Beesha Leelkase oo ku eedeysay dilkii Dr axmed Xaaji C/raxmaan ururka Al-shabaab(Daawo masawiro)

December 31, 2011 - Written by

Goldogob:Waxaa maanta Salaaddii casar ka dib  lagu qabtay guriga ugaaska beesha Leelkase ee magaalada Galdogob kulan ballaaran oo ay ka soo qaybgaleen Isimada, cuqaasha, aqoonyahanka, culuma’udiinka, ganac satada, dumarka, dhallinyarada iyo warbaahinta qayba heeda kale duwan, Kulanka maanta ayaa waxaa ay beesha Leelkase ay ka soo saartay Bayaan ay si cad ugu qeexday cida ka danbaysay dilkii foosha xumaa ee lagu la kacay Shiikh Dr Axmed Xaaji Cabdiraxmaan iyagoo dilkaas ku eedeeyey in ay geysteen Ururka Al-shabaab.

Beesha Leelkase ayaa gudi u saartay in ay soo baaraan cid sidda rasmi ah ugu danbaysay dilkiiSh Dr Axmed Xaaji  baaritaan dheer ka dib ayaa waxaa ay beeshu soo saartay Bayaan ka kooban ilaa 9 qodob, Kulanka ayaa gabagabdiisa waxaa ka hadlay Ugaaska guud ee Beesha Leelkase Ugaas Cali Ugaas Maxamed, Afhayeenka Ugaaska Sh. Ibraahim Xirsi Axmed, C/raxmaan Dr. Axmed Xaaji oo ah curadkii

Sheekha iyo tiro nabadoono ah, bayaanka ayaa waxaa uu u qoraan sida tan.

Bayaan beesha Leelkase ee ku aadan Dilkii Dr. Sheekh Axmed Xaaji Cabdiraxmaan

Bayaan beesha Leelkase ee ku aadan Dilkii Dr. Sheekh Axmed Xaaji Cabdiraxmaan Dr. Sheekh Axmed Xaaji Cabdiraxmaan oo ka mid ah Culimada ugu caansan Soomaaliya waxaa maalintii Isniinta ee ay taariikhdu ahayd 10/01/1433 oo ku beegan 05/12/ 2011 lagu dilay magaalada Boosaaso asaga oo sooman maalita Caashuuraa oo soo tukaday Salaadda subax meel u dhaxaysa Masaajidka Xassan bin Cali iyo Gurigiisa, sheekhu wuxuu maalmo ka hor ka yimid Xajka. Beesha Leelkase waxay ka soo saartay dilkaas foosha xun bayaan ka kooban qodobadan hoos ku xusan:

no images were found

1) Beeshu waxay uga tacsiyaynaysaa ummadda Soomaaliyeed dilkii foosha xumaa fuleynimadana ahaa ee loo geystay Dr. Sh Axmed Xaaji C/raxmaan, (Allaha u naxariisto) waxayna uga mahadcelinaysaa gurmadkii, garab istaagii iyo ducadii aan kala harka lahayn ee ay geysteen.

2) Maamlintii Sheekha la dilay isla goobta duugta waxaa ka hadlay Dawladda Puntland iyo culumada labadubana waxay ku eedeeyeen dilkan ururka Al-shabaab, arintaas beeshu waxay u aragtay qodob lagu deg degay waxayna goa’aansatay inay beeshu samaysato guddi baaritaan oo madax banaan.

3) Guddigu wuxuu baaritaan iyo dabagal dheer ku sameeyay cid kasta oo la tuhmi karo ama raad gali karo iyaga oo kaashanaya dadyaw kala duwan oo la biday inay wax ku biirin karaan baritaankan. Dadkaas oo kala jooga koonfurta Soomaaliya iyo waqooyigeeda, Si xaqiiqada loo gaarana baaritaanka waxaa la siiyey waqti ku filan. Ilaahay fadligii baaritaankii beeshu sida samirka iyo kaadsiiyaha leh u samaysay wuxuu ku dhamaaday guul.

4) Sheekhu wuxuu ummadda Soomaaliyeed ku dhex lahaa dad fara badan oo aad u jecel oo ay ka mid yihiin rag ay wax wada barteen, rag wax ka bartay, qaraabo iyo asxaab kale oo fara badan oo aad uga wada murugooday dilkiisa. Dadkaas meel ay joogaanba waxay isku taxallujiyeen, kana qaybqaateen sidii loo aqoonsan lahaa dadkii sheekha dilay, loona soo qaban lahaa, Allaah ha ka abaalmariyo dadaalkoodii.

5) Beesha Leelkase iyada oo shirqoolka Dr. Sh/ Axmed ku ahaa nabar aad u xanuun badan oo lama filaan ah, haddana waxay go’aansatay in ay is xakamayso, wax tillaabo ahna aysan qaadin ilaa ciddii fal dambiyeedkaas gaysatay laga helayo, waxayna ku dhaqaaqday siday arrintaas uga sal-gaari lahayd iyada oo Ilaahay la kaashanaysa waxayna beeshu hubsatay cidda Sheekha dishay iyada oo aan qadaf iyo xad-gudub kale midna ka dhicin.

6) Beesha Leelkase waxay u caddaynaysaa ummadda Soomaaliyeed iyo muslimiinta oo dhan in dilkii dulmiga iyo bareerka ahaa ee loo gaystay Dr. Sh/ Axmed Xaaji C/raxmaan ay fulisey, kana dambaysey Xarakada Al-Shabaabul Al-mujaahidiin, gaarahaan garabka Amniyaadka ee madaxda u yahay Axmed Cabdi Godane.

7) Beesha Leelkase waxay go’aan wadajir ah ku gaartay in aysan dulmiga lagu dilay Dr. Sh/ Axmed Xaaji kaga jawaabin dulmi kale ee ay aqbasho, kuna raalli noqoto wixii Shareecada Islaamku ku xukunto dadkii maleegay dilka Sheekha, kuwii diley iyo kuwii ku caawiyeyba.

8 ) Beesha waxay u mahad celinaysaa cid kasta oo ka qayb qaadatay baarista iyo qabashada dambiilayaasha, waxayna ka codsanaysaa ciddii taageero ka gaysan karta qabashada dambiilayaasha dhiman inay arrintaas ka caawiyaan.

9) Ugu dambeyntii Hogaanka Ururka al-shabaab beeshu waxay ka sugeysaa jawaab cad oo ku aadan falka ay geysteen. Saxiixa Ugaaska,salaadiinta iyo cuqaasha beesha Leelkase

1. Ugaas Cali Ugaas Maxamed _______________

2. Suldaan Zubeyr Maxamuud Xaaji Cali _______________

3. Sheekh Ibraahim Xirsi Axmed, Afhayeenka Ugaaska _______________

4. Suldaan Jaamac Shire Geesood _______________

5. Nabadoon Aadan Warsame Cismaan _______________

6. Nabadoon C/laahi Liibaan Cabdi Xiddig _______________

7. Nabadoon Maxamed Axmed Faarax _______________

8. Nabadoon Shaambilo Maxamuud Fiqi Faarax _______________

9. Caaqil C/casiis Ismaaciil Cilmi gurey _______________

10. Nabadoon Bashiir Xaaji Cali Isxaaq _______________

11. Nabdoon Axmed Cigaal Badhawo _______________

12. Nabadoon Bashiir Xuseen Cumar (Bashir Carab) _______________

13. Nabadoon Axmed Nuur Sheekh Xassan Nuux _______________

14. Caaqil Maxamuud Yuusuf Muuse _______________

15. Nabadoon Cismaan Maxamuud Takar _______________

16. Nabadoon Xuseen Axmed Af-cad _______________

17. Caaqil Sheekh Ibraahim Sheekh Axmed _______________

18. Nabadoon Sicciid Faarax NuuxCawdgale

19. C/rasiid MaxamedFaarax (Garawaan)

20. Maxamuud Axmed Maxamed (Ilkadheere).

21. Nabdoon C/laahi Jaamac Roorshe

Wabillahi Tawfiiq,,,

Halgan.net ayaa soo gudbin dooonta codadka iyo khudbadihii laga jeedshay kulankii balaarnaa ay galabta beesha Tanade ku qabsatay magaalada Goldogob Inshalaah .

42 Comments so far

Leave a comment

  1. ALLAHA UNAXARIISTO JANADA FIRDOWSANA ALLAHA SIIYO Aamiin IN TUU UU KATAGAYNA SAMIR IYO IIMAAN ALLAHA KASIIYO CIDA KADAN BEYSA DILKIISANA ILAAHEY HORTIISA AYUU KUXIMBAARAN DOONAA ISMIGAAS INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN

  2. Inaa lillaahi wa inaa ileyhi raajicuun. Ilaah ha u naxriisto Sheikh Axmed soomaalidana samir iyo iimaan alaha ka siiyo. waxaan ka xumahay ilaa hadda in la garan waayo alshabaab himiladooda iyo ujeeddadooda fog. aniga inay dilaan sheekhu baciidsan maayo, hore ayey u laayeen culumo, aqoonyahano, arday iyo hawwen masaakiin ah oo dhul fiiqid ka raadinaayey quutulyoom. haddaba soomaalida hadday kacdoon cad ka qaadan shabaakaan aafeeyey, waxaan filan karnaa in soomaali aqoon leh (mid diini iyo mid maadi ahba), cuqaal wax garad ah la waayi doono (laa samaxa Laahu). SOOMAALIYEY KACA OO LA DAGAALA GUMAYSIGAAN CUSUB OO IDIN LAAYNAAYO.

  3. Allaha u naxariisto sheekha la dilay, kuwa dilay iyo kuwa soo abaabulayna Allaha cadaabo. Ururka alshabaab almujaahidiin jihaadkoodi ma wuxuu ka badin waayey in ay dilaan culimmada iyo muslimiinta gaaladana ay waddanka soomaaliya soo geliyaan??? waa sidii ururka alqaacida ay gaalada soo geliyeen Afganistabn iyo Ciraaq ka dibna ay iska baaba’een!!!

  4. wax walbo sabab ayay leeyihiin waxan layabanahay ninka wadaadka ahaay sababta lo dilay malagu jihadayay wadaadka waa yaaab

  5. asc dhamaantiin ilaah ayaa mahad leh ka shifay beesha waa ku mahadsan tahay dul qaadka ay samaysay runtii sheekhu dhaamaan in samaha jecel ayuu ka dhintay ilaah ha u naxariistee aamiin wiil ibraahim la dhaho ayaan rabaa inaan saxo dhifaacay sheekh xasan nin la dhaho runtaa af xumadu mahan wax islaamku qabo laakiin ninkaa sheekh mahan waa fitnon wade beenaale ah been ayuu ka sheegay dadkii dilay sheekh axmed beenta islaamu meesha u dhigay waad garanaysaan taas wxaa ka sii daran wuxuu rabaa in dad islaam ah oo xigto iyo xidid iyo wiil iyo abtigiis ah inuu iska hor keeno saas ayuu ka jecel yahay inuu runta sheego kaas diinta sheegana hada saas u dhaqmaya ilaahna ka xishoonayn in af iyo adimba la iska qabto ayaa ku talin lahaa

  6. ac *kulu nafsin daa iqatul mowd *s* caddim walayaal inta somaliyed ee dhimate allah ha unaxaristo amin somaliyana allaha hanabadeyo amin *inaga waxaanu nahay qurba jogayal markanu maqalo naxdin ayaanu kaqaadnaa iyo kasii fogasho dalkii hooyo ws

  7. asalamu allukym
    Allaha u naxariisto shiikha qabrigiisan allaha u waasicyo
    midda xigta waxa ay ila tahay in sheekh Xasaan xuseen uu u soo cadeeyo beesha leelkase cidda dishay sheekha isagaa sheegtay in la yaqaano raggii dilay iyo meesha ay joogaan > fallaadh gilgilasho kaagama harto ee shekhoow soo caddee
    xarakada Alsharaab jawaab waafi ah aan ka sugeynaa

    salam allykum

  8. Asallaamu Calaykum

    Alxamdulillaahi malikil Qahaar

    Allaah ayaa mahad iska leh noo cadeyey baadilkii loo gaystay sheikhni qaali ahaa waxaana marsata allaah waydiisan in uu sabar naga siiyo run ahaantii wax dhacay xanuun ayaan ka qaadnay illaa maalintii sheikh la dilay xaldaydu ma fiicna meshii i go’dayna allaah ayaan daawo u waydiisan, balse waxii dhacay waa dhacen ee dadkii falkaa gestay waxaan qabaa si adag oo dhib leh haloo cadibo inta aan akhiro loo dirin waayo waxay na gasheen murugo aan dhamaanayn Aloow caafimaad ayaan ku weydiisanay meesha na huraysana noo bogsii sida ay shegtay walaasha umu Balqiis culimada inta hartay aan ku fara adegno anaga oon ajal ka celinayn hadana yaan dhigooda la inagu dul daadin mar danbe.

  9. Ac, waqti kastaba ha qaatee dhiigu sidiisaba ma qarsoomo, waxaa mahad dhamaanteed iska leh
    allaah ka dibna rerkii uu wadaadku ka dhashay oo aan aniga oo aqon koban u lahaa wadaadka aan ogaday cawa reerka uu ka dhashay, in ay ay si xikmad badani ku dheehan tahay ay u soo bandhigeen war murtiyeedkooda, waxaana jeclaan lahaa in ay war bixin tooda ku daraan cadaymaha ay hayaan iyo waxay u cuskadeen. inkastoo cid culumada dhigeda go’aansata tarikhda somaliya aan shaban loga horey.

  10. ac wr wb walaalayaal alxamdulillaah hadii la qabtay danbiilayaashii waa ku faraxsanahay in lahayo cidiid geesatay dilkii foosha xumaa eesheekha allaahna waxaa ka baryayaa inuu maariyo waajibkooda qof sheekha ka danbeeyana aysan dhib ugaysan

  11. jazaakumulaahu khayraa odayaasha taxqiiqa sameeyay
    haddii cid kasta oo wax gaysata si dhab ah oo xaq ah loo raadin lahaa iyadoon lala dag dagin waxaa mar hore caddan lahayd cidda dilalka foosha xun u gaysta dadka musliminta ah ee somaliyed xarakada shabaab horayna waa loo saaray arintaas jawaab rasmi ahna kama bixin hadda odayashii taxqiiqa waday ayaa saaray loo kala hadhi waa shabaab , dhab ahaan falkan markaan maqlay ilmadii iga timid anoon iska tirin waxaan qalbiga ku fiiqay shabaab sabab too ah arah loo kala eg falal kan oo kale waa la yaqaanaa nimankasna wax badan ban ka naqaanaa

  12. S.c.w.w

    Mahad Eeba ayey u sugnaatay, Naxariistii Eebe iyo Janadii fardowsa Allah ka waraabsho walaalkeen, waa loo ilmeeyey, Beesha uu ka dhashay waa lagu ogaa deganaanta, ee waxa iga su’aal ah Ninkii Difaacayey Alshabaab ee Muxaadarada ka jeediyey ee dad wada dhashay rabay inuu madax isu gesho yaan sidaa looga harin ha caddeeyo meesha uu warka ka helay, Waa Xasaaaaaaaaaan ninka dib haloogu noqdo, (ninkan Alshabaab aqoon Alshabaab waa kuwaaaaaaaaaaaaaaaaa)wabillaahi towfiiq.

  13. allaha u naxariisto sheekh dr axmed xaaji c/rixaman maxamed, markalena waxaan leeyahay ehelkiisa iyo tolkiis iyo ardaydiisaba samir iyo imaan alaha ka siiyo. sh c/qaadir nuur farax allaha xifdiyo. maalinti hadalki uu yiri dad badan ayaa la yaabay oo is yiri dagdaga maxaa ku kelifay sheekha balse anigu waan hubay in uusan hadal caafidiyad iy tuhun sheikh c/qaadir iska oran ee caqligiisa i yo da’diisa iyo cilmigiisaba uu adeegsaday waayo wa shekh caalim ah oo waaqica la socoda waxayaabaha dhici donana saadashooda baara. waana taas xaqiiqadu waa so baxday taaso ah in kooxda al shabaab 9[ashaahada la dirirka magaca islaamka xambaarsan] iney dishay oo so qorsheysay dilki digtoor axmed allaha u naxriste. allaaha ka aargoosto alshabab iyo mujrimiinta ugu weyn ee ka dambeyay falkaas ee ay u horeyaan been abuurta xasan maxmud takar iyo mufitga casriga cusub xasaan xuseen

  14. a/s . walaal waan kufaraxnay guusha lagaadhay ee lagu helay ragii dilay . sheekha kaliya waxaan sugaynaa waa in la qisaaso cidii ay kucadaatay .

  15. assalaamu calaykum w/w
    ALLAAH ayaa mahad oo dhan u sugnaatay. Maanta ALLAAH wuu noo aqbalay ducadii muslimiinta in dhagar qabayaasha la soo qabto.
    Waxaan leeyahay beesha leelkase xilkasnimo miisaan wayn saarayahay ayaad bayaanka ku soo saarteen,
    lkn alshabaab anigu kama sugayo jawaab aan ka ahayn dafiraad, aflagaado, iyo hanjabaad,
    waxaan codsanayaa culimada sharafta leh ee ka qayb qaadatay baaritaankaan in si fcn loo adkeeyo amaankooda, iyo inta wax goysa oo umada wax tar u ah nimankaan waxaa lagula dardaarmay inay dadkaan iyo umadaanba ciribtiraan.

  16. ACWRWB,

    Allaah baa mahad leh oo aqbalay ducadii dadka Muslimiinta ah, ka dibna waxaa mahadsan qof kasta oo gacan ka gaystay soo qabashada mujrimiinta. Waxaan qabaa in ninka layiraahdo Xasaan lasoo qabto si loola maxkamadeeyo mujrimiinta loona su’aalo kuwa aan wali la qabani meeshayku suganyihiin sababtoo ah ninkani isagaa yiri “waa aqaan nimankii dilay Shiikha iyo meeshay ku suganyihiin inkasta oo uu doonayay inuu marin habaabin ku sameeyo dhiiga Shiikha.

    Xaqqa Allaah haynaku sugo

  17. inalilaahi wa inaa ileyhi rajacuun waxaan u rajaynayaa janada fardowso ilaah ka baqa culimada hanaga laynina waa warasul ambiyaa yaa noo haraya hadii culimada la laayo war ilaahay halaga baqo oo somaliyeey asagiin ha kaharinina ee aduunka wax la qaybsada

  18. A C W Walaalayaal cidii dishay DR Sh Axmed Xaaji OO aan jeclaa in lahelo waa khayr iyo farxad laakiin in cid kale layska tuhmo waa khalad ama la caayo xasaan waa shiikh waana lays khilaafi karaa markii masaail ijtihaad yihiin waliba raga isku xiliga laysuma qabto Marka waxaan kaaga nasiixaynayaa cayda culimada dhamaantood iyo taarida mid gaara taareeg markasta xaqa

  19. Asc .waxaan leenahay alaah subxanahu watacaalaa dadka suumaaleed samir iyo imaan haka siiyo shekha dilkiisa.
    wax laqariib sada maaha Fikirada noocan ahe waayo dilkii cusman bin cafaan radiyalaahu canhu waakii laha mujrimkii dilay Fustu warabul kacba sabxaabadiibaaba sidaa lagu hayee culimada soomaaliyeedna waxaan leenahay waxaa haya nafta ilaahay markuu ugu talagalaybuuna idinka qadayaa ladaalama fikirada daalka ah .

  20. Ilaahay ayaa mahad fadiligiisa ay qoladii uu ka dhashay sheekhu ay soo saartay bayaan ay ku cadaynayso cida ka dambaysay dilkii foosha xumaa ee lagula kacay Sh.Dr.Axmed X.C/raxmaan Ilaahay naxaristii jano ha ka waraabiyee.
    hadaba waxaan leeyahay madaxda ururka alshabaab inay ilaahooda ka baqaan oo ay joojiyaan dilka culimada waxaana cadaatay raga isku sheegay mujaahidiin inay yihiin muhaahiliin aan diinta fiqi u lahayn oo qiiro indho la’aan ah ku socda.
    waxa kale oo aan hanbalyo u dirayaa qabiil waynaha leelkas ee sida quruxda badan u soo diyaariyey bayaankan iyo inaanay wax aargoosi ah ku kicin oo ay ku qanacsan yihiin wixii shareecadu ku xukuntay.

    inkastoo maalmahan dambe aad moodo alshabaab inay kaligood sheegtaan inay shareecada wax ku xukumaan iyagoo aynu arkayno waxa ay ku kacayaan ee ah dil culimo iyo waxyaalo kale .

    ilaahow xaqa na waafaji

  21. Waxaan Allah ugu mahadinayaa inuu kashifay qaar ka mid ah gacan ku dhiiglayaashii xalaashaday dilkii Sh. Dr. Axmed X. Cabdiraxman Ilaahay ha u naxariistee, waxaana ka jeclaan lahaa inay beesha TANADE ay sheegaan nimanka ay qabteen ee ugu eedaysan dilka Sheekha magacyadooda iyo siday ku heleen xogtooda iyo meesha ay ka qabteen, maxaa yeelay waxay qalbi qaboojis u tahay dadkooda dhibku ka soo gaaray ee qaraabada, ehelada asxaabta ahaayeen sheekha iyo sidoo kale culamadii ay diinta wada wadeen iyo ardadiisii. Ilaahayow dhagarqabayaasha inta dhiman soo qabow adigoo og kuwo ay yihiin. aammmmiiiiiiiiinnnnnnn

  22. ACW
    ilaahay ayaa mahad iska leh subxaanahu watacaalaa, naga aqbalay baryadii aan barinnay, waxaan ku kalsamaa in 100% uu ilaahay cadayn doono makrigii aadku u foosha xumaa ee dhacay ee lagula kacay faqiidkii umadda Dr Sheikh Axmad xaaji C/ramaan ilaahay subxanahu watacaalaa jannadiisa fardawsa al aclaa maqar ha uga dhigee,ومكروامكرا ومكرنامكرا وهم لايشعرون انظر كيف كان عاقبة مكرهم انادمرناهم وقومهم اجمعين
    awliyadii ilaahay ayay makri u maleegeen waxayse halmaameen in ilaahay cazza wajalla awliyadiisa ku filanyahay, makrigoodana ogyaahy, allaahummaa lakal xamdu calaa maa yambaqii lijalaali wajhika wacadiimi suldaanika.

    intaas ka dib beesha lel kase aad iyo aad ayaan ugua mahad celinaynaa sida hufan ee xil mkasnimada iyo daacadnimada leh ee ay bayaanka u soo gudbiyeen, ka horna baaritaanka xeesha dheer ee xikmada ku dheehan u sameeyeen, waana arrin qudwo u noqon doonta dhammaan umadda soomaaliyeed, waxaa kale oo aan u jeclaaday, gebo gebada bayaanka ee ah inay beeshu sheegeen inay kitaabka alle xukunkisa ku qancayaan kana dambaynayaan,waxaanse sugaynaa nimankii lahaa dadka ayaan kitaabka alle ku xukumaynaa intaasoo ummad ahna u baabi’iyey waxa ay ky jawaabaan iyo meesha ay kitaabka alle ka galaan, ilaahay cidii kitaabkaaga ku been abuurata oo nabta kashif umadana u muuji.

    walaalayaal waxaase wax lala yaaba ah oo dhakafaar ah dadkuna la doonayaa inay duruus kala baxaan KITAABKA ALLE AYAAN U GARGAARAYAA, DIINTA AYAAN KOR YEELAYAA DADKEEDIINA WAAN LAYNAYAA AHLUL CILMIGII AYAAN DILAYAA DIINNA WAA U GARGARAYAA arintaas siday isu qabanayso shabaab ayaan ka rabnaa

  23. asc wrwb

    XAQOW FEERO KA DILAAC… Rabi waa naga aqbalay ducadii jamhuurka muslimiinta soommaliyeed ay Allah ku waydiisteen in rabi kashifo gacan ku dhiiglayaashii dilay Sh. Axmed Xaji Abdirahman.
    Talo iyo tawbadkeen waxay hada u taal Shabaab,madaxdood, culimadood iyo amiirkooda. Waxaa laga suagyaa shabaab iyo wixii la halmaalaba inay soo qoordhiibtaan gacantana usoo galiyaan beesha TANADO DAAROOD inta ka dhiman gacan ku dhiiglayaasha iyo culimadii fatwootay iyo Amiirkii amarka dhilka baxshay si dhaqso ah.
    Shukran all

  24. Asalaamu calaykum.
    Walaalaha beesha Tanadde waxaan kacodsan lahayn in ay noosoo raciyaan si aan Al shabaab uga sugno inay jawaab kabixiyaan. Ilayn Allah sw wuxuu naga rabbaa markhaanti ilayn meesha dhiig baa yaala oo allaah sw xaaraantimeeyey.

  25. Jazzaakumullaahu beesha leelkase. Waxay baaritaankooda u soo dhameeyaan si habsami leh. Waan kasugaynay inay sidaas wax u soo dhameeyaan

  26. Asalamu calaykum:Waxaan sugaynaa waa Nimanka madaxda alshabaab inay cadeeyaan mawqifkooda,muddana looqabto,hadii ay jawaabkeeniwaayaan,odayaasha beeshu hasoobandhigeen cadaymaha ay hayaan
    weliba iyadoo maqal iyo muuqaal ah si ay soomali oodhami u agaato xaqiiqada .Waxaan dardaarmayaa in sidaa degan ee odayaashu uhadleen lagu wado arinta,umadduna xaqqa ayay raaci insha-allahu.
    Jazakumu allahu khayran

  27. asw
    NASIIB DARO NINKA KA DANBEEYEY DILKA SHEEKHA WAA NIN MADAX DUUBAN OO AAN LA AQOON OO AH HUMAAG, LAGA YAABO INUU GABDHAHA XIJAABKA QABA KU JIRO. ISAGA WAXA KA XUN KUWO MADAXA KA DAWAARAN EE QUFUL KA UU KU DHUFTAY, FURAHANA AAN KA HELI KARIN ILEEN MA YAQAANAANE. QOFKII LOO DIRO AYAY DIALAYAAN SU’AAL LA’AAN. SHEEKHA CILMI XIKMAD WAA LAGA FAA;IIDAYSTEY GODANE DIL DHAC WAA GAAL KANI MOOYEE QOFKEE SHEEGI KARA WAX FAA’IIDO AH OO UU LEEYAHAY. SOMAALI LAND WAXAN KA CODSAN LAHAA INAY NAGU KAALMEEYEEN QABASHADA NINKAN DAALIMKA AH.

  28. Asc, beesha waxan uga mahad celinaya baritaanka miisaman ay suubiyeen, iyo sida taxadarka leh oo ay hawsha ayna uga hor dhicin. Dr axmed ilahay janatu firdawsa ha u wasiciyo anaga hanooga daba naxariisto.

  29. asalaamu calykum salaan kadib wa ilaah mahadiis mar hadii beeshii ay lahaayeen wax ma cadaynayso ay galabata si cad usheegeen baaritaankoodii in uu soo saaray natiijadii horay loo sheegay ee al-shabaab kadamayaan dilkii caalimka allaah waxaan uga baryaynaa naxariis jano e laakiin waxaa hubaala in ay nimankaasi garab mari doonaan waxa laga sugaayo umada muslimka ahna dhibtaa wax badan ayay ku soo wadeen in la daawadona maaha a/c

  30. اولا رحم الله الفقيد واسكنه فسيح الجنان هذا ولاشك ان هناك ابادي خفية وقفت وراء اغتيال المرحوم وانهم قاموا في هذه الخطوة قبلها بكثير ولن يتوقفوا الا انيكون هناك توافق شعبي صومالي اسلامي لمحاربة تلك العصابةالمجرمةوتجارة دم الابرياء

  31. A.c salaan kadib allaha unaxaristo shikhena d.r ahmed salan kadib waxaan dhihi lahaa somali manta waxay gashay marxalad aad iyo uhalisan ….

  32. Maa shaa Allah waa khidaab miisaaman, aan kicinayn wax fawda ah, aan cidna dulminayn. Waxaan aad ugala dhacay sida ay Shabaab ula hadleen si ay intooda warmooga ah ee khayr doonka ahi ugu baraarugaan meesha loo wado, una galiyeen gar ay adag tahay inay ka baxaan. Shabaab ama kubadda cayaar ama wax kale la soo shir tag! waa tii dhabtaada lagu baranayay, intii wax isku falaysaa marna raali kama noqon karto guulwadayaal hal nin ka amar qaata oo ninkay rabaan khaarajiya. Naftu hal mar bay go’aysaaye nin walbow taada ka fakar oo badbaadso aakhiradaada wallaahaan nimanka ninkii wax dheerba saa u khaarajinayaa ummad wax waara tarayne.
    Allow kan khaldamay iga dhig!!!.

  33. الحمد لله رب العالمين والصلاة والسلام على رسول الله وبعد.
    marka hore inali llahi wa inaa ilayhi rajucuun waxan ugatcsiyaynayaa umada islamkagar ahaan umada somaliyeed dillkaa fooshaxun ee loo gaystay Dr.Axmed xaji c/raxmaan .
    ilah baa mahad leh isgaa sosaray wixii dilay shikha oo lugu xaqiijiyay inay yihiin alshbaaab waa waxmayqano waa din lawayal waa khawarij waa fitno wadayaal waa ilahy waxan waydisanaynaa inuu alshabab wadanka kaqabto oo baabiyo oo (اللهم اجعل كيدهم في نحورهم …………. اللهم أخذهم أخذ عزيز مقتدر)
    الله أكبر الله أكبر

  34. waa wax fiican in la helay cidi ka danbeysay dilka sheekha, sida muuqatana baritaanka beeshu ay sameeysay iyo kan puntland sameeysay inuu isku meel kuwada shubmayo, labadaas baritaan oo sii akidaya tuhunki ay culumada ka muujiyeen cida sheekha dishay, oo ay afcad ku shegeen in ay ka danbeysay xarakada shabaab, marka waxaa la oran karaa sheekha dilkiisa waxaa ka danbeeyay shabaab .

    waxaan kaloo loo daliishan karaa in shabaab ka danbeyaan dilka sheekha, sida aysan uga hadlin madaxdooda edeytaas loo soo jediyay, waxaa ka hadlay un niman iyaga magan u ah, oo marti nimo ula jooga oo aan ka mid eheyn madaxda ururka, ama xilba ka haayn , marka amuska ay ka amuseen madxdooda edeyntaas waxeey tusineysaa in ay wax ka jiraan waxa lagu edeyay.
    sheekhana waxaan leeyahay ilahay ha naxriisto janadi fardowsana allaha ugu abaal amriyo ,

  35. A/c in Badan baan ilaahay ka barinay in gacanta lagu soo dhigo Dhagar qabayaasha dilay Dr sheekh Ahmed Xaaji Abdiraxman , ilaahay waa naga aqbalay , yaysan dhicin in loo turo , waxaan ilaahay mar kale ka Baryaynaa in Shabaab uu san Ruux danbe ku saladin oo ay baaba’aan, waxaan ilaahay waydiisanaynaa ina godane in sidii xajaaj bin yusuf uu korku googo’o oo Aduunka lagu tuso danbiga uu galabsaday, Dadka Somaaliyeed iyo Culimaduna ha u diyaar garoobaan iska celinta kooxda dakhiilka ah.

  36. SCWW

    SALAAN KA DIB SH. AXMED ALLAAH HA U NAXARIISTO, BEESHA IYO SOMALI OO DHANNA SAMIR HA KA SIIYO.

    NIMANKAAN WAXAA KHALDAYA OO IYAGA IYO DADKA MAKASTA AHBA KHALDAYA MAGACA “AL MUJAHIDIN” MANA AHA MUJAHIDIN EE WAA NIMAN KHAWARIJ AH OO BANNAYSTAY DHIIGGA MUSLIMINTA XITAA KUWA CULIMADA DADKA DIINTA BARAYA. SIDAA DARTEED WAA IN LAGA DAAYAA MAGACAAS OO MID AY GAYDO OO AH KHAWAARIJ LOOGU YEERAA.

    WAA IN BARI LAGA NOQDAA OO QOFKII LAGU OGAADO LALA DAGAALAMAA, WAAYO NABIGU (SCW) WUXUU BALAN QAADAY HADDAN SOO GAARO WAXAAN U LAYNAYAA SIDII CAAD, WUXUU SHEEGAY INAY UGU KHAYR BADAN YIHIIN ARLADA QOFKAY DILAAN SIDA SHEEKHA AMA IYAGA DILA. MARKA WAA IN LA ISKA DHACSHAA.

  37. Asalaamu calaykum.

    Waxaan marka koowaad Beesha Sharafta leh Ee Tanade iyo Muslimiintaba uga tacsiyeenayaa Geeridii sheekha Dr Axmed Xaaji Cabdiraxmaan.
    Intaas kadib waxaan Ilaahay ka baryayaa in Sheekh Allaah jalla culaah uu Jannatul Firdowsul aclaa ka waraabiyo maqarna uga dhigo.

    Beesha waxay ka soo baxday xilkeedii oo waakuwaas umadda u iftiimiyay cidda Xalaashatay dhiiga Sheekha iyo Culimada kalaba.

    Maanta waxaa arrinku uyaala Umadda Soomaaliyeed waxay ka samayn lahayd nimankaas laynaya Culimadoodii, waxgaradkoogii, Macalimiintoodii, madaxdoodii Cuqaashoodii. Ma inay siidaawadaan ilaa inta dhamaeeyo kulli iyagana lagu xejiyo ilaa ay kadhamaadaan? Ma iska dhicindoonaan oo raggaan way iska wareejindoonaan, Miyaanu ku bannaaneen ragaas in lagu Jihaado? Illeen waxa ay wadaan waa waxbana yaanay harine?

    Maalinkii Sheekha Dr Axmed (AUN) la aasayay waad maqlayseen kelmaddii Alfadiilatu Sheekh C/Qaadir Nuur Faarax inuu tilmaamay cidda dishay Sheekh Axmed oo la garanayay baydhamana lagu goaamiyay laynta culimada weliba Sheekh Maxamed Cabdi Umal (allaha dhowree) uu kadigay dilka culimada iyo bannaysiga dhiigooga.
    Maantayna waakuwaas Duqaydii iyo waxgaradkii beeshu bayaan ay kasoo saareen weliba baartaan dheer iyo kafiirsasho muddo badan ay Sheegeen cidda ka danbaysay Dilka Sheekha weliba siagoo dimmada ilaahay ku jiray!

    Kuwii Dulimiga qori jiray ee maalinkii Sheekha ay dileen isbeen boohinayay tolow maxay oran doonaan maanta. (Waa baryay sacabo maku qarin karaan).

    Wasalaamu Calaykum.

    Maxamed Saciid

  38. Anigu waxan qabaa, sheekh dhihi maayee, ninka lagu magcaabo Xasaan Xuseen Aadan inuu ka mid yahay ama ugu horrayo dadkii soo maleegey oo ku caawinay Alshabaab iney dilaan Sh Amxed Xaaji Cabdiraxmaan.

    Xasaan Xuseen Aadan, isagoo og in alshababab geysteen dilkii sh Axmed Xaaji, waa ninka isku deyey arrinta inuu u rogo colaad qabyaaladeed si’ beela soomaali ahi isu gummaadan, oo meeshaas hoog iyo halaag ka dhoco!

    Xasaan Xuseen wuxuu iska dhigaa nin caalim ah oo heer ijtihaad gaarey, asagoo dhabnimadii aan u dhoweyn heerkaas, laakiin nasiib darro waxaa iska aaminey kuwo de’yar ah oo aan caqli iyo cilmi toonna lahayn markaasey wax kasta oo uu fatwoodo fuliyaan!

    Ninkaa Xasaan Xuseen ah fasaadka uu ka dhex wado ummadda soomaaliyeed ma noqonayo mid laga nasto ilaa ummaddu ay ninkaas xasaan xuseen ah soo qabato ay la xisaabtanto loona ciqaabo waxyeeladii iyo fasaadkii uu ummadda u geystey.

    • ascwrwb allah fardoowza ha geyo sheekh axmed shekh cabdiraxmaan sifooyinkisa waa sifooyinka lagu yaqaan dadka rabbi jecel yahay markuu noolaa ,markuu geeriyoodayna umadu waa markhaanti oo allah baa ka hadlinaaya wuxuuna helay aduunka markhaanti wanaagsan ,akhirana mid kasiiwanaagsan baan u rajaynaynaa sheekh waanu jeclayn oo wanaagiisa iyo miisanka umada uu u hayey baa keenay arinkaan balse allah baa naga jecel ,,aniga aragtidayda ku aadan dilka culimada waxaan ka oran lahaa ,ragaan banaysanaaya oo beenta sheegaya oo hadana marin habaabinaya dadki ku raad joogay gacan ku dhiiglayaasha oo hadana leh magac sheekh umada hays ka qabato ninkaan sheegayo waa xassaan xusseen adan ,waana wax laga naxo runtii marka culimada inoo hartay aynu ku fara adaygno ,aad baan ugu raacsanahay cabdulmuhaymin arinkaas wa billahi atoowfiiq.

  39. asalaamu calaykum
    ilaahay ha xifdiyo sheekh c/qaadir nuur faarax (gacamey)ciroole diinta ku ciroobay waan qiyaasayay inuusan si fudud wax u oran ee uu afka ka duwayay wax uu hubsaday dadkuba ha la yaabeene,
    Hogaanka nimanka la tuhusan yahay waa in ay cadeeyaaan mowqifka culumada soomaaliyeed ay ka qabaan iyo waxa ay u daliishadeen in ay amar ku dilaan ama ay dhiiri galiyaan dadka u taageeraada u haya fikirkooda wabilaahi towfiiq

  40. Aslaamu calaykum
    salaan kadib jawaabta laga sugayo nimanka dilka ka damebeeya ma aha jawaab laga sugayo nin walba oo taageero u ah ee waa jawaab reerku ka sugayo hagaanka la yaqaan ee ururuka iyo raga sarer sida amiirkooda iyo afahayeen kooda iyo waliba mowqifka ay ka qabaan culumad qaba in ay khaladaad badan ka dhex muuqdo Manhajkooda Haddii ay inkiraan reerku waxay ka dalbanayaan in ay u dhaartaan hogaanku iyadoo wiliba reerku uu hayo cadaymo cadcad

    • asaalaamu calaykum waraxmah dhamaantiin waxaan marlabaad leenahay alaha unaxariisto shekheenii waxaan umahad celinaya beesha leekase oo iyagu si xeel dheer u baaray dilki fosha xumaa iyadoo aan shaki wayn ku jirin in ay xarada alshabaab dishay sheekha hadana ka gaba saday oo si aad uquruxbadan u baraydilki sheekha alaah waxaan idiinka baryanaa inu samarin inaga wada siiyo shekhenii beesha leekasana ay alshabaab war cab soo siyaan haday yihiin dad ilahay ka cabsanaya
      kolay haday ilaah kacabsanayaa madileen Dr axmeda ilahay haduu hanuun ladoono ha soo kanuusho hadiikalena sharkooda hanaga qabto alshabaab wasaaam

Leave a comment

*