilay hadii la sheegay ood warka maqasheen,sheekha afxumada halaga daayo, anigu ma difaacayo sheekha lakiin warka inaad wanaajisataan ayaa aniga ila quman, haddii cida ka dambaysa ee Allaha u naxariistee sheekha disha Illaah baa cid walba ka og isagaana xisaabin doona ee war badan halayska dhaafo akhyaarey, wabillahi tawfiiq…

  7. ASC WALAALAYAAL CULIMADA WAAWEEY HADUL QAATAAN IYagaa dhalay shabaabka micnaha iyagaa wax soobara hadana aYAGEEY KUSOOJEESTEEN

  8. asc walaal marka hore waxa wax laynaya waa shabaab iyo shayadiin waayo shabab waxa ay la dagaalamayaan ma yaqaaniin tusaale shabab dadka raacsani waa dhalin yaro dhalin taas oo aan wax cilmi ah aan lahayn oo xassn u fad woodo oo uu caqli u yahay marka raga maqaalada faraa badan soo qoray waxaa wanaagsan al shabaab yey yihiin jawaab waa dhalintii baadiyaha ka timi oo lagu yiri janadu halkay ka dhow dahay qofkii farta loogu fiiqo wy dilaan marka xassan waxan lee yahay dadka ladiley wax baad ka dishey waayo fadwadaadu waa dil ninkii fahmaaya dilkaas oo ku wajahan culumada iyo waxii w garanaaya marka walalayaa xasaan waxaan lee yahay inta ay goori goortahay ilaah u tyoobad keen hadii kale walee aduunkaad calamad ku arkaysaa in taan aakhiro lagarin waana arki doontaan dhalinta maqaalada soo qortoy bal warkaa iga qora

  9. Salaanta islaamka ka bacdi. ilaahay ha asturo oo ha inoo hiiliyo umaddeena islaamka ah ee soomaaliyeed.

    Tan labaad. waxaan leeyahay sh.Xssan Xuseen oo aanu tonimo iyo qaraabo sokeba wadaagno, walaaloow fidnada aad ku qurxinayso aayadaha quraanka oo aad janno iyo naxariis aakhiro leedahay baa lagu gaarayaa, walaaloow umadda kala joog. haddaad leedahay caalim iyo ruux islaam ah diigiisa ha la banaysto oo aan cidi denbi ah umadda islaamka ka gelin walaaloow adaa dhhiggaasi xambaaran doona aduun iyo aakhiroba. anigu waan ku aqaan si fiican waxaad ahaydna waan aqaan, sababta aad hadda kitaabka u qaadatayna waan ogahay haddii aad dhiig islaameed u badheedhay oo aad aakhiro meel ku laashay walaaloow kitaabka ha ka dhigan gabaad ee halkaa umadda uga bax wixii ku hela adaa galbaday.Anagu beel ahaan waa ognahay ciddii dishay sheekh Dr. Ahmed waana cadaynay wax aad noo sheegtona uma fadhino, qaatil baan kuu sheegi maqtuulkuu ifka dhaafiyey caqli ma aha. wasalaamu calaykum

  10. ASC WR WB KULIGIIN. WALAALAYAAL ALLAAH HALAGA BAQO MARKA HORE MARKA KALE QOFKII QOF DILA ISAGAA DHIBAN SHIIKHEENA ALLAAH HA U NAXARIISTO INSHA ALAAH AAMIIN AAMIIN, MIDA SADEXAAD XAALKA SOOMAALIDA WAAD U JEEDAAN SHICIBKII HORAA LOO LAAYAY CULUMADIINA HADAA LOO SOO JEESTAY, WAA SU”AALE YAA LADAYN YAASE LAXUKUMIN YAASE WADANKA LOO RABAA?SOOMAALI AAWAY?ILAA IYO HADA SOOMAALI WAA LA AHAY.

  11. Alshabaab wadado mahan waa niman walan oo umada somaliyeed loosoo adeegsaday in ay fikir khaldankadhiivab raba diinteena suuban ilahayoow nagaqabo mardhow hada waxay usoo dhigteen culimadii diinteena suuban xanbarsaneed oon ka dhaxlaynay iga diin ma yaqanan waxadna ka garan kartaa kuwa hor jooga yasha u ah ee diiga islamka qaba ilahay kuwaas burburkooda iyo ceebtooda hasoo dadajiyo aaaaamiiiiiiiiiiiin

  12. Xasaan ma ahan sheekh ee waa nin karmeed helay soomaali iska jecel waxyaaba laab lakaca ah sida qabiilka iyo in wax la dilo uun, Marka ummadda soomaaliyeed waxaan u sheegayaa inay ka fiirsadaan muxaadarooyinkiisa oo ummaddu ku fekerto caqliga ilaahay siiyey oo ka joogaan qof kasta uu ku leh wax dil. sheekhii ku yiraahdo wax hala dilo waa inaad tiraahdaa oo maxaa loo dilayaa miyaan lala hadli karin haddii qofku qaldan yahay.

  13. Allahuma salim, allahuma salim, allahuma salim. Aniga ninwalboo culima ah waa ii culimo balse waan duceynayaaye aamiin ii dhaha. Illaahow soo daahiri ninka dhiiga galay ee hadana umadii kuriday danbi iyo kala shakin aamiin, midna waxaan leeyahay dadka comentiga qoray inaad idinkan illaah kacabsataan, oo aydaan kudhicin waxaad sheikha ku sheegeysaan, nin walbow aaqiradaada ilaasho somali maanta uguma horeyso asaay loo saaro ee caalim dhaqtar arday waxgarad intaba waa leynaga dilay waxaana oga bixi karnaa anagoo iscafina gacmahana isqabsano, culamadeenana ay iska daayaan iney is weeraraan, Culimadii hadey is qabsadaan Caamadii Yaa Umaciina, nin jecleysigana aan iska deyno.

  14. Asc. Dadka culimada aflagaadeynaya alle ha ka baqaan sh xassaan xuseen waa nin culimada ka mid ah.

  15. xasaan xuseen alle ha ka boqo dadka walaalohooda muslimiinta ah laynaya hadifaacin hadaad difaacdidna ayagaad la mid tahay oo qaatil ayaad tahay iyaga oo kale ah beenta iyo dira dirahana iska daah dad aan waxba kala qabinna ha isku dirin cidii dishay shiikha waa lahayaah waana al shabaab

  16. SCW. Dar Allaan u qanacsanahy. Waxaan hubaa Insha Allaah waqti aan fogeyn in rag badan oo Adduunka, gaar ahaan Soomaaliya Culimo iyo waxgaradba nabad u diidey in waqtigoodii ciiri soo gelayo oo ay dhowdahay waa hubantiye in BOOM ku yeeri doono wax Insha Allaahu wax yari inaka xigaan. Marka ama Sheekh Xasan ahow ama midka Dalka jooga ee dadka iska laynaya ahow, Wallaahi baan Nairobi iyo meel kale toona inta nabad loo fadhiyo aan dadka layska laynin. Xasan iyo ragga kale ee Ina Takar ka mid-ka yahay, hallayska sii dandaanshoodo maalmo.

  17. Bissinka, kan aad moodo Lax Bilaawo aragtay, Sheekh nimaa ka fog, waa horor. shar gudban, dhiiga islaamka ayuu baneeyaa ilaahna wuu xarimay, marka sheekha intuu joogaa? war ilaah ka baqa oo magaca culimada hakaga ciyaarina

  18. ASC marka koowaad allow xifid culimada kulli waxaaaan arkaa sheekh xasaaan inaaad isaga tumanaysaaaaan sida walalka c/rashiiid uu sheegay war wuu kusoo gaaari karaaa ! Mida kale aqyaarey bal sheeekh xasaaaan hadaad radineysaaan cilmi ku radiya ha iska hadlina saan buu dhahay daliiilkuna waa saaaa wlh ninkaaaaaaaas ninkii yaqaanaa yaqaaaaaaaaaaaan !

  19. shekh wali beesha wax war ah mahayso laakiin adiga ayaa lagaa rabaa war buuxa laab lakax miyaa iyo dagaal dadkale kaalo dhaxeeya.waxaad aad sheegayso mase xog buuxda ayaa haysaa. wali baaritaan ayaa socda laakiin haddii wax lawaado adiga ayay dib kuugu soo laabanaysaa.

  20. xassan xuseen/towmul-xakiim marmarsiyo u noqon mayso wax uu isku aadinayo ee alshabaab dr.axmed sheekhee ama aqoonyahankee ku xiga oo idiin diiwaan gashan waa su’aale?

  21. meeshan waxa ka muuqda in magacii jihaadka iyo mujaahid lagu cayaarey.
    Somali waxa dhaqan u ah qofkii qamiis cad iyo cimaamad laba maalin ay ku arkaanba shiikh ayay iska yiraahdaan.
    Meeshaan waxa ii muuqda dad aqoondaro dilootey oo xamaasad uun mugdi ku xabko guranaya oo aan is dhaamin.Ninka hadda sawirkiisu muuqdo culimada ay ka talo qaataan ururka ayuu ka mid yahay wana ninka sidaan u hadlaya.
    Waxan weydiin lahaa nimankaan caalmkaan muslim iyo gaalo waxaa badan oo badan gaalo, jihaadkiinnu ma inaad laysaan oo qastaan oo madaxa culimadooda ka jartaan inti ayadu awalba muslimka sii ahayd oo aadan hal xarafna u kordhinbaa.Dadka aad laynaysaan maxaad ku laynaysaan ayagaa islaam sii ahaa adinka oo aan jirin sidi ay wax u barteen ayayana rabbigooda u caabudayeen ee haddaad aqoon leedihiin maxaad aqoontaas miiska u soo saari weydeen oo dadka u bari weydeen ma xabbad iyo mindi dadka in lala dhex qaado ayaa jihaad ah. Inta aad sumcaddi islaamka baabi’iseen muslimiintana u geysateen ayaa weligeed laga soo kabsanayn Allaha hanuuniyo nimankaan oo xaqa ha u bayaaniyo. waxanan kula talin lahaa cabsi dad diin laguma geliyo ee qalbigooda oo la nuuriyo iyo maxabbo iyo naxariis ayaa diintaanu dadka ku gashaa kuna waartaa.hadaydaan aqoon dadku idinku raaco oo idinkugu soo xereeysto sidi min Herer ilaa Baardheere ilaa Beledweyne ilaa Seylac ay dadku isaga safri jireen ayagoon qofna qasbayn dee mindi iyo basuuke cidna usoo safri meysee ogaada.

  22. asc horta xassan waa kum? intiinaan sheekh ku sheegin
    waa wiil asagoo aan hikaadda baran kutub waa waayn daalacashadoodo ku khafiifay markaas ayuu ku dhex waashay oo saxiixiyay oo daciifiyay axaadiith oosan garanayn xukumkooda ooo aqwaal iskasoo raray ilaa uu noqday in ka badinimo badan toomulxakiiim
    من رام العلوم بدون شيخ أضل عن الصراط المستقيم
    وتلتبس العلوم عليه حتي يكون أضل من توم الحكيم

  23. war heeedhaha xassaan xusseeeeeeeen waa wiil waalan oo taageeradooda ka mid ah ee ma ha alshabaaaaaaaab saas fahma qiyaado ma aha talo kumaleh laakiin shuhrada iyo doqon nimada baa meeesha la gashay bal hada suu ugu dhiiraday day beel dhan inuu khalad ku xukumo una tiiriyo inay ka aamusanyihiiin halyeey ka dhashay beesha uu sabab satay fadwadiisa iyo fadwada raga lamidka ah wassalaaaaaaaaaaaaaaam

  24. Aniga kalay waxaa ii baxay. Sheekhu inuu lee yahay. War Leelkasow see bay kudhacday in Dr Ahmed ladilay oo wali u fadhidaan. Maad Majeerteen laysaan. Tuhunbaan ka qabaa buu ku lee yahay aamusnaanta Beesha Leelkase.Sheekh Qabiilada kala dajiya ayaan arki jiraye masheekh dhahaya reer hebelow maxaad la fadhidaan baad aragtee. Teeda kale haduu hubo cida dishay waa siduu lee yahaye. Muu Shabaabka uu beenta u akhriyo intuu la hadlo runta u sheego. Illaah baa mahadleh ka hadal siiyay Xassaan Xuseen waayo qofkasta maalin baa labartaaye baranay.
    WAR WAAKAA WADAADKII SII DABAYSHADAY. MA CAALIMBAA MISE NIN CIILQABA.

  25. AS.
    Walaalayaal hadal badni haan ma buuxsho ayey soomali ku maah maah day waad arkeysaan waa la kala baxay nin wal baan afkiisa furey wuxuu rabo sheeg anigu waxaan oran lahaa Xasaan ayaa ah kan is taahila in isaga maanta qoorta loo dheereeyo iyada oo lagu qaadayo fatwadiisii uu isagu isu fatwooday ” Wadaadadda haloo dilo fitanta ay dadka fitneeynayaan iyaga oo aan gaalnimo loo dileeyn ee fitnadooda ayaa dadka la dhaafinayaa” isaga ayaa ah fataanka koowaad oo ay dhici karto in dhalin yaro aqoon yariyi hayso in aya ku kedsoomaan oo waxaa diin moodaan in tuu xoogaa been ah isugu toos toosiyo oo diin uga dhigo, Isagana waxaan oran lahaa DHAGARQABE Tanade daarood waa ku ogyahay cidii sheekhoodii disheyna waa ogyihiin, adigana ku weydiin maayaan intaad shalay dilkiisa fatwootay, markii la dileyn in aad tiraahdo wadaad afgaaban buu ahaa Allaha u naxariisto, liiska dadka dilka ku xukumana kuma jirin waad nagu aragtay

  26. waxaan dhihi karaa hasaan waa mid ka mid ah balaayooyinka dalka soomaaliya ladagi la’yahay. Ilaahay asaga iyo inta ku fakar ahba dadka haka qabto

  27. asslami alaykum walaalayaal waaxaan soo xasuustay bayt ku jiray munthuumada abii isxaaqal biiri oo dhahaysa وإن ألقاك فهمك في مهاو … فليتك ثم ليتك ما فهمتا haduu fahamkaagu haadaan kaa tuurayo waxaa luguu qaatay inaadan waxba fahmin,, marka hada shiikh xasaan waxaas kitaab gadaashiisa ka muuqda ma waxaa uga soo baxay faham ah culumda hala laayo ilahayaow na sug oo dhiig muslim qoorta hanoo galin waliba mid culumo, shiikh xasaanow fahamkaada waa kuu kaligaa reer xamarka waxay dhahaan filankaas aybaa cunay, wax soconaaya noo keen shiikh

  28. Asc wrwb
    koley ma rabo inaan hadal badan dhaho laakiin waxaa aad iiga yaabiyey ninkan xasaan ah oo dhibkii dhacay dilka shekh dr ahmed ka gadaal raba inuu sii huriyo dab ama dhiilo qabyaaladeed oo raba inay ummad dhan isku dhamaato. mida kale sheekh buuba ahaa maxaa mar walba afkiisa qabyaal iyo qurun kasoo yeeriye cajiiiiiiiiiib. ilaaah hanawada xifdo ninkaasina shartiisa allah naga qabto.

    wabilaahi towfiiq

  29. al shabaab xalkooda kowaad waa dil , qofkii mucaarada fikradahooda ama ama saxa qaabka jihaadka waa gaal ama waa in la dilaa , somali dhan baa og taaa…

    dadweenow bal ila dhageesta waligey shiekh nin sheegtay oo arin saas u taxliilinaya ma aanu arag , bal dhageesta marka uu leeyahay godane reer buu ka dhashtee oo laan dheere ah , waxaan moodaa nin suuq fadhi ku dirir jooga, diini kama soo ureeso hadalkiisa dhamaan…

    la macaana dhiiga muslinka, diinta been ka sheegteen , islaamkii baad wajiga ka qaladeen , teeda kale qofkasta ay dilaan waa masaajid marka uu ka soo baxo ,

    waxaan xasuustaa nin aan qaraabo nahay baa xamar iigu yimid hargeisa ka yimid salaada masaajidka kuma tukan jrin , waxaan moodi jiray in uu yahay taarik al salaat , maalin inagoo isla socona baa maqrib jidka inoogu galay, masaajid baan ku leexday wuu isoo qabtay wuxuuna i yiri “miyaadan ka cabsaneynin in lagu dilo masaajidka” waxaan waligey maqli jiray masajidka baa la isku gowracaa xamar isagii oo naxdini ka muuqato

    imisa ayey masaajid nacsiiyeen oo muslim ah , imisa ayey nacsiyeen islaamka dadka aan muslim ka aheyn

    shawahuu suurat al islaam shawaha allahu suuuratkum

    waxaase ka liidta xarakadii sheikh mufti ah ka dhigtay xassaan , khaabo wallahi,waxaan ku jiray raggi lagu qarxiyey shamow hotel waxaan u maleenaayaa ninkaan u ka dambeen kara ba iftadiisa baan u jeedaayee

    waxaan se la qabaa arinta walaalheyga ay ka dhawaajiyeen “Xassaanoow dad badan baa kuu arka inad wax fasaadinayso ee malaguu dili karaaaa.. asabta”

  30. ASC, war hee dhahaya, waxaan maqli jiray xaqu haddii afka la qabto feera ayuu ka dilaacaa, tani waa nin sheegta ma dhaafto,Shiikhan Xasaan haddaanu dilka Dr Axmed X. C/raxmaan wax ka ogeyn maxaa ogeysiiyey, 1. in nimanka dilay 3 ahaayeen, 2. in ay Galmudug galeen, 3. in ay arin qoys iy dacwada la kala xumay u dileen 4. in ay Shiikha isku beel yihiin,xogtaa sidaa u tafaftiran yaa heli kara, waa qof wax og, ku darsoo isaga ayaa horey u fatwooday in Culimada la laayo, waxaan qabaa arintaas waa cadayn ( Proof). Mida kale Shiikh ehelu diin ah ayuu sheeganayaa qabyaaladuna afka ayey ka saaran tahay, ku lahaa Godane waa laandheere war ma fadhi ku dirir ayuu ka sheekaynayaa, Daarood ayuu wax ka sheegaya lakiin isaga ayaa hadalkiisa laga dareemayaa cuqdad iyo caabuq oo u hayo Daarood, wuxuu isku dayayaa inuu Beesgha Tanade kiciyo oo meel aan waxb jirin ku jiheeyo, All caqli yaraa ( duq gaboobay iyo wiil yar baa loo dedaa hadale diirkaan ka garan xaajadaada dabaqa saarteene’ ayuu yiri Qaman Bulxan. isagu caqliiisa yar wuxuu is lahaa wax iska fogee oo jaahwareerin iyo khalkhalin abuur lakiin waxbuu isku cadeeyey. walee hadaan wax aqaan dilka Sh. Axmed kaaman sokeeyo kaamana shisheeyo. Quluubul caarifiina lahaa cuyuun. shabaq buu galay dheh ama 36 buu dhex fadhiyaa, war yaad been u sheegikartaa oo meel cidla ah afka u saari kartaa kitaab gaabyohow. By Baandheeye

  31. Idinka qudhiinu inaad sheikh ku sheegtaan jaahkaa waalan waa inaad tidhaahdaa shaydaan Xasan wuxuu yidhi, take beentu waa saldhiga madaahibta khawaarijta , waligoodba been intay wax qarxiyaan ayay ka dhaartaan, maalmo ka dibna way ku Faanaan

  32. ww ninka kaliya ee aan qabiila udoodin oo ay kukala tageen walaalkiss sheekh umal ninkana wax yaabaha lagu garto diin wanaa giisa waana nin alle basah kabaqa kuwa badan oo cilmi lagu tuhmayana xaqiiqada isaga ayaa ka aqoon roon markaas iska daaya darwiish culimada ee aan nina kabaqan allaah mooyee kuwiina aywax is kaga qasmeenaw iska aamusa hadiikale xaq ku hadla

  33. waan idin wada salaamay waxaan layaabay ninka kahadlaya codkan cajalkan aan gaystay eeleh waxay marayaan waa nin og hawsha waxaase kadaran markuu leeyahay beeshii uu kadhashy eetanade may hadlaan wuxuu doonayaa in uu beeldhan dhiig galiyo oo wada waashaan walal

    anigaa tanade ah kunaleh ilaahay jano haka waraabiyo sheeku soomali wayn buu kadhashay kanatag sidaa carab laalaadinaysana waxaad rabtaa in aad leelkase nag kadhigto waxba waxaad sheegaysana alaha kugu celiyo hada tahay ninkan kadanbeeyey sheekha dhimashadiisana alaha kuu dilo silic iyo saxariir ama alaha ku hanuuniyo sheekhu walal kay qaaliyuu ahaa aanjeclahay wuuna dhintay jano iyo raxmo alaha siiyo ilaahayna waxaan ugabaryayaa soomali wayn iyo familkiisii in uu samir iyo iimaan kasiiyo siiba gabdhihiisii yaryaraa oo aad u qaracmay, ee ninka lehoow tanadoow dagaalgal waxaa dagaal ugu danbaysay dagaalkii ladiid iyo lafatanade mardanbe latuumin maayo tanade vivo. ilaahay u samra oo adkaysta wixii dilay ilaah hortiis bay imanayaan
    laakiin aanu ilaalo xoogleh dhigno masaajidada iyo culimada iyo wax garadka ladoonayo in lalaayo aanu ilaashano axmed xaji tag eenu ilaalino raga lamidka ah ee noo haray oo feejignaada oo toosa puntlan waa hurudaa iska daaya mashquulkan baas eed isku mashquulsan tihiin iyo nacasnimadan wax garadkiinii iyo xoolihiiniiba loo gubayo eed sii jeedaan wayoo way aaway dadkii feejignaan jiray ilaahow naciil bixi oo soomaali isukeen oo midee yaarabi.

    • asc wr wb walaal sulekha hadalkaada ma xumo laakiin wuxuu lee yahay dalab kaas oo ah qabyaalad iyo ceeytan sheekh xasaan xussen wax uu ka hadlay xog soo gaartay qofkanah xokta weey soo gaari kartaa adoo joogo meel aanan dhoweeyn oo waxaa xogta ku soo gaarsiini karo qof goobjoog ah oo garanayo wixii dhacay anaga sheekh waxaan ku tuhunsanahay pis waayo ula jeedo beey ka lee yihiin su aal baan ku weey diinayaa adoo raali ah caqlina isticmaal dowlad dhan oo putland la dhaho intii la dilo nin dhan oo magac leh oo sheekha umada soo maaliyeed ah nimankii dilay illaa hada mala soo qaban la yahay ??????????????? hadii eeysan pis ta ka danbeeynin fadlan jawaab isoo sii? adoo raali ah emailkana igu soo sii jaamac2003@hotmail.com

  34. asalaamu calaykum.
    waad asiibtay ninka comment ka soo qoray leh Xassaanoow dad badan baa kuu arka inad wax fasaadinayso ee malaguu dili karaaaa.. asabta
    sc

  35. cafwan Takar baan ka hadlaya
    shiekh xasaan kama hadlayo sheikh xasaan inkasto
    uu culimada daba maray hadana asaga kuma sugna in xadiith dajiyay cafwan

  36. asc anigu maba aaminsani in xasan takar hadal laga dhagayso ama qoraalkiisa lasoo qoro kadib markii ay ku cadaatay in uu Rasuulka csw ku been abuurtay,. walaala webkan leh waxaan ku baraarujin ninka Rasuulka csw ku been abuurta waa kadaaab hadalkiisuna waa Mowduuc waa mid la dajiyay marka culimadan is cayrsanaysa ha ii dambayso lkn ninkaan hadalkiisa ka fiirsada waxaad la mid tihiin idinkoo jooga xiligo culimadii xufaada ay joogen oo xadiith been ah lagu ag sheegay shaqsigaas ay ku qabteen asagoo xadiith beena sheegaya hadalkisa ma dhagaysan jireen waa maya
    Axmed ibnu xambal waxaa laga wariyay xataa hadduu toobad keeno shaqsigaas xadiith dambe ka dhagaysan mayno kuwiisi kalana waan iska tir tiraynaa marka ikhwaanii ka fiirsada in aad soo rartaan ninkaas hadalkiisa zkmllaah khayr asc

  37. Xasaan way iska cadahay cidda waxa usoo sheegtay waa amniyaadka alshabab waana nimankii ku yidhi markay ardayda laayeen waxan dillay murtadiin ee isaguna uu yidhi waxii meesha ku dhintay laba qof oo keliya ayaa muslimiin ahaa inta kale murtadiin bay ahaayeen taasina waxay ku tusaysaa fikirka takfiiriga ah ee alshabaab iyo xasaaan waaayo haduu daacadyahay dhinacyada oo dhan iyo dadka somaliyeen hadalkooda ayuu ictibaarin alahaa laakiin murtadiin ayuuba ka aaminsanyahay middan uu dhahay aano qabiil baa loo dilay iyo cidii disahay baan ogahay waan in la waydiiyaa waxa uu ka ogyahay midda kale sh.xasaan been ayuu ka sheegay markuu dhahay dr. ku muusan ahayn ragii alshabaab kasoo horjeeeday waayo dr.ku wuuxu ka mid ahaa ragga fikirkaasi ka diga kuwa ugu waaweyn

  38. walaalyaal aad ayaad usalaamantihiin waxaan layaabahay xogta xasaan uu sheegay, waxaadba moodaa dadkii sheekha dilay in ay la soo xiriirayeen, oo ay usheegayeen meesha kolba aymarayaan,

    xasaan waxaa la ogyahay biilka inay siiyaan xarakada uu ufatwoodo, maadaama shacabweynihii muslinka ahaa ee uyeeran jiray ay ka shakiyeen, laba qeyboodba ay ooga shakiyeen ninkan oo aad moodid inuu cadowga umada muslinka ah u shaqeeyo 2 cadow maxay yihiin. midi waa mide, waa alshabaab, iyo gaalada, waxaa jira qofka aduusan xataa sitoos ah oogu shaqeynin, sidadban ayuu ushaqeynkaraa,
    xassaan xuseen waxaa la soo ogaaday dhalinta ku xiran, in ay mid walba buufis meeshan ujoogo oo uusan ujoogin inuu in uu wax faa idaysto, waxaa lakaloo la soo ogaaday hal nin oo xataa jihaadkii xabashida somaliya ay ku soo qaaday mid hore iyo mid danbaba inayna ka soo qayb qaadanin kan hada ay ku sheegayaan inuu xaqyahayna, aysan usoconin.
    sh.xasaan. maalin aniga inta aan ka warqabno sirdoonka kenya ayuu lashaqeeyaa markii ay ka dhamaystaana, way xiri doonaan,
    mida kale, ninkan aduu aaminsanyahay inuu jihaad yahay, waxa soomaaliya ka socda muu baxoo wadanka gaalo iskaga hijroodo. waa arin cajiib ah oo layaab leh, aniga waxaan ahaan jiray, mujaahidiintii soomaali galbeeed ama itixaadkii ethopia ka dagaalami jirtay, xasaan oo suufi ah waliba deg mooyin iska soo sharaxay ayaa la ii sheegi jiray, magaciisana waxaa layiraahdaa DAQARE.

    mahadsanidiin

  39. ACWRWB,

    Halgan.net waxaan idin leeyahay Allaah haydinka aqbalo camalkiinna wanaagsan oo haydiin barakeeyo.

    Horta Allaah waxaan waydiisanaynaa inuu soo ifiyo ciddii xabbadda u quurtay Shiikh Axmed Xaaji Cabdiraxmaan, waana ku kalsoonahay in Ilaah ka saarayo isku tuurtuurka Shiikha dilkiisa.

    Waxaa aad u xanuun badan in baraarugii muslimiinta, siiba, kii Soomaaliya dad gaar ahi isku dayayaan inay afduubaan oo u jeheeyaan meel aan haboonayn.

    Waxaan ka xumahay inaan la qabanayn Shiikh Xasaan ilaa u ka caddeyo cidda dishay Shiikha,sababtoo ah waxaa jira wax la yiraahdo WAA NIN SHEEGA MA DHAAFTO. Waxaan soo jeedinlahaa in Kenya laga dalbado inay Shiikh Xasaan qabtaan sababtoo ah waa qiraal yaab ah oo aan orankaro waa bilawgii soo bixida jariimada. Waxaad mooda in Shiikhu arrinta si aan miisaan lahayn oo fudud uga hadlayo.

    Xaashaa Lillaahi Shiikh Axmed Xaaji Cabdiraxmaan Allaah baa ka kor mariyay nin magac qabiil loogu aaro,Soomaali iyo Muslim oo dhan baa diyaar u inay ugu aaraan Allaah darti, marka Shiikh Xasaan waxaan leeyahay si wayn baad u simbirixatay!

    Shiikhu wuxuu ilaaway inuu hurinayo dabkii diinta islaamku ka dhex damisay Aws iyo Khasraj, wuxuu doonayaa inuu qabaa’il isku diro si uu ufuliyo wax aanan garanayn, laakiin koley Shiikha hadalkiisu waa hadal dalab leh, Soomaaliduna waxay tiraahdaa carab dalab leh laga garan og lug dalab leh.

    Shiikh Xasaanow walaal codadkaaga aan dhegaysta islama haystaan codka aad ku hadlaysaanaa maaha codkii aan culimada uga baranay, waase akhiru saman!

    Toobadda Allaah hayna waafajiyo dhammaanteen.

  40. asalaamu calaykum,,,,,, marka hore anigu waxan kamida ahay ardayda dhigata machadul furqaan ee culummta shareecada sh. ca.naasir x.axmed xafida hulaah u masuulka ka yahay runtiina waxan ahaa ninka kaliya ama dhowrka nin ee sh. xasaan xuseen udooda taageera madama aanu mujahidinta kku jirnay xitaa aan ka xalqado kaga hadlay kuna difaacay sheekha mar caalim wayn oo naga mida uu ku sheegay fataan lakin hada sheekha waxad moda in fataankii lagu sheegayay uu yahay markaa sh.xasaan hadan helayo ama uu maqaalkaygu gaadhayo waxan waydiin lahaa hal suaal,,,,,,,,,,,,, sh, xasaan xussen aadam waaxa jirta culimo kaa cilmi badan kuuna arka nin dhalinyaro ah oo wax fitnaynaya,,,,, fasaaadkaguna uu ka daranyahay ka duqaada iyo muxaribinta musliminta ah markaa culimadaasi li fasaadika maku dili karaan oo marka laga yaabo in aad ilaahay hortisa cudurdaar ka hesho ileen wax ban ta’wilataye ood shahiid ka noqoto ama aad la waydo oo waxaan filayn ay kuu soo baxdo

  41. salaamu Calaykum
    aad baan ugu mahad noqoyaa Halgan.net sh xasaan waxaa leeyahay ehelada dr.ahmed ha dacweeyaan hana wareystaan wuxuu hayaa macluumaad badan ninka helay cida gacanta ku dishay in puntland ka baxeen oo galmudug mareen hadana ay ku sugan yihiin gobalka Galgaduud wax buu ka ogyahay dilka dr ahmed Xaji C/raxmaan raximahulaah ee ehelada dr ahmed ha ka kacaan meesha hana dacweeyaan

  42. yaa ogeey siiyay sh xassan dilka sh axmed cidiika danbeysay waa yaab”
    ma inta fatwadiisii lagu dilay baa loo soo shegay?

  43. acww
    dad badan baa waxay u arkaan in aad wax fasaadinayso sh.xasaanow.
    -Marka fasaadkaaga ma laguu dili karaa?
    -ninka ku dila ma mujaahidbaa adiguna ma shahiid baad noqon?
    -alshabaab fasaadka ay wadaan dartii ma loo layn karaa?
    -qabiilada iyo ururada kala gadisan mid kasta ka kale fasaadkiisa ma u dili karaa?
    -Hadii ummada soomaaliyeed midba midka kale fasaadkiisa u dilo maxaa hadhi?
    wcww

  44. ninkii sheega ma dhaafto, waa in soomaali oo dhan ay la xisaabtamaan xassaan xuseen, illeen isagaa xogta ciddii sheekha dishay hayee, waa in arrintaa aan la dhayalsan ee ninkan maxkamad lala tiigsadaa, hadduu yahay nin iska hadla inta uu cafimaadayo waa in lagu hayaa xabsi ama cusbtitaalka dadka waalan, hadduu si dhab ah u hadlayna waa inuu sheegaa magacyada dadka sheekha dilay iyo halkay kasoo jeedaan.
    waxaan la yaabay axmaqnimadiisa ah” sheekha dad uu kala xukumay oo arrin dumar ku saabsan uu u kala xukumay oo u arkay inuu ka eexday ayaa dishay” iyo ninka PIS-ta haysta ina adeerkii ayaa dilay!!!!!!!!!
    xagee iska galaan labadaas arrimood?! haddii PIS-tu ay sheekha dishay waa iska caddahay in arrimo siyaasadeed loo dilay, haddii qolo istiri wuu idinka eexday ay dishayna waa arrin kale.

    balse sheekh axmed goormuu wax kala xukumay? xaguuse ku kala xukumay? yaa ogaa markuu kala xukumay? ilaah baan idinku dhaarshaye ma iska fiirsanaynaa ninkan sida axmaqnimada ah isaga hadlaya, oo hadalkiisa ma hawadaynu raacinnaa? wallee soomaaliyey haddaan kanoo kale la iska qaban inaan weligeed xal la helayn.

    waddaa inoo furantay waa inaynu ka sal-gaarnaa oo ninkan meel uga soo harnaa, waa haddaynu si dhab ah uga naxayno sheekh axmed, culimadeenna kalena aynu rabno badbaadintooda.

  45. asalaamu calaykum
    walaalayaal cajaladihii ay ku fatwoodeen in culumada la dilo qofkii hayo ha soo geliyo

    • A.S.W. Walaale waxad kaheli kartaa halgan.net hadeer asagoo “leh waa ladilayaa li fasaha-dihim bana loo dilayaa”
      1. wuxuu yiri kan dilaya waa mujaahid kan ladilayana waa shahiid raatana in uusan galin baa laga yaaba.Hadhahayo waa gaalo ku daray.
      2. maraakista ay ka taliyaana lahaga qaado oo culumo kale oo halganka la shaqeyo haloo dhiibo.
      3. hadii lawaayo taas haladumiyo oo kaare halamariyo yiri.
      hada dhagayso wax intaas kabadalan hadaad aragto ii soo sheg.

  46. äscw walaalyaal waxan wa arin layableh oo mucjiso ah lakin ninkan xasan xuusen ah arinti diil ka dr axmad alle ha unaxaristee isaga aya kadabaye waayo somalidu wax ey dhehda xaqu feraha ayu ka dilaca hadana dabkale ayu hurinayaa wayaab waxan layabanahay sida xaqu u sobaxayo waayo dhigu ma qarsomo adunkana la jogi mayo wadadu iyo diina wa sheganayan lakin malin wax jirta yuuwma idin minhum shaniyuqnii qof walba la xisabtamidoono malentas waxan kuleyahay xasanow alle u noqo inta ad aduunka kunoshahay toobad keen alle u noqo fadwoyinka ad bixineyso oo diinta u cuskaneyso kajoog oo alle tobad weydiso illahay wa khafuru raxiim tobadisu wa furantahay hadana wa shadiidul ceqaab oo cadabtisu adagtahay war ka joog waxa ad samayneyso waxan ku shegaya qof walba oo muslin ah oo fadwo ad bixisay mid caqliyar ku dilo in ad adigu lidahay denbigaas akhirona xisaabtas kuu taalo illahayna jasadeeda ku siinayo hada ka joogso hadikale meel daran ayad ku damayndonta belaha walaal ah ah oo ad isku direysona umalanmayo caqligaga in ey qadanayaan waayo adiga oo kale wax lagama qato wana lagula xisabtami doona dilkas dr axmed wa lagala xisabtami doona waayo lug weyn ayad ku ledahay xag aduun iyo xag akhiroba wa lagala xisabtamin iyo inta ad ku lugledahayba war alle ha ka benshegin alle wa ku arka laba malag ba garba ha kasaran karaman katibin ba ku qoraya hadaba joog marka dilki lafuliye oo nimanki galmudug dhafen ba xaqu ka hadliye ila dhigo wa belo ee illahay inta dhimana hasobiyamiyo insha allah

  47. Xassaan waxaan leeyahay warkaaga war badan baa iga raacay, rafasho badan iyo qabiil la cuskado waxaa sii dheer taqajuminta reerka tacsidu u taal! Hadaad maqli jirteen markii mid laga dilo 10 bay soo dilaan waxay ahayd meel ay wax ku hubaan, waana lagu yaqaan inay marka hore wax hubsadaan ee ha ka hor dhicin. Shabaab haday noqotona wallee war baa u yaal ee waa laandheere waxtari mayso reerkaanuna ma yaqaan.

    Tanade waxaan oran lahaa malaha meel kale in la idiin sii jeedshaa la rabaa oo inaad baaritaankii ku biyokeenteen baa la ogaadaye iyana u baraarugsanaada.

    Culumada ha la laayo, macnaheedu waa sariix, macna kalana ma qaadee ama tawba dhaha oo is daba qabta ama u diyaar garooba ninkii libaax hurda sanka ka taabtaa isagaa ka war bogiye.

  48. ASALAMAU CALAYKUM..
    ANIGU WAXAAN LA YAABA SHIIKH XASAAN OO LAGU TUHMAYO CILMI LAAKIIN AY KA MAQAN TAHAY SAXWO NIMADU INAAN LALA YAABIN SHIIKHU HADUUSAN SOOMARIN XARAKO OO UU KA SOO BOODO DACWADA IYO HAWSHEEDA OO UU LA KOWSADO TIYAAR SOCDA MEEL UU KAGA HADHO MALAHA WAA MEESHA KELIYA EE LAGU DHAGAYSAN KARO DURUUSTIISA IYO MAXAADAROOYINKIISA ,, SIDAA DARTEED WADAADKU KOLKII UU SUUFIGA AHAANA WAXA UU AHAA KUWA KU DAGALAMA HADEER UU UU TAAGEERO YARYARKA WAX ISKAGA KHALDAN YIHIINA WUU KU AD ADAG YAHAY LAKIIN WAXAYNU SUGNA WAA MUDO GAABAN INTA UU KA DHIHI DOONO SAAS MA MOODAYN…KOLKAAS DAAYA WADAADKA WAX BADAN BUU AKHRIYEY LAKIIN HAL JAANIB BUU DIINTII OO DHAN KA QAATAY JAANIBKAAS OO LA DHIHI KARO WAA WASIILO KU GAADHSIISA DIINTA EE MAAHA ASAL… ASLKU WAA INUU DACWADA WADO HADUU FAHMAYOOO ….. KOLKAA QOF WALOWBA DHEGAYSO WADAADKA CAJALADIHIISA SIDA AY ISU BURIYAAN WAXAAN AAD U DIIDI JIREY KOLKAY QOLADA LOO BIXIYEY SELEFIYA JADIID AMA MADKHALIYIINTA AY ISU KEENI JIREEN HADALADIISA IS RADINAYAA MARKAA WAXAAN DHIHI JIREY MAXAY KA RAAN SUUQA HA SOO GALEE HADA SUUQA SOO GELYE DAAYA ..OO U CUDUR DAARA ILAAHAY WUU TUSI DOONAA KHAYRKA SOO BAXAY IYO JAAHILNIMADA AY YARYARKU WADAANE….
    ALAOW SAHAL UMUURAHAA LIBAAX SEXDAY BAY RAG SALAAXEENE……..
    CULUMADII SELEFIYIINTA WAXAA LOOGA TAAG WAAYEY KUWO YERYAR OO XIIQSAN OO DIINTA KA BARTAY DADKA HALA DILO….
    ASALAAMU CLAAYKUM..
    ALHAJAI JAMA
    TOOSI LUQUNTAADA

  49. Anigu waxaan qabaa waa ninsheegay madhaafto waana raad iftiin wanaagsan ah ninka yiri meeshay marayaan baan ogahay inta nin oo ay yihiin baan ogahay wuxuu hayaa more information mana ahan in la,iska dhaafo ee waa inla waraystaa sidii uu kuhelay all information waa in ay waraystaa hayada loo yaqaan gather information waxaay ilatay bidhaan fiican oo ah meel ladaba galikaro maxaa dhacay oo howshaas loo gali layahay??????????????

  50. aniga waxaaba ii soo baxday in dilka dr axmed cidii dishay uu sheekh xasaan la socday illaa inatay gal gaduudu ka gaarayeen markuu ogaadey inay puntland ka baxeena uu hadda doonayo inuu dad walalo ah dab isugu dhiibo, aniga aragtidayda waxaa ii cad in xasaan uu yahay qofkaamarkaba bixiyay lagu dilay sheekh axmed waayo wuxuuba la socdaa ragii wax dilay meeshay cawa ku hayanayaan.ilaahay baa afka sheekh xasaan ku kashfiyay kuwii dilay sheekh axmed . sheekh xasanoow alshabab aakhiro ku difaaci mayso ilaahayna waaog yahay xaqiiqida garbahaagana malaaig baa saaran maailnta qiyaamo fatwooyinkaagu ku difaaci maayaan ee ilaahay ka cabso dhiiga muslinkuna maaha wax sahlan ee dib ugu laabo oo alaah toobad weydiiso o taada bad baadi alshabaab maalin aadan bad baadin doonin baa iman doontee,,,

  51. Asalaamu caleeykum, walaalaha Halgan waad ku mahadsantihiin dadaalka, umada waxad u haysaan howl qiimo badan, Allah haidinka abaalmariyo.
    Hadaan u soo noqdo hadalka Xassan, waxaa ii muuqata inuu yahay nin xeeyraan ah ama wareersan oo aan ogeyn waxuu ku hadlay saacad ka hor.
    Waxaan isweeydiiyaa marwalba, Dowlada iyo shacabka Kenya maxaay sugayaan? Mawaxaa la calaacali doonaa markuu umad badani halligo!!!!!!!!!!!!

  52. masha Allah ILAAHY HA XIFDIYO SHEEKH XASAAN XUSEEN

  53. xasaan xuseen walee cagtii joogsan waydaa marbay ceeb la kulantaa
    nin intuuna wax baran ka hor dhaca oo u yar cilmi iyo da’a intaba
    inuu wax badan isku dhex qasi way muuqatay, waxaa kale oon kuu naxariisan kuwa mustawahaagan adoo maraya markarafoonka kula hoos orday
    walee kuwaasi waxay ku gowraceen sakiin la’aan, inbaddan hadii cilmi iyo caqli miduun kuu kordho waad ka shalaayi , waxan aad dhex batalaqsatay. waaba hadii wax bartood kuu korodho.

    Nabigu s.c.w wuxuu yidhi (عَنْ ثَابِتِ بْنِ الضَّحَّاكِ عَنِ النَّبِىِّ -صلى الله عليه وسلم- قَالَ :« مَنْ حَلَفَ بِمِلَّةٍ سِوَى الإِسْلاَمِ كَاذِبًا فَهْوَ كَمَا قَالَ وَمَنْ قَتَلَ نَفْسَهُ بِشَىْءٍ عُذِّبَ بِهِ يَوْمَ الْقِيَامَةِ وَمَنْ رَمَى مُؤْمِنًا بِكُفْرٍ فَهُوَ كَقَتْلِهِ وَلَعْنُ الْمُؤْمِنِ كَقَتْلِهِ » . رَوَاهُ الْبُخَارِىُّ فِى الصَّحِيحِ عَنْ مُوسَى بْنِ إِسْمَاعِيلَ وَأَخْرَجَهُ مُسْلِمٌ مِنْ وَجْهٍ آخَرَ عَنْ أَيُّوبَ.)

    hadaan dul istaagno qaybta uu nabigu s.c.w ku yidhi :

    (وَمَنْ رَمَى مُؤْمِنًا بِكُفْرٍ فَهُوَ كَقَتْلِهِ )

    oo ah (qofkii mu’min ku gama gaalnimo wuxuu lamid yahay sidii isagoo dilay)
    waxaan leenahay badana inta uu xasaan gaalaysiin dilka kagala qayb qaatay inta wax dilaysay. marka wadaad falaadhi gil gilasho kaagama hadho la soco, e hadba buur isasaarka iska yaree is daji miyaadan ogayn axkaamtan aad ridayso in la isaga daba imanayo, oo sh axmed imaam xataa isaga dhiigiisu ma fataatiirbaa miyuuna nin muslim ah ahayn
    walee waad lulataa wiil yahow yari.

  54. Salaamu Calaykum
    waleee reer kadeed war baa heysata war alle ka baqa waxaan diin maaha nin kitaab uu qoray Maqdasi soo daliishanaya oo leh ciyaalka akhriya
    war culmada Jaziira sida Ibnu Baz Cuthaymiin Sh Saalax Fowsaan iyo culumo badan muu ciyaalka ku xiro Sheekh xasaanow qofkii fatwadaada lagu dilo alle baa kaala xisaabtami doona ee intaad aduunka joogto ka laabo.

  55. Bashiir walaal waad asiibtay, Xasaan isagaa dilay dirtoorka iyo kuwa nool hada oo wadada soo haya. marka aad wiilka yar ee xamaasadu diinta utahay, ee nashiidooyinka qub iyo qac leh dhagatireen, fataawooyinkaagana looga dhigay waxyi ma seega ah, aad farta ugu fiiqday, xasaanoow, hadii ay jirto cadaaladi adaa dilay sheekha. Waxaase kula wadaagaya kuwa kula wadaagay ayaamahan danbe, fataawooyinka dhiinka ah ee dhiiga culumada iyo cuqaasha ku dhereg dhacsanaya.

    Waxaa kale oo kala cadaaday wax badan oo qorsoonaa oo is huursanayey. Waxaa xusid mudan iyo ildheer garadnimoba in loo qiro Sh. MAxamuud Shible, M idriis, iyo abyad iyo dhamaan culumada qalinka uqaaday ama carabka ku cadaysay qalooca iyo inxiraafka afkaartan guracan ee al shabaab soo xawishay.

    Xasaanoow, hadaad ogtahay ninkii dilay iyo inoo soo samata baxay, qoosimaad bay taasna leedahay? waxayna cadaynaysaa inaad wax ka ogayd oo waliba talaabo talaabo u ogtahay meesha ay hadba marayaan.

    Ninka dhiiga qaba ishiisaa laga gartaa, afkiisana waa laga fahmaa, falaari gilgilasho kaaga hadhi mayso. Warka al-shabaab ee sheekha ku aadan waa tanaaquday, mid yiraahda Pis baa dishay, mid yiraahda aano qabiil baa loo dilay, mid yiraahda ninuu ka eexday baa dilay, warkiinu salbabakh baa ka muuqda oo dakanada calamadaheedii oo dhana waa idinka soo daahirtay, waana la xisaabtamayaa, ee taa ogaada xasaanoow dilka culumada ku celceli ama ku rakaado waa a iskaga imanayaa?

  56. Bismillaah.

    sheekh Xassaan inuu ka mid yahay Alshabaab ma aha wax laga shakiyo. Walaalka maqaalka soo qoray maba ahayn inuu inuu arrintaa su’aal geliyo.
    Sheekh Xassaan Xuseen wuxuu ka mid yahay halbowlayaasha waaweyn ee alshabaabka waraabiyabiya fatwooyinka ay ku hawlgalaan.Wixii iska cad ee muuqda yaan mugdi la gelin.

  57. Ilaahey ha idin xifdiyo HALGAN.NET sida wanaagsan oo aad wax u caddeenaysaan

  58. Salaamu Calaykum
    halgan.net ilaahay ha idin xifdiyo si wanaagsan baad yeesheen walaalkey iga horeeyey ee Bashiir waad asiibtay ha la iska cesho shabaab khayr ma leh

  59. Waxaa la yaab leh oo aad markasta maqleysaa culimo aan afkooda wixii shalay ay ka yiraahdeenba aad moodo inaanay xasuusanin maanta amaba hadalladoodu isburinayaan waxaan taas ula jeedaa sheekh xassaan wuxuu hadda ka hor dil toogasho ah ku xukumay oo uu fatwooday in la dilo nin kasta oo culimada ah oo ka soo horjeesta ama wax uun fikrad khilaaf ah ka muujiya wax uu ugu yeeray HALGANKA maanta caalamka ka socda( dabcan waa dagaalada Alqaacidda iyo agentiyadoodu caalamka ka wadaan sida alshabaab kan ay soomaaliya ka waddo), waxaadna hadda maqleysaan sheekh xassaan oo ammaan iyo wanaag huwiyay sheekh axmed xaaji c/raxmaan( raximahullaah) markii la dilay ee uu dhintay ka bacdi oo uu leeyahay “wuxuu ahaa nin iska afgaaban oo iska dhawrsoon oo aan ahayn wadaadada gebidhacleeya” waxaana wax laga warqabo ah in sheekh axmed xaaji craxmaan uu ka mid ahaa culimadii Ictisaam ee dagaalada soomaaliya ka socda inkirtay ee waliba bayaanaatka kasoo saarey.

    Miyey isqabanaysaa kolka oo ay suurto gal tahay inuu hadda markii la dilay uu yiraahdo liiska kuwa la laynayo kuma jirin oo wuu afgaabnaa, cajiib markuu xukunka dilka ah culimada ku xukumayeyna uu caam ka dhigay oo uu isticmaaley alfaadda cumuumka keenta sida ( nin kasta)…ajiib waa xaajo la yaab leh, oo markii aad fatwada bixinaysay eed culimada caam ka dhigaysay ee aad lafdiga caamka ah u isticmaaleysay maxaad uga soo reebi weyday sheekh axmed xaaji c/raxmaan ood istithnaa usoo reeban weysay…? tan kale si khaas ah ayaad culimadii garoowe kasoo saartay bayaanka aad waliba hadal dheer ood ku eedeyneysid usoo qaadatay, shekh axmedna alle ha u naxariistee culimadii bayaanka garoowe kasoo saaray ayuu ka mid ahaa, say marka macquul ku noqon inaad hadda tiraahdo ninkaasi kuma jirin oo saalix buu ahaa…? maad sheegtid ood tiraahdid ragga aan fatwadeyda ku khaas yelayo waa hebel iyo hebel, mise fatwadaadu inay adduun halaageyso oo ay inbadan oo waxmagalabsato ah ay sahayanaysaba kamaadan fikirin..?

    Macnaha taasi waxaa ay ku tusinaysaa sida dhiigii muslimku u noqday mid nin kastaayi oo qoom u careysani uu fatwo uu qoomkaas ku xumkumayo iska soo saaro, shalay ayay ahayd markii sheekh xasan takar uu in kabadan 4 jeer hadaladiisii isburinayaan oo dorraad wuxuu ku hadlay uusan maanta xasuusan isagoo sheekh axmed c/raxmaan raggii gaalada darnaa ee uu magacdhabay uu ku jirana markii la dilay uu inta makarafoon soo istaagey yiri ninka qaraabaaban ahaynoo ma aanan oran ha la dilo, sheekh umalna waxba umaanan dhimin…cajiib
    Tan kale iyo hadalkaan sheekh xasaan ee ah dadka sheekha dilay xog baan ka haynaa iyo hadaladii ka dambeeyeyba ee detailska lahaa waa mid uun sii adkeyneysa sida loo doonayo in sheekada loo gaddiyo mid qabiil oo la rabo in beelo dhan laysku laayo waa sida ay alshabaab hadh iyo habeen u doonayaan inay beelaha puntland wada dega mar uun hubka isku qaataana maadaama ay maslaxadooda ka arkayaan, kamana foga filimada ay soo habeeyaan kuwa lagu bartay makriga iyo muaamarada.

    • waan runtaa walaal wadaada badan oo maanta jirana waxaa dhaama mooryaantii dadka dili jirtay laakinn cululmada iyo diinta xushmaynjirtay, oo aan diinta kusoo gamba jirin, sidaa darteed, umadda waxaa la gudboon inay inbadan ka fakaran kana fiirsadaan cidda ay wax ka qaadanayan, allana baryaan ina badan in uu xaqqa waa fajiyo.

    • walaal si fiican ayad uga hadashay arintan uu dhex dabaalanay shiiq xasaan, waxaanse ku dari lahaa, horta marna isma dhihin nin shiiq ah oo shiiq xasaan oo kale ah ayaa sidan u hadlaya, marka dhaqankan nuucan ah horta shaki wayn ayuu igu dhaliyey, waxaase ka sii daran nin taas ruux kitaabka ilaaheey iyo axaadiista garanaya sida dhiiga muslimka loo xurmeeyey loona adkeeyey kitaabkiina aqrinaya 24/7 oo isla markaana sidaad maqasheen u fududaynaya uguna dhiirinaya dadka dhiiga muslimka cabidiisa, waliba dhiigii culumada oo aan la mid ahayn midka dadka kale, waxaa waxaas ka sii daran, ruuxii shiiqa fursad ku helana aan leeyahay ha waydiiyo, mas alada ah, in culumada maanta halganka kasoo horjeeda siduu sheegayo, ninkii dilaa mujaahid yahay, kan la dilana shahiid yahay, oo labaduba jannada meel sare ka galayaan, illeen mujaahid waa naqaan darajadiisa allaa kitabkiisa ku cadeeyey, shahiidna iska daa, bal shiiq xasaan labadan mas alo siduu isku waa fajiyey halla waydiiyo, culumada ilaahey khalkhalka iyo bood boodka ilaayey ka ilaaliyeyna halloo bandhigo, run ahaantii shiiqa aniga meel wayn ayuu iiga yaallay, balse labadan hadal ee halkan soo gudbisay aniga dareen ayey igu dhaliyeen, sidii asagaba aamuska beesha daarood dareen ugu dhaliyeen markii la dilay sh dr axmed. tacasubku waa shay liita aniga shiiqaygii ayuu ahaa laakiin maanta laga billaabo sida uu u fududaystay dhiiga muslimka markaan dhagaystay, calaamad su aal wayn ayaa ii dulsaaran, ee waxaan dhihi lahaa ragga wali hoos fadhiya shiiqa ha ka fiirsadaan, si duub duub ah ayaney u qaadan hadalkiisee ha iska miisaamaan in badan, shiiqu fansalaqa kii lugu sheegay suuratul acraaf ayuu iila muuqdaa aniga, malihi waa kii oo kale laakiin shiiqu inuu dabayshaday haddaanuu alle soo toosin ayuu u muuqdaa, sidii raggii ka horeeyey saaxada saxwada ilaaheey magooda uga tiray, li anna ruuxii allaah cilmi siiyey ee waxan loo joogin umadda ku wareeriya allaah haybada ayuu ka qaadaa. halla dhagaysto muxaadaraadka shiiq umal sh idiris sh shibil ayagaa ilaaheey fahansiiyey qaddarka iyo qiimaha dhiiga muslimka. shiikh xasaan allaha soo hanuuniyo wax kale oo aan sheegno ma leh. isma lahayn sidaas ayuu u hadli doonaa balse aduunyo ninkii jooga wax badan waa maqli. a/c

Leave a comment

*