Shiikh C/qaadir Nuur Faarax oo soo gaaray Boosaaso iyo Shiikh Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxmaan oo la’ aasay

December 5, 2011 - Written by

Boosaaso:-Waxaa maanta salaadii Duhur ka dib lagu aasay Boosaso Sh.Dr axmed Xaaji Cabdiraxmaan  oo saaka salaadii subax ka dib ay dileen kuwa dhagar qabayaal ah oo la soo abaabulay, Allaha u naxariis tee marxuun Shiikh Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxmaan ayaa aaskiisa waxaa ka soo qayb galay culimo udiin , ganacsto , Isimo iyo waxgarad kale duwan.

Dadweyne aad u fara badan oo reer Boosaso ah ayaa ka qayb galay aaska marxuun Shiikh Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxmaan iyadoo dadweynu ay taagnaayeen  wadooyinka,ciidamo fara badan oo Booliska magaalada Boosaso ayaa xiray wadooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa Masjidka Rowd ee Boosaso si loo tartiibiyo dad aad u fara badan oo doonayey in ay ka qabgalaan Salaada Janaazad ee lagu tukanayey marxuunka Shiikh. Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxmaan.

Sheekh Dr.Axmed Xaaji Cabdiraxmaan ayaa waxaa uu ka mid ahaa culimadii iyo dadkii Soomaaliyeed ee soo gutay waajibka Xajka ka dibna maalmo ka hor dib ugu soo laabata magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ee uu ku noolaa. Aaska  Shiikh Dr Axmed Xaaji ayaa waxaa kalimada gilgisha goobta aaska uu ka dhacay jeediyey Shiikh Daahir Aw-cabdi,Shiikh Cabdulqaadir Nur Faarax oo ka yimid magaalada Garoowe.

Sh.Axmed Xaaji Cabdiraxmaan ayaa  kalimadii ugu danbaysay xalay ka jeediyey Masjidka Rowda isagoo ugu baaqay ganacsata in dadka ganacsigooda uu wax ku noqday dabkii ka kacay Suuqa Boosaaso loo gurmado , Shiikh Dr axmed ayaan wax maamul ka Puntlland ku saabsan aan kaga hadal wacdigiisa.

Hoos ka Dhagayso kalimadii u danbaysay ee Sh Dr axmed Xaaji ka jeediyey xalay Masjidka Rowda ee magaalada Boosaaso

 [audio:http://www.qardhaawi.com/audio/muxaadaro/umal/draxmed2011.mp3]

Culimo,udiinka Soomaaliya ee ku kala sugan Gobollada dalka ayaa waxaa u socda kulamo gaar gaar ah waxaan la filayaa in saacadaha soo socda culimada ay la hadli doonaa saxaafada  waa haddii ay muhiim u arkaan arrin kaas.

 M_M_Deeq
Halgan.net

 

4 Comments so far

Leave a comment

  1. ilaahayo soo qabo oo callamad mucjiso ah ka soo saar kii dilay kuwii ku dhawaaqay dilkiisa kuwii jeclaa dhimashadiisa hadey dowlada tahay hadey alshabab tahay hadey qolo kale tahay ilaaahayoow adaa qariib ah oo namaqla caalimkeenii inta sanadood ee uu adiga kaliya ku caabudaayey diintaadana uu u dadaka baraayey ilaahoow adoonkaaga u naxariiso janooyinkaa dhamaantoo u wada fur sidii abuu bakarusidiiq oo kale ilaahayoow rabiyoow oohintu waa iga soctaa oo ma joojonkaro ilaahayow raxmaanoow raxiimoow maalikumulki caziizul waduud shadiidul ciqaab ilaahayoow cadaabtaada gee kuwa xabada la dhacay asgoo salaada subax jameeco ku soo tukaday sheekha waxaan ku bartay internetka kutaabka saxiixu tirmid iyo muxaadarooyinkiisa aadka u wanaagsan ilaahyow ka yeel maciisa nabiyuuna wa sidiiquuna wa shuhaaa . walaa taquuluu liman yuqtalu fii sabiilihaahi amwaatan bal axyaaaaaaa
    bal axyaaaaaaaaaa cinda rabihim yurzaquun farixiina bimaa aa taahum allahu min fadlih wayastabshiruuna bi ladiina lam yalxaquu bihim mi qalfihim allaa qofun walaahum yaxsanuun.

  2. INAALILAAHI WAA INAA ILAAHAY RAAJACUUN ILAAAHAY HA U NAXARIISTO MARXUMKA GEERIYOODAY AYAAN LEE YAHAY WAXAA DISHAY GACAN KA XAQDARAN
    HADABA ARINTA WAA ARIN LAGA SOO SHAQEEYEY AYAAN LEE YAHAY WAYO HADII LA DILAYO CULUMADII NIN DOORKOODII IYO DR, KII IYO KII WAX GARANAYEY WAA ARIN CAJIIB AH OO AH DABAR GOOYN MARKA HADII AAN NAHAY UMADA SOOMAALIYEED MEEL WALBA AY JOOGAANBA IYO AAN LA ORAN OO KALIYA ALLAHA U NAXARIISTO WAA SAX ALLAHA U NAXRIISTO WAAN SAX LAKINSE MIDA LOO BAAHAN YAHAY WAXAA WEEYE IN ARINTAAN LAGA HORTAGO QAAB WALBA OO LAYSKU DIFAACI KARO AYAA LO BAAHAN YAHAY WALAALAYAAL . WSC CALAYKUM WRX MATULLAHI WABARKAATU… ABDIMAALIK ALI SAID …………………………

  3. ilah umada haka dul qado musiibada, familka u ka dhintay shiiqa samir iyo iman ilah haka siiyo wa shiiq ka wada tagay dhaman somali dhan janatul firdoosa ayana illah ugu barinay qabrigiisane ilah ha u wasiciyo kuwa nabiga la darso janada ilah haka yeelo, asaga ka gadalna illah nama badiyeeyo

  4. Inaalilaahi wainaailayhi raaajicuun Allah haunaxariisto sheekh cidiisay iyo islaamkana sabir hakasiiyo amiiiiiiiiiiiin.

Leave a comment

*