Al-shabaab oo soo bandhigtay aqoonsiyada qaar ka mida Askartii Burundi ee lagu dilay Muqdisho
December 12, 2011 - Written byMuqdisho:-Masuuliyiin ka tirsan Ururka Al-shabaab ayaa saxaafada u soo badhigatay cadeymo iyo aqoonsiga iyo weliba masawirada qaar ka mid ah Askartii Burundiiska ahayd ee lagu dilay dagaalkii dhex maray ciidanka Al-shabaab iyo ciidamda Burundi kaas oo ka dhacay Degmada Dayniile :
War saxaafadeed soo gaaray Halgan.net oo lagu xusay in uu ka soo baxay xafiiska warfaafinta ee xarakada Al-shabaab ayaa lagu sheegay in ururka Al-shabaab uu soo bandhigay aqoonsiga iyo sawirada askarta Burundi ka dib markii codsi badan uu uga yimid Madaxda Al-shabaab qaraabada askarta Burundi ee lagu dilay dagaalkii ka dhacay Xaafada Deyniile ee magaalada Muqdisho.
no images were found
Dhinaca kale ururka Al-shabaab ayaa u balan qaaday haddii ay jiraan qoysas kale oo reer Burundiis ah oo ka shakisan in Askarta ay ehel ahaayeen dagaalkaas lagu diley ay u banaan tahay in ay iyaga la soo xiriiraan si loogu diro cadaymo muujinya geerida askartaas iyadoo loo raacin doono kaararkoodii dhalashada, Sawiro, iyo warbixino kale oo gaar ah.
A/Cawaale
Halgan.net